Tuesday, August 30, 2016

BAAFIN DANBIILEYAAL - WANTED .



Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo qabqabtaan dhagar qabayaasha kooxda alshabaab ee geystey falkii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka.
Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku burburtay hanti tiro badan.
Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo  magacyada dhagar qabayaasha Al-shabaab ee falkaasi waxashnimo ee ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.
  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”
Da’diisa: 40-45 sanno jir.
Ku dhashay Gaalkacyo.
Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.
Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
  1. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”
Da’diisa: 45 sanno jir.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.
Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug.
  1. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf
Ku dhashay: Gobolka Mudug.
Beeshiisa: Dir/ Qubeys.
  1. Cabdishakuur Mire.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.
  1. Muxiyadiin Dakharre.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.
Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca dhagar qabihii isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaadhigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, Faahfaahintiisana hoos ka akhriso.
Cabdullaahi Fanax
Da’diisa: 22 Sanno Jir.
Ku dhashay Ceel-waaq
Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.






WIXII GADIID AH OO KA QAYB QAADANAYA DOORASHADA SOOMAALILAND LAGUNA QABTO PUNTLAND WAA LA WAREEGID WIXII WATANA WAXAA LA HORKEENI SHARCIGA.








Saturday, August 27, 2016

SUGIDA NABBADGALYADA MAGAALADA GAALKACYO EE PUNTLAND GORGORTAN MA LAHA.

waxaa shaki badan laga qabey wadda shaqeynta ALSHABAAB IYO SOOMAALILAND IYO GALMUDUG uu noqdey mid cad jirana ama waxaan oran karnaa cadowga ummadda soomaaliyeed ee rabba kala goo go'a dalkeena wuxuu isticmaalaa soomaaliand.soomaaliland na waxay isticmaashaa alshabaab si soomaaliya dib ugu dhacdo ayaduna u gaarto gooni u istaag waana mid niyada kaga qufulane,alshabaabna waxay isticmaashaa galmudug oo waliba kasoo dhex dagaalantaa, waana mid ay qabanayaan indhaha wax garadka oo kaliya.
runtuse waxay tahay alshabaab waxay isku daydaa iney ka dhex shaqeyso maamulada dalkeena ka jira.isticmaashana hadba kii ay ku rati kacsan karto.SOOMAALILAND WAXAA DANAHEEDA FULIYA ALSHABAAB.GALMUDUGNA waxaa meesha dhigey lana itaal daran tahay waa alshabaab,

galmudug waa maamul jecel soomaalinimada runtii.waxaanse shacabka galmudug leenahay meel uga wadda soo jeesta alshabaab,ma doonayaan inaad noqotaan dad soomaaliyeed oo israacsan lehna maamul sugan kana mid ah dowlada ummadda soomaaliyeed iska leeyihiin guud ahaaan ee dowlada federalka soomaaliya.galmudug uma qalanto iney ka soo dhex dagaalamaan dad soomaalidiid ah,waayo shacabka galmudug waa shacab ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ay ka go'an tahay soomaalinimadu.shacabka galmudug ma oofin karaan danaha alshabaab waayo waxay arintaasi lid ku noqon jiritaankooda maamul ahaaneed.

maalmahan soomaaliland waxay daandaansi iyo gardarro ka wadda gobolada sool sanaag iyo cayn keenteyna ciidamo la oradaya santuukhyo ay dooneyso iney niyada ku dhisato iyo dal ayaan nahay,

falkaas GARDARRO EE SOOMALILAND ka dib ayaa waxaa alshabaab soo magleegtey fal aragagixisonimo kana gaysatey qarax magaalada galkacyo kuna laysey dad badan,
waxaa arintii looga soo horjeedey kuna saleysneyd waxyeelada iyo isugu tagga puntland la wareegey hadda GALMUDUG oo aan hore ugu sheegey iney noqotey WADDADA HALAQMAREEN EE LASHABAAB,
saakana GALMUDUG ayaa wadda qas NABBAD GALYO DIIDNIMO AH,
GALMUDUG kama taliso gaalkacyo kamana tali karto waayo XAAFAD BARKEED LOOMA AFDUUBI KARO jiritaanka magaalo dhan tasoo hoos tagta maamul ay sameysteen kana mid ah dowlada federaalka soomaaliya.
GALMUDUG waa maamul soomaaliyeed waxaanse ugu baaqeynaa ineysan ka qayb qaadan weerarada lagu dibin daabyaynayo puntland,waxna ka qabato la dagaalanka argagixisonimada sugtana amaanka maamulka galmudug waa mid soomaali oo dhan dani ugu jirtee.
soomaalidu waxay tiraahdaa maxaa qowda iyo qaylada kulan siiyey,waxaa kulansiiyey waxaa jira dagaal qarsoon iyo mid cad kasoo lagu soo wajahay PUNTLAND,
puntland dadkeedu waa dad nabbada jecel soomaalinimaduna ku weyn tahay,
sidaas darteed waxaan mar labaad ku celineynaa in maanta puntland cagta saartey dagaal qaab xun kasoo laysugu dhiib dhiibayo sidii ORADKII QORI SIU DHIIBKA,

- waxaa marna macquul noqoneynin in PUNTLAND loola yimaado arimo gardarro ah,ka kala yimaadana soomaaliland -alshabaab - galmudug.waayo waxay axq iyo xaquuq u leedahjay iney isdifaacdo.
- puntland lagulama gorgortami karo magaalada galkaacyo ka talinteeda gacan ku haynteeda iyo sugida amaankeedaba, waayo gaalkacyo waa magaalo ka tirsan dowlada puntland ee soomaaliyeed.
- marnaba magaalada gaalkacyo ma noqon karto mid hoy u ah labo ciidan ayna fariisimo kala duwan ku kala
leeyihiin,waayo markabkii yeeshaa labo naakhuudo waa dagaa.
- waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa iney ilaashadaan nabbada waa shey qaliyee,shacabka soomaaliyeedna nabbad kuwada noolaadaan,dantaa ku jirtee,hal ilna kuwada eegaan nabbad diidka noocuu yahayba.
- waxaan maamulka galmudug leenahay shacabka galmudug ee soomaaliyeed degana magaalada galkacyo waxaa masuuliyada amaankoodu saaran yahay dowlada puntland.ee suga amaanka dhulka baaxada leh ee soomaaliyeed hoosna taga maamulka galmudug,joojiyana xiniftanka magaalada gaalkacyo.






Sunday, August 21, 2016

CAMBAAREYN QARAXA GAALKACYO EE ALSHABAAB & DHULBALAARSIGA SOOMAALILAND EE SOOL-SANAAG IYO CAYN.






waxaa halkan ka cambaareyneynaa falka aadka u xun ee loola tagey shacabka puntland ee soomaaliyeed,waxaan kaloo cambaareyneynaa falalka aadka u xun ee ee dhulbalaarsiga  kuna  saleysan gaarida riyada beenta ah ee gooni isu taaga,

waxaan kaloo halkan tacsi uga direynaa eheladii dadkii ku dhintey ama ku dhaawacmey QARAXII WAXUUSHNIMADA AHAA EE MAGALADA GALKACYO PUNTLAND SOOMAALIYA.

waxaa shacabka puntland ee soomaaliyeed maanta u cad in cadowgii HARKA  ahaa mar labaad faraha la soo galey puntland,shallay waxay aheyd  4.5  diidney  iyo alshabaab ayaa xeebta isku soo daydey waana siiney  casharkeedii ay alshabaab dalbatey,,
waxaan ogeyn in alshabaab iyo in kaloo badan kana xun jiriritaanka puntland ee soomaaliya aysan joojin FALAL FULAYEEDKA  ay doonayaan iney wax ku yeelaaan shacabka  puntland soomaaliya,
waxkasta waxaa ka weyn soomaalinimada mana aqbaleyno in qarax lagu dilo iyo si kalaba
shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed iyo waliba kan ummaddaha kalaba.

maanta waxa magaalada gaalkacyo ka dhacay waa mid ka mid falalka ay ku caan baceen dadka loo isticmaalayo ummadda soomaaliyeed iyo dunidan daafaheedaba,waana wax aan hareyn ilaa lakala baxo lana kala adkaado waana iska cadahay cida adkaaneysa waana kuwa nolosha doonaya iyo soomaalinimada kuwa adkaanaya,waxayna ku cadahay tusaalena inoogu filan hooyada soomaaliyeed ee puntlanderka ah saakana keensatey bocsharada suuqa gaalkacyo si ay u quudiso ilmaheeda yar yar ugana bixiso waxbarasho,rafaadiyey dagaalkii sokeeye ee dalkeena wax la'aantuna ku hagoogatey ninkii diley waa in lala JIHAADO laguna dilo meeshii lagu helo ciida soomaaliyeed,waayo waa NOLOL DIID.waana sababta looga guuleysanayo.
ninka ardeyda ama madaxdii berito u quurey dilka waa in meel looga wada soo jeesto lalana wadda jihaado,

shacabka puntland waa mid waana isku tashtey runtii,waxaa la doonayaa inaan FEEJIGNAANO kordhinana la shaqeynta,
SIRDOONKA  PUNTLAND ,
CIIDAMA DIFAACA PUNTLAND,
BOOLIISKA PUNTALND
si markasta looga hor tago FIDNADA ARGAGIXISADA ee GAADMADA KU SALEYSAN,waxna lagu yeelayo shacabka.maadama ay qabaan dhar shacab kuna dhex dhuumaaleysanayaan shacabka dhexdiisa.dhibtiina ay gaareyso shacabka,shacabku waa INDHIHII BADBAADADA NAFTOODA IYO DALKOODA marka waa muqadis in shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed guud ahaanba wax ka galaan jihaadka socda kuna soo arurey WAA MUQADIS INAAN NOOLAANO.

xisbiga shacabka puntland wuxuu shacabka puntland xusuusinayaa in marka wax shaqaaqo ahi dhacaan in wali ay dhiman tahay FULEYNIMO DIRIRKII NOLOL DIIDKA sidaas darteed aysan ku yaacin kuna soo ururin meeshii wax ka dhacaan ayna u daayaan hawsha iyo wax qabadkaba CIIDAMADA DIFAACA PUNTLAND IYO HAY'ADAHA CAAFIMAADKA maadama canaasiirta shacabka laynayeysaa MADAXA KAGA QUFULAN TAHAY SII LAAYA IN BADAN.

hadii aan usoo noqono soomaaliland waxaan aad uga xunahay in CAYRSIGA RIYOBEENAADKA WIRWIRKA OO KALE AH KUNA SALEYSAN GO'ITAANKA aadna kula rafaneysaan gobolada puntland SOOL SANAAG IYO CAYN,maanta waxaad garteen  in raadkiina nalookugu soo gabado mana aha wax aanu u dulqaadaneyno santuukhyo LAGULA SOO YAACO DHULKA PUNTLAND SOOMAALIYA idinkoo ku celcelinaya waan go eynaa waana mid meesha ka saareysa daris wanaagii soomaalinimadii,jeexaysana wado aad u qalafsan iyo OODO LAYSLA JIIRO.

waxaa XISBIGA SHACABKA PUNTLAND asagoo ku hadlaya codka shacabka puntland cabaareynayaa fartana ku fiiqayaa DHUL BALAARSIGA  KU SALAYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA EE AY SOOMAALILAND LA SOO INDHO CADAHAY. KULA RAFANEYSO DHULKA PUNTLAND IYO SHACABKEEDA.
WAX  ALLA  IYO WIXII KA YIMAADANA AY AYADU  LEEDAHAY  MASUULIYADEEDA,

WAXAAN  HALKAN  KU GARAB TAAGANAHAY  DOWLADA  HADDA  XUKUNKA  HAYSA EE  PUNTLAND  MOWQIFKEEDA  SOOMAALILAND  SI  CAD.
SOOMAALILAND  WAXAAN  U  CADEYNEYNAA UNA SHEEGEYNAA INEYSAN  ISKU DAYIN  INEY KEENAAN   DAASAHADA WARQADAHA BEENTA AH  LA  RABO  IN  LAGU GURO.
waxaan halkan ka cadeyneynaa in soomaaliland danaheeda ay alshabaab fuliso cadeyna u tahay hadii madax soomaaliland oo ordeysaa aysan imaan laheyn laas caanood magaalada galkacyo lama qarxiyeen.hadase socdaal dhul boob iyo qarax waa silsilad wadda socota.

waxaan shacabka puntland ku bogaadineynaa  ISKU DUUBNI iyo la shaqaynta dowlada xukunka hada  haysa  ee puntland.
shalay waxaan soomaali oo dhan u cadeyneyney in magaca alshabaab uusan aheyn mid lagu bajin karo  shacabka soomaaliyeed puntlandna ay diyaar u tahay wax ka qabadkooda
iyo soo afjaristoodaba si ay ummadda sopomaaliyeed uga noolaato,
adduunkuna wuxuu markhaati ka noqdey geesinimada ciidanka puntland iyo midnimada shacabka puntland ee gadaashooda taagan.

maanta waxa nagu furani waa labo furimood sidaa darteed DHANKEEY KA BAXDAA WAA BAKEYLE QALEEN.runtiina xataa toban furimood waan isaga filanahay.HA NOOLAADEEN SOOMAALIDA NOLOL DOONKA AH HANA DHACEEN INTA NOLOL DIIDKA AHI.




Wednesday, August 17, 2016

XOD XODASHADA SIYAASADEED EE SHACABKA PUNTLAND EE SOOL SANAAG IYO CAYN EE SOOMAALILAND.



ilaa hada waxaa socda dabeyl siyaasadeed doqon magaratona ah,tasoo kusaleysan sidii soomaaliland ay dabin abadan ah u galin laheyd shacabka puntland ee sool sanaag iyo cayn,

soomaaliland waxay qalbiga ku xiratey madax banaani waanariyo sidii xiinka oo kale ah,waayo waxaa ka weyn danaha soomaaliya oo mideysan ay adduunka kaga qayb galeyso loogana aqabaley arintaas  ayna isku raaceen dalalka daneeya ama mustaqbalka saaxiibtinimo ee siyaasada dheer ku qotonta ka leh soomaaliya,hadaba aqoonsi soomaliland la aqoonsado waa mid aan waligeed hirgaleynin,kana macquul noqon doonin adduunkan ay weli hogaanka u hayaan dalalkii ku guuleystey dagaalkii labaad ee dunida sharxiyadii ay sameeyeena ilaa hada lagu dhaqmayo,waana dalalka watta soomaaliya oo mideysan,waana ugu mahadineynaa,si buuxda,

dadkeenu waxay yiraahdaan sidee xeero loo xagtaa ilakana ku bad baadaan,sidee shacabka soomaaliland wax ula qayb san karaan shacabka soomaaliyeed intiisa kale si gaarana shaati ugu galin karaan beenii fakatey ee go itaanka ku salaysneyd,waa sahal mana foga wax ka badalkeedu,

- waa soomaaliland oo aqabasha kuraastii la siiyey dowlada federalka maadama ay xaq u leeyihiin,

- waa iyagoo isu arka dowlad goboleed waxna ka raadiya danta guud ee soomaaliyeed,hogaankana wax uga qabta dowlada federalka soomaaliya ileen cidi kama xigtee,waxaad ku gaari kartid adigoo mideysan kuma  gaari kartid adigoo kali ah,waana hubaal,inaad fulisid danta dal khaasa oo kuu carab laa laadiyey mooyee halka markaad aad mideysan tahay wax la qaybsaneysid adduun weynaha.

- shacabka soomaaliland oo iska hor wareejiya ku usha la hor boodaya dafeyna hogaanka siyaasadeed ee shacabka waqooyi riyadii xiinka aheyd  na ka dhigey sugitaankii yuug yamaan yuug,ileen kuraas ayay ku raadinayeene.


hadii aan usoo noqdo xod xodashada siyaasadeed ee shacabka puntland ee sool, sanaag, iyo cayn waa arin u baahan ineysan ku deg degin waayo shallay waxay aheyd mid dhaqaale ku saleysan soo xero galintoodu markii shilimadii koobka soomaaliland kusoo dhacay dhamaadeeena arintu waay yara degtey,

hada ayaa waxaa mar labaad bilaabatey wajigii labaad oo ku saleysan lafo maroodi ayagaa laysku jabiyaa,shalay dadkii jeebka waxa loogu gurey ayaa madashii geeyay in wacdaro ay mudan tahay iney shacabku arkaan waxaana xigtey in dowlad goboleedka soomaaliland ay arintan darteed u kala badashey xukuumadii ayna siisay jagooyin aanba wakhtigoodu dheereyn qaar kamida ah horjoogayaasha shacabka sool sanaag iyo ceyn,siyaasada lagu wajahayo shacabka puntland ee sool sanaag iyo ceyn waa mid danbi weyn ku ah jiritaanka puntland waayo shacabka sool sanaag iyo cayn waxay wax ka samaysteen puntland shirkii saddexda bilood socdey ilaa maantana ma jirto meel puntland ay isugu timid kuna sameysatey sharci cusub kasoo wax ka badalaya jiritaanka dhulka puntland iyo shacabkeedaba.sidaas darteed xeer ahaan waa shacab u baahan in la bad baadiyo lagalana tacaalo dafaasha siyaasadooda ama horjoogayasha shacabkaas puntland,ulana suxul duubaya meel aysan dani ugu jirin laguna xaqirayo jiritaankooda,runtu waxay tahay inan jeebka wax loo soo gashey wuxuu ku fiican yahay inuu hargeysa iska joogo laakiin uusan lugoyn dadka uu kasoo jeedo,maanta waxay arini mareysaa naftaada gad laakiin dadkaaga daa,

markaan arinka sool sanaag iyo cayn ka fiirino dhinacyo badan waa muqadis in puntland bad baadiso shacabkeeda,intii lagu hantin lahaa sunuud yar,loona isticmaali lahaa cidla ula cararka kala qoqobka dalweynaha soomaaliyeed,

waxaan halkan ka cambaareyneynaa xisbi ahaan afduubka aan gabashada laheyn ee lagula farganayo shacabka sool sanaag iyo cayn,

waan ognahay dalkeenu waa socod barad dhankasta dhaqaale iyo soo kabashaba marka lala bar bar dhigo adduunkan laakiin ma aha in gobolkii soomaaliya ee yara nabbad helaba uu qabriyada kala soo baxo riyo ku tiri ku teen ah tasoo  uu ku dulminayo bogolka ku xiga ama maamulka ku xiga,waana sida mida ay la raxmadeysan tahay soomaaliland kuna salysan go'itaan mala awaal ah.

waxaan si xaqiiq ah u leeyahay shacabka sool sanaag iyo cayn waa la doogi ee yaan la dacaroon,

soomaaliya oo wanaagsan ayaa ifeysa ee yaan qaar kiin u suxulo duubin maamul uu jirro ku noqdey IFTIINKA MIDNIMADA SOOMAALIYA.

waxaan halkan rabnaa inaan ku xusno in 11 odey dhaqameed ee sheegtey iney matalaan shacabka sool sanaag iyo cayn ka dib u fiirsasho gaara dabaded inuusan hadalkoodii cadeyn uuna u ekaa mid ay ku dheehan tahay nalama soo war galin,ama waa nalaka dul boodey,iyo awood la'aan, runtu waxay tahay si daacad ah dadnimana ku jirto hadii aad dadkaaga u horgasho fulineyso danta faa'iidadu ugu jirto waxaad haysataa awood buuxda oo aad ku matali kartid,dadkuna waxay mudan yihiin iney muujiyaan iney idin garab istaagaan,waa hadii ay idin doorteene.

waxaan aad u dhaleeceyneynaa dhawaaqa ku saleysan JEEBKA MARAKAYAGA.

maanta waxaa socda waa dabeylo lagu kala garanayo xaqiiqda iyo runta shaqsiyaadka u qalma iney matalaan shacabka sool sanaag iyo cayn sida salaadiinta,culumodiinka,gaaradada,odayaal dhaqameedyada,wax garadka,dhalinyarada,inta rabta wanaaga shacabka sool sanaag iyo cayn qalbigana ku xirtey iney bad baadiyaan dadkooda iyo jiritaankooda,

war iyo gabo gabo WAA MAALINTII ISGAD AMA  ANIGU ISLAHOOW,loogu magac darey shacabka sool sanaag iyo cayn.waayo jagooyinka kusalaeysan soo dabida shacabka sool sanaag iyo cayn waxaa helayaana  waa inyar oo dhuuni qaatayaal ah doonayana in ku rati kacsadaan magaca guud ee shacabka,waana kuwo beri iyo beri danbe jireynin,sida xiinka haraatida dulmiguna wuxuu ku hari shacabka inteysan imaan aan ooyee albaabka ii xidha.waan in shacabku yeeshaa  hogaan fiican kuwaasoo  aan ka door bidin waxa galaya jeebkooda.


Afhayeenka xisbiga shacabka puntland
faarah nuur.













Monday, August 8, 2016

WAXAAN TAAGEERO BUUXDA KU GARAB TAAGANAHAY CIIDAMADA DARAAWIISHTA PUNTLAND EE SUGAYA AMAANKA SOOL SANAAG IYO CAYN.





lama iibsan karo mansabka shacabka sool sanaag iyo cayn,waxaa mudadaii danbe maamulkii isku magacaabey riyadana  ahaa  ee khaatumo ku dhiiradey  iibgeynta jiritaanka shacabka sool sanaag iyo cayn,tasoo aan u qalmin raalina aysan ka ahayn shacabka xaq u taaganka ah ee sool sanaag iyo cayn.

waxaan aad iyo aad u garab taagannahay ciidanka daaraawiishta ee puntland kuwaasoo sugaya amaanka shacabka sool sanaag iyo cayn,matalana shacabka soomaalidoonka ah ee lagu hareereyay cabsida aamusinta,xaqirida,

waxaan sugnaaba waa israacid  buuxda iyo tixgalinta shacabka sool sanaag iyo cayn ee puntland.waayo waa mida saldhig u ah jiritaanka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed,shacabka sool sanaag iyo cayn waa LAF DHABARTII JIRITAANKA IYO MIDNIMADA UMMADDA SOOMAALIYEED WAANA MUQADIS JIRITAANKOODA SOOMAALIYEED..



Afhayeenka
xisbiga shacabka puntland
FARAH NUUR.

Saturday, August 6, 2016

2 - BAL GAARSIIYA IYADANA - ITOOBIYA IYO BEESHA CAALAMKA IN SOOL SANAAG IYO CAYN DIIDEEN TAHLIISHII SOOMAALIDIIDNIMADA EE SOOMAALILAND IYO JAJUUBA.





WAALIDA DHAQANTA WAALIDA QABOOW WAALIDA KULUL WAALIDA RUNTA AH 
INTABA WAXAA KA SII DARAN DOQONIMADA DADKA SHACABKA SOOMAALIYEED AFDUUBKIISA HORBOODAYA.

WAANA MIDA KASOO IF BAXAYSA KANA DHEX GUUXAYSA INTA DHUUNIGU QAADEY EE SHIMBIR DUUL DUULKA QABTA SIDA DADKA ISUMALEYNAYA INEY MATALAAN DADKA SOOMAALIYEED EE DAGAN SOOL SANAAG IYO CAYN ISKUNA DAYAYA KANA SHAQEYNAYA KALA FOGEYNTA DADKA SOOMAALIYEED,IYO KALA GOYNTA SOOMAALIYA.

WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA  REER SOOL SANAAG IYO CAYN INEY YEESHAAN HOGAAN DHAMEED ASLUUB LEH KUWAA SOO FULIYA DANAHA SHACABKA AYNA U GADAAL FARIISTAAN RAADINTA XAQA AY PUNTLAND IYO SOOMAALIYABA KU LEEYIHIIN DHAGAHANA KA FUREYSTAAN DHAWAAQA KU SALEYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA AWOODIISU KUSOO URURTEY ITOOBIYAAN USHEEGEYNAA WAXAANSE XISBIGA SHACABKA PUNTLAND AHAAN LEENAHAY BAL BEESHA CAALAMKANA U  SHEEGA INAAD SHACABKA SOOL SANAAG IYO CAYN AFDUUBI KARTAAN AMA AWOODAANBA.

MIDNIMADA PUNTLAND WAA MUQADIS,WAANA AAS AASKA MIDNIMDA SOOMAALIYA.


afhayeenka
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND
FAARAH NUUR.

Thursday, August 4, 2016

1 - BAL GAARSIIYA IYADANA - ITOOBIYA IYO BEESHA CAALAMKA IN SOOL SANAAG IYO CAYN DIIDEEN TAHLIISHII SOOMAALIDIIDNIMADA EE SOOMAALILAND IYO JAJUUBA.



WAALIDA DHAQANTA WAALIDA QABOOW WAALIDA KULUL WAALIDA RUNTA AH 
INTABA WAXAA KA SII DARAN DOQONIMADA DADKA SHACABKA SOOMAALIYEED AFDUUBKIISA HORBOODAYA.

WAANA MIDA KASOO IF BAXAYSA KANA DHEX GUUXAYSA INTA DHUUNIGU QAADEY EE SHIMBIR DUUL DUULKA QABTA SIDA DADKA ISUMALEYNAYA INEY MATALAAN DADKA SOOMAALIYEED EE DAGAN SOOL SANAAG IYO CAYN ISKUNA DAYAYA KANA SHAQEYNAYA KALA FOGEYNTA DADKA SOOMAALIYEED,IYO KALA GOYNTA SOOMAALIYA.

WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA  REER SOOL SANAAG IYO CAYN INEY YEESHAAN HOGAAN DHAMEED ASLUUB LEH KUWAA SOO FULIYA DANAHA SHACABKA AYNA U GADAAL FARIISTAAN RAADINTA XAQA AY PUNTLAND IYO SOOMAALIYABA KU LEEYIHIIN DHAGAHANA KA FUREYSTAAN DHAWAAQA KU SALEYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA AWOODIISU KUSOO URURTEY ITOOBIYAAN USHEEGEYNAA WAXAANSE XISBIGA SHACABKA PUNTLAND AHAAN LEENAHAY BAL BEESHA CAALAMKANA U  SHEEGA INAAD SHACABKA SOOL SANAAG IYO CAYN AFDUUBI KARTAAN AMA AWOODAANBA.

MIDNIMADA PUNTLAND WAA MUQADIS,WAANA AAS AASKA MIDNIMDA SOOMAALIYA.


afhayeenka
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND
FAARAH NUUR.




GAARSIIYA IYADANA - ITOOBIYA IYO BEESHA CAALAMKA IN SOOL SANAAG IYO CAYN DIIDEY TAHLIISHII SOOMAALIDIIDNIMADA IYO AF DUUBKA SOOMAALILAND.





WAALIDA DHAQANTA WAALIDA QABOOW WAALIDA KULUL

WAALIDA RUNTA AH INTABA WAXAA KA SII DARAN DOQONIMADA



WAANA MIDA KASOO IF BAXAYSA KANA DHEX GUUXAYSA INTA DHUUNIGU QAADEY EE SHIMBIR DUUL DUULKA QABTA SIDA DADKA ISUMALEYNAYA INEY MATALAAN DADKA SOOMAALIYEED EE DAGAN SOOL SANAAG IYO CAYN ISKUNA DAYAYA KANA SHAQEYNAYA KALA FOGEYNTA DADKA SOOMAALIYEED,IYO KALA GOYNTA SOOMAALIYA.

WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA  REER SOOL SANAAG IYO CAYN INEY YEESHAAN HOGAAN DHAMEED ASLUUB LEH KUWAA SOO FULIYA DANAHA SHACABKA AYNA U GADAAL FARIISTAAN RAADINTA XAQA AY PUNTLAND IYO SOOMAALIYABA KU LEEYIHIIN DHAGAHANA KA FUREYSTAAN DHAWAAQA KU SALEYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA AWOODIISU KUSOO URURTEY ITOOBIYAAN USHEEGEYNAA WAXAANSE XISBI SHACABKA PUNTLAND AHAAN LEENAHAY BAL BEESHA CAALAMKANA U  SHEEGA INAAD SHACABKA SOOL SANAAG IYO CAYN AFDUUBI KARTAAN AMA AWOODAANBA.

MIDNIMADA PUNTLAND WAA MUQADIS,WAANA AAS AASKA MIDNIMDA SOOMAALIYA.


afhayeenka
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND
FAARAH NUUR.