Wednesday, August 17, 2016
XOD XODASHADA SIYAASADEED EE SHACABKA PUNTLAND EE SOOL SANAAG IYO CAYN EE SOOMAALILAND.
ilaa hada waxaa socda dabeyl siyaasadeed doqon magaratona ah,tasoo kusaleysan sidii soomaaliland ay dabin abadan ah u galin laheyd shacabka puntland ee sool sanaag iyo cayn,
soomaaliland waxay qalbiga ku xiratey madax banaani waanariyo sidii xiinka oo kale ah,waayo waxaa ka weyn danaha soomaaliya oo mideysan ay adduunka kaga qayb galeyso loogana aqabaley arintaas ayna isku raaceen dalalka daneeya ama mustaqbalka saaxiibtinimo ee siyaasada dheer ku qotonta ka leh soomaaliya,hadaba aqoonsi soomaliland la aqoonsado waa mid aan waligeed hirgaleynin,kana macquul noqon doonin adduunkan ay weli hogaanka u hayaan dalalkii ku guuleystey dagaalkii labaad ee dunida sharxiyadii ay sameeyeena ilaa hada lagu dhaqmayo,waana dalalka watta soomaaliya oo mideysan,waana ugu mahadineynaa,si buuxda,
dadkeenu waxay yiraahdaan sidee xeero loo xagtaa ilakana ku bad baadaan,sidee shacabka soomaaliland wax ula qayb san karaan shacabka soomaaliyeed intiisa kale si gaarana shaati ugu galin karaan beenii fakatey ee go itaanka ku salaysneyd,waa sahal mana foga wax ka badalkeedu,
- waa soomaaliland oo aqabasha kuraastii la siiyey dowlada federalka maadama ay xaq u leeyihiin,
- waa iyagoo isu arka dowlad goboleed waxna ka raadiya danta guud ee soomaaliyeed,hogaankana wax uga qabta dowlada federalka soomaaliya ileen cidi kama xigtee,waxaad ku gaari kartid adigoo mideysan kuma gaari kartid adigoo kali ah,waana hubaal,inaad fulisid danta dal khaasa oo kuu carab laa laadiyey mooyee halka markaad aad mideysan tahay wax la qaybsaneysid adduun weynaha.
- shacabka soomaaliland oo iska hor wareejiya ku usha la hor boodaya dafeyna hogaanka siyaasadeed ee shacabka waqooyi riyadii xiinka aheyd na ka dhigey sugitaankii yuug yamaan yuug,ileen kuraas ayay ku raadinayeene.
hadii aan usoo noqdo xod xodashada siyaasadeed ee shacabka puntland ee sool, sanaag, iyo cayn waa arin u baahan ineysan ku deg degin waayo shallay waxay aheyd mid dhaqaale ku saleysan soo xero galintoodu markii shilimadii koobka soomaaliland kusoo dhacay dhamaadeeena arintu waay yara degtey,
hada ayaa waxaa mar labaad bilaabatey wajigii labaad oo ku saleysan lafo maroodi ayagaa laysku jabiyaa,shalay dadkii jeebka waxa loogu gurey ayaa madashii geeyay in wacdaro ay mudan tahay iney shacabku arkaan waxaana xigtey in dowlad goboleedka soomaaliland ay arintan darteed u kala badashey xukuumadii ayna siisay jagooyin aanba wakhtigoodu dheereyn qaar kamida ah horjoogayaasha shacabka sool sanaag iyo ceyn,siyaasada lagu wajahayo shacabka puntland ee sool sanaag iyo ceyn waa mid danbi weyn ku ah jiritaanka puntland waayo shacabka sool sanaag iyo cayn waxay wax ka samaysteen puntland shirkii saddexda bilood socdey ilaa maantana ma jirto meel puntland ay isugu timid kuna sameysatey sharci cusub kasoo wax ka badalaya jiritaanka dhulka puntland iyo shacabkeedaba.sidaas darteed xeer ahaan waa shacab u baahan in la bad baadiyo lagalana tacaalo dafaasha siyaasadooda ama horjoogayasha shacabkaas puntland,ulana suxul duubaya meel aysan dani ugu jirin laguna xaqirayo jiritaankooda,runtu waxay tahay inan jeebka wax loo soo gashey wuxuu ku fiican yahay inuu hargeysa iska joogo laakiin uusan lugoyn dadka uu kasoo jeedo,maanta waxay arini mareysaa naftaada gad laakiin dadkaaga daa,
markaan arinka sool sanaag iyo cayn ka fiirino dhinacyo badan waa muqadis in puntland bad baadiso shacabkeeda,intii lagu hantin lahaa sunuud yar,loona isticmaali lahaa cidla ula cararka kala qoqobka dalweynaha soomaaliyeed,
waxaan halkan ka cambaareyneynaa xisbi ahaan afduubka aan gabashada laheyn ee lagula farganayo shacabka sool sanaag iyo cayn,
waan ognahay dalkeenu waa socod barad dhankasta dhaqaale iyo soo kabashaba marka lala bar bar dhigo adduunkan laakiin ma aha in gobolkii soomaaliya ee yara nabbad helaba uu qabriyada kala soo baxo riyo ku tiri ku teen ah tasoo uu ku dulminayo bogolka ku xiga ama maamulka ku xiga,waana sida mida ay la raxmadeysan tahay soomaaliland kuna salysan go'itaan mala awaal ah.
waxaan si xaqiiq ah u leeyahay shacabka sool sanaag iyo cayn waa la doogi ee yaan la dacaroon,
soomaaliya oo wanaagsan ayaa ifeysa ee yaan qaar kiin u suxulo duubin maamul uu jirro ku noqdey IFTIINKA MIDNIMADA SOOMAALIYA.
waxaan halkan rabnaa inaan ku xusno in 11 odey dhaqameed ee sheegtey iney matalaan shacabka sool sanaag iyo cayn ka dib u fiirsasho gaara dabaded inuusan hadalkoodii cadeyn uuna u ekaa mid ay ku dheehan tahay nalama soo war galin,ama waa nalaka dul boodey,iyo awood la'aan, runtu waxay tahay si daacad ah dadnimana ku jirto hadii aad dadkaaga u horgasho fulineyso danta faa'iidadu ugu jirto waxaad haysataa awood buuxda oo aad ku matali kartid,dadkuna waxay mudan yihiin iney muujiyaan iney idin garab istaagaan,waa hadii ay idin doorteene.
waxaan aad u dhaleeceyneynaa dhawaaqa ku saleysan JEEBKA MARAKAYAGA.
maanta waxaa socda waa dabeylo lagu kala garanayo xaqiiqda iyo runta shaqsiyaadka u qalma iney matalaan shacabka sool sanaag iyo cayn sida salaadiinta,culumodiinka,gaaradada,odayaal dhaqameedyada,wax garadka,dhalinyarada,inta rabta wanaaga shacabka sool sanaag iyo cayn qalbigana ku xirtey iney bad baadiyaan dadkooda iyo jiritaankooda,
war iyo gabo gabo WAA MAALINTII ISGAD AMA ANIGU ISLAHOOW,loogu magac darey shacabka sool sanaag iyo cayn.waayo jagooyinka kusalaeysan soo dabida shacabka sool sanaag iyo cayn waxaa helayaana waa inyar oo dhuuni qaatayaal ah doonayana in ku rati kacsadaan magaca guud ee shacabka,waana kuwo beri iyo beri danbe jireynin,sida xiinka haraatida dulmiguna wuxuu ku hari shacabka inteysan imaan aan ooyee albaabka ii xidha.waan in shacabku yeeshaa hogaan fiican kuwaasoo aan ka door bidin waxa galaya jeebkooda.
Afhayeenka xisbiga shacabka puntland
faarah nuur.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment