Sunday, July 31, 2016

1 st AUG WHO ELSE ? ITS PUNTLAND SOMALIA - YAA KALE WAA PUNTLAND SOOMAALIYA - HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO


PUNTLAND  PEOPLE'S  PARTY
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND.
ka mid noqo kana qayb qaado tallada aayahaaga

HAMBALYO
HAMBALYO HAMBALYO
PUNTLAND HAMBALYO PUNTLAND
PUNTLAND PUNTLAND
PUNTLAND












founder & CEO  -  AMIN MUSSE.

Sunday, July 24, 2016

MOWQIFKA XISBIGA SHACABKA PUNTLAND EE DHULKA MAQAN EE PUNTLAND SOOMAALIYA KUNA JIRA GACANTA SOOMAALIDIIDKA.


MOWQIFKA XISBIGA SHACABKA PUNTLAND EE DHULKA MAQAN EE PUNTLAND SOOMAALIYA KUNA JIRA GACANTA SOOMAALIDIIDKA.
1 - waxaan marka ugu horeysa soo dhaweynaynaa nabbad ku xalinta khilaafkii dagaal ee ka yuimid dhanka soomaaliland kuna saleysnaa dhul boobka - xaqirida shacabka puntland ee ay doonayeen iney xoog iyo qori caaradiis ku maquuniyaan damacooda iyo doonitaankooda ah puntlandernimio iyo soomaalinimoba.
waxaan muddo socdey dhaqdhaqaaq soomaaliland ay ku saleysey iibsiga qaar kamida bulshadda sool sanaag iyo cayn,kuwaasoo ay u qoreen mushaar joogto ah si ay u gataan kadibna ugu isticmaalaan shacabka soomaaliyeed ee dhulkaas ku dhaqan una hoos geeyaan maamulka soomaaliland ee soomaalidiidka ah.ka dibna ay qaylo dhaan adduunka yara car caraan aqoonsi raadin rogaal celin labaad ah.
soomaaliland waxaa deeq lagu siiyaa hir galinta dimuqraadiyada sidaas darteed magaca wax lagu siiyaa waa ahaanshaha ay weli ka mid tahay soomaaliya wuxuuse maamulka soomaaliland ku hoos wadaa gooni isu taag dhalanteed ah,
waxaana maamulka soomaaliland shacabka soomaaliyeed kiisii yaa siiyaa sanuud yar waa kuwa aan weli gacantooda ku jirine.mase aha arin ay shacabku sool sanaag iyo cayn ay wadda og yihiin iskuna wadda raacsan yihiin.
waana arin aanu aad u dhaliileyno,cambaareyneynana maadama ay tahay iibsi ku saleysan laaluuluush isuguna dhuraneysa soomaalidiidnimo.
2 - waxaan aad uga soo hor jeednaa in ciidanka puntland soomaaliya laga soo cesho dhulka ku magacaaban dowlad goboleedka puntland soomaaliya.waayo markii horeba waxa horseedey iney soomaaliland damacdo waa cidlayna iyo dayicida.waana muqadis in ciidanka puntland joogi karaan saldhigyana ku yeeshaan dhulka puntland soomaaliya inta weli gacanta puntland ku jirta,waa furinta waqooyi eh.
3 - waxaan aad u dhaliileynaa aamusnaanta iyo ka qayb gal la.aanta dowlada federalka soomaaliya raadinta soomaali weyn, siiba markey noqoto bixin la aanta deeqaha soomaaliya loogu tala galay qaybaha gobolada sool sanaag iyo cayn.maadama shacabkaas soomaaliyeed uusan haysan wax soosaar buuxa iyo waliba ka maqnaanta dowlada federalka soomaaliya miiska siyaasadiisu guracantey ee noqotey qori caaradiis iyo dagaalka isu badaley soomaalidoon iyo soomaalidiid.
waana mid ka dhigeysa dowlada federalka soomaaliya mid ay iska indha tireysa xaqiiqda ka jirta dalkeena maanta.
4 - soomaaliland waxay ilaa hada ku andacooneysaa sababna uga dhigeysaa raadinta gooni u istaaga waa waxaa na dulmey soomaalida kale waana been aan sal iyo raadba laheyn,waayo dad la dulmey dad kale ma dulmaan adduunkan maanta waxaase siyaasadaas waa nala dulmey anaaguna wax ayaan dulmeynaa ku dhaqma waa dalka israa,iil oo kalya,
waxaa asalkii ama bilowgii aas aaskii jamhadii SNM kula heshiiyeen itoobiya in ay go aan itoobiyna ku caawiso saldhigyo milatari,waana riyada maanta ay weli horjoogayaasha soomaaliland ku raadjoogaan,kuna dulminayaan shacabka waxka sameystey dowlada puntland ee soomaaliya.waana soomaalidiidnimo cad,dhana ka ah jiritaanka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.
waana hor ordayaasha siyaasada qotada dheer dheer ee ay itoobiya ku dooneyso kala goo go a soomaaliya si soomaali galbeed qalbiga dadka soomaaliyeed uga tirtiranto,
soomaaliland waxay isticmaashey siyaasadii ay itoobiya ku gadatey shacabka soomaali galbeed qaarkiis,tasoo ah gado qabqablayaasha dhuuni raaca ah ee qaarkood matala shacabka soomaaliyeed inta shacabka hurdo wixii dib kasoo hurda kacana qori caaradiis ku maquuni,waana mida ay soomaaliland hada soo koobisey itoobiya kulana dhaqmeyso shacabka gobolada sool sanaag iyo ceyn waa dadkii soomaaliyeed ee wax ka sameystey puntland soomaaliyee,
horjoogayaasha shacabka waqooyi galbeed waxaan leeyahay nabadu waa muhiim dulmiguna waa mid aan u fiicneyn dadkeena soomaaliyeed,kala go go una ma aha mid dan ugu jirto shacabka aad qalin badasheen dhalintiisii kuna daboosheen dalka wir wirka ah ee aad ugu magac darteen soomaaliland.halka danta guud ay tahay soomaaliya oo mida.shacabka soomaaliyeed oo nabbad haysta horumarsana.loomana turaan tureyn karo shacabka waqooyi galbeed ee soomaaliya danno shisheeye iyo mid gumeystaba.
5 - shacabka puntland guud ahaan waxaan mar labaad leeyahay soomaaliya midnimadeedu waa muqadis waxa kaliya ee maanta isu hayaa midnimada soomaaliya waa gobolada sool sanaag iyo cayn ee puntland soomaaliya waxaana muhiim ah in ay waligood ku jiraan gacanta puntland si ay u danto hiyi kaca beenta ah ee meel gooni isu taaga ku saleysan una suurto gali waydo kala goo geynta dalkeena soomaaliya,
waxaa runtu tahay xariiq ninkii reer galbeed sameeyey si uu asagu ugu kala amaan helo geeska afrika ileen waxaa dalkeena boobey kuna soo duuley dalal kala duwane waxaan leenahay ma aha xad ama xaduud kala jara geyiga soomaaliyeed amaba ma aha mid ay horjoogyaal soomaaliyeed ummadda la soo hor istaagaan hadii aysan jeebka ugu jirin qoom kale isticmaalkiisa.
6 - dowlada hada xukunka haysa ee puntland waxaan halkan ka cadeyneynaa kuna xusuusineynaa in midnimada puntland ay tahay,midnimada soomaaliyana midnimada soomaaliyana muqadis tahay sidaas darteed aan shacabka puntland soomaaliya lagu dulmin karin qori caaradiis qaarkoodna lagu khasbi karin soomaalidiidnimo ayna dowlada hada xukunka haysaa ka soo baxdaa waajibaadkii loo idmadey ee shacabka puntland iyo tii soomaalinimaba,
aysana macquul noqoneynin in ciidanka difaaca puntland laga maamulo hargeysa maamulkeeda,si loo sii gato shacabka puntland nabbadna looga badalo dib u gurasho halka maamulka soomaaliland weli xoog ku haysto gobolo badan laguna dulmiyo dad badan kuwasoo ay ku dheer tahay puntlandernimadu iyo soomaalinimaduba.waa muqadis soo celinta dhulka maqan ee puntland,waana waajib saaran hadba dowlada xukunka u haysa shacabka puntland soomaaliya iyo shacabka reer puntland ba.
7 - waxaa xisbiga shacabka puntland iyo shacabkiisuba sugayaan go'aan cad qancina kara shacabka puntland iyo kan soomaali guud ahaanba.
puntland waxaa horey isugu dayay alshabaab, alshabaab waa qaadatey kuna qanacdey kuna quusatey macangagnimadii shacabka puntland markey noqoto jiritaankooda waxaase dhiman kan runta ah ee ku qoran sharciga puntland kasoo ah midnimada puntland iyo soo celinta dhulka maqan ee puntland soomaaliya.
afhayeenka
xisbiga shacabka puntland
puntland people's party (PPP)
FARAH NUUR.