Sunday, August 21, 2016

CAMBAAREYN QARAXA GAALKACYO EE ALSHABAAB & DHULBALAARSIGA SOOMAALILAND EE SOOL-SANAAG IYO CAYN.






waxaa halkan ka cambaareyneynaa falka aadka u xun ee loola tagey shacabka puntland ee soomaaliyeed,waxaan kaloo cambaareyneynaa falalka aadka u xun ee ee dhulbalaarsiga  kuna  saleysan gaarida riyada beenta ah ee gooni isu taaga,

waxaan kaloo halkan tacsi uga direynaa eheladii dadkii ku dhintey ama ku dhaawacmey QARAXII WAXUUSHNIMADA AHAA EE MAGALADA GALKACYO PUNTLAND SOOMAALIYA.

waxaa shacabka puntland ee soomaaliyeed maanta u cad in cadowgii HARKA  ahaa mar labaad faraha la soo galey puntland,shallay waxay aheyd  4.5  diidney  iyo alshabaab ayaa xeebta isku soo daydey waana siiney  casharkeedii ay alshabaab dalbatey,,
waxaan ogeyn in alshabaab iyo in kaloo badan kana xun jiriritaanka puntland ee soomaaliya aysan joojin FALAL FULAYEEDKA  ay doonayaan iney wax ku yeelaaan shacabka  puntland soomaaliya,
waxkasta waxaa ka weyn soomaalinimada mana aqbaleyno in qarax lagu dilo iyo si kalaba
shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed iyo waliba kan ummaddaha kalaba.

maanta waxa magaalada gaalkacyo ka dhacay waa mid ka mid falalka ay ku caan baceen dadka loo isticmaalayo ummadda soomaaliyeed iyo dunidan daafaheedaba,waana wax aan hareyn ilaa lakala baxo lana kala adkaado waana iska cadahay cida adkaaneysa waana kuwa nolosha doonaya iyo soomaalinimada kuwa adkaanaya,waxayna ku cadahay tusaalena inoogu filan hooyada soomaaliyeed ee puntlanderka ah saakana keensatey bocsharada suuqa gaalkacyo si ay u quudiso ilmaheeda yar yar ugana bixiso waxbarasho,rafaadiyey dagaalkii sokeeye ee dalkeena wax la'aantuna ku hagoogatey ninkii diley waa in lala JIHAADO laguna dilo meeshii lagu helo ciida soomaaliyeed,waayo waa NOLOL DIID.waana sababta looga guuleysanayo.
ninka ardeyda ama madaxdii berito u quurey dilka waa in meel looga wada soo jeesto lalana wadda jihaado,

shacabka puntland waa mid waana isku tashtey runtii,waxaa la doonayaa inaan FEEJIGNAANO kordhinana la shaqeynta,
SIRDOONKA  PUNTLAND ,
CIIDAMA DIFAACA PUNTLAND,
BOOLIISKA PUNTALND
si markasta looga hor tago FIDNADA ARGAGIXISADA ee GAADMADA KU SALEYSAN,waxna lagu yeelayo shacabka.maadama ay qabaan dhar shacab kuna dhex dhuumaaleysanayaan shacabka dhexdiisa.dhibtiina ay gaareyso shacabka,shacabku waa INDHIHII BADBAADADA NAFTOODA IYO DALKOODA marka waa muqadis in shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed guud ahaanba wax ka galaan jihaadka socda kuna soo arurey WAA MUQADIS INAAN NOOLAANO.

xisbiga shacabka puntland wuxuu shacabka puntland xusuusinayaa in marka wax shaqaaqo ahi dhacaan in wali ay dhiman tahay FULEYNIMO DIRIRKII NOLOL DIIDKA sidaas darteed aysan ku yaacin kuna soo ururin meeshii wax ka dhacaan ayna u daayaan hawsha iyo wax qabadkaba CIIDAMADA DIFAACA PUNTLAND IYO HAY'ADAHA CAAFIMAADKA maadama canaasiirta shacabka laynayeysaa MADAXA KAGA QUFULAN TAHAY SII LAAYA IN BADAN.

hadii aan usoo noqono soomaaliland waxaan aad uga xunahay in CAYRSIGA RIYOBEENAADKA WIRWIRKA OO KALE AH KUNA SALEYSAN GO'ITAANKA aadna kula rafaneysaan gobolada puntland SOOL SANAAG IYO CAYN,maanta waxaad garteen  in raadkiina nalookugu soo gabado mana aha wax aanu u dulqaadaneyno santuukhyo LAGULA SOO YAACO DHULKA PUNTLAND SOOMAALIYA idinkoo ku celcelinaya waan go eynaa waana mid meesha ka saareysa daris wanaagii soomaalinimadii,jeexaysana wado aad u qalafsan iyo OODO LAYSLA JIIRO.

waxaa XISBIGA SHACABKA PUNTLAND asagoo ku hadlaya codka shacabka puntland cabaareynayaa fartana ku fiiqayaa DHUL BALAARSIGA  KU SALAYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA EE AY SOOMAALILAND LA SOO INDHO CADAHAY. KULA RAFANEYSO DHULKA PUNTLAND IYO SHACABKEEDA.
WAX  ALLA  IYO WIXII KA YIMAADANA AY AYADU  LEEDAHAY  MASUULIYADEEDA,

WAXAAN  HALKAN  KU GARAB TAAGANAHAY  DOWLADA  HADDA  XUKUNKA  HAYSA EE  PUNTLAND  MOWQIFKEEDA  SOOMAALILAND  SI  CAD.
SOOMAALILAND  WAXAAN  U  CADEYNEYNAA UNA SHEEGEYNAA INEYSAN  ISKU DAYIN  INEY KEENAAN   DAASAHADA WARQADAHA BEENTA AH  LA  RABO  IN  LAGU GURO.
waxaan halkan ka cadeyneynaa in soomaaliland danaheeda ay alshabaab fuliso cadeyna u tahay hadii madax soomaaliland oo ordeysaa aysan imaan laheyn laas caanood magaalada galkacyo lama qarxiyeen.hadase socdaal dhul boob iyo qarax waa silsilad wadda socota.

waxaan shacabka puntland ku bogaadineynaa  ISKU DUUBNI iyo la shaqaynta dowlada xukunka hada  haysa  ee puntland.
shalay waxaan soomaali oo dhan u cadeyneyney in magaca alshabaab uusan aheyn mid lagu bajin karo  shacabka soomaaliyeed puntlandna ay diyaar u tahay wax ka qabadkooda
iyo soo afjaristoodaba si ay ummadda sopomaaliyeed uga noolaato,
adduunkuna wuxuu markhaati ka noqdey geesinimada ciidanka puntland iyo midnimada shacabka puntland ee gadaashooda taagan.

maanta waxa nagu furani waa labo furimood sidaa darteed DHANKEEY KA BAXDAA WAA BAKEYLE QALEEN.runtiina xataa toban furimood waan isaga filanahay.HA NOOLAADEEN SOOMAALIDA NOLOL DOONKA AH HANA DHACEEN INTA NOLOL DIIDKA AHI.




No comments:

Post a Comment