SOOMAALI KASTAA MEESHUU CAGAHIISA KAGA HAYO SOOMAALIYA WAA DHULKIISII HOOYO.
marka ugu hureysa waxaan macuul aheyn in soomaali soomaali kale ka cayriyo meeshuu markaas naf bidey dhulkiisa hooyo ee waasaca ah,waxaan aad uga soo horjeednaa cambaareyneynaana dadka soomaaliyeed ee hadba afka la soo marinayo sidii aysan soomaali aheynba ama aysan waxba ka laheyn gobolada ay markaas usoo carareen ayna ku noqdeen muwaadin soomaaliyeed dhulkiisiina qariib ku ah,
shallay waxaa horjoogayaasha shacabka soomaaliland ku qaylinayeen waa in lasaaro dadka soomaaliyeed ee kasoo keeda koonfurta soomaaliya hadaba ma isweydiiyeen ileen taariikhi waa ma guurteee markuu socdey dagaalkii dowladii gobolada waqooyi soomaaliya 1996-1999 in shacabkii soomaaliyeed ee magaalo madaxdii labaad ee soomaaliya intii awoodey iney usoo carareen mogadishu ayna noqotey xajkii soomaali oo kale ummaddii soomaaliyeedna iskuba aragtey ilaa ay qaraxdey intuu cadow har ah kana qarsoon indha soomaalida uu isku fidneeyey dadkeenii dagaal sokeeyena ku qariyey arimihiisii uu soomaaliya ka lahaa,
hadaba horjoogayaasha shacabka soomaliland waa maqan tahay taariikhdaasi,dadaalkooduna waa sii kala geyn soomaali.iyo dano shisheeye kiish ku siyayaal.
waxaase kasii yaab badan markii odey ku shaabadeysan magaca XAAD horjoogana u ah horkacayana odeyaal dhaqameed magac qabiil huwan uu afkiisa kaga dhawaaqey anagaa leh XAMAR ileen ruuxba caqligiisuu hadlaaye,
waxaase kasii yaab badan in wakhtigan xaadirka ah wax garadkii qaarkood caqli la aanba kusoo dhacaan,ayna bilaabaan waa in lasaaraa soomaalida reerkoonfurka ah,
hadaba aan wax yar kuu caqli celiyo koow dheh,
marka ugu horeysa shacabka puntland waxaa laga doonayaa iney ALLAH mahadiyaan waayo waa shacab mideysan alshabaabna neceb.
= shacabka ay isku riixriixayaan waa dad ciidoodii jooga hadii wadan dhibaato ku timaado dadkiisa waxay dadku hadba u dulun dulceeyaan meshii nafta lagu yara bad baadin karo,
waana mida keentey in soomaalidii degeneyd gobolada koonfureed usoo qaxaan sidii shalayba loogu qaxay,
= gobolada koonfureed waa meelihii dagaalkii soomaaliyeed ugu dhibta badnaa ilaa hadana waa ka hurayaa,
= waxaa gobolada koonfureed gacanta kuwada dhigey alshabaab waxaana ka socda xasuuq dhankastaba ah waayeel iyo caruurba alshabaab u geeysaneyso,dhalinyarada khasab ku qoreyso ciidan waxaana markhaati u ah ilamaha yar yar ee dagaalka loogu keeney puntland,
= maamul weli caga dhigtey kama jiro gobbolo badan oo dalkeena ah sida maamulka koonfur galbeed soomaaliya,waana dadka hada ugu badan ee ay dhibtu ku dhacayso xagana ay alshabaab khasabka lala dhigayo qofkii diidana la dilayo kii usoo cararana gobolada kale laga cayrinayo,laguna shaabadeynayo alshabaabkii ay kasoo carareen alshabaabna ay kasoo daba direyso kuwo kale oo daacad u noqdey si ay dhibaato uga rido dagaal iyo dhiigna ugu daadiso meelahaas yara dagan ama ay u jajabiso maamulada hada dhisan. = hadaba shaqsi kastaa oo soomaaliyeed naftana kula cararey maamul shaqeynaya wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuu helo kaarka aqoonsiga maamulkaas asagoo weli soomaali ah ileen maamulkasta oo dalka ka jira sharcigiisu kuma qorna waxaa samaystey maamulkaas qabiilkaas ama dadkaas.hadaba cayris laga cayriyo muwaadin soomaaliyeed qayb soomaaliya ka mid ah waa mamnuuc iyo jabinta soomaalinimo.
= maantana waa puntland hadaba mid ayaa isweydiin leh,dadka soomaaliyeed waxay joogaan adduunka daafihiisa waana la dajiyey weliba lasiiyey sharciyo iyo nolol bal si loo bad baadiyo dadkaas soomaaliyeed soomaalidiina dhexdoodii ay wadda noolaan waayeen,bal yara eegoo waxaa caalamka soomaalidu u qaxdey fara kulul ku haya argagixsio xagjir diin ah sidaas darteed dadka nafka kula soo cararey dalalkaas laguma daro kuwa isku soo dhex daraya ee raba ama raadinaya iney falalka aragigixsada iney fuliyaan,waxaase yaaba soomaali soomaali kale ciidiisii ka cayrinaya,waana mid murugo leh,
bal adba isweydiiyoo yaa awoodaas ku siiyey waa yaab,
= hadaba dowlada puntland iyo shacabkaba waxaan ugu baaqeynaa ineysan dulmin orana anaga ayaa soomaali ah jaantaan ama qaybtaan soomaaliyeedna iska leh dadka soomaaliyeed ee gobolada kale kasoo qaxeyna xaq malaha.
waxaan uga digeynaa wax garadka aqoonyahanada,dhalinyarada,dumarka iney ku kacaan falal ka dhan ah soomaalinimada.
= dowlada puntland waxan kula talineynaa xisbi ahaan iney shacabakaas soomaaliyeed kuna hoos nool dowlada puntland kana yimid gobolada koonfureed ee dalkeena iney siiyaan kaarar aqoonsi waayo waa soomaali hoos joogta dowlad dhisan waana soomaali joogta ciidoodii.
= laamaha ammaanka ee puntland waxaan kula talineynaa in shacabkaas soomaaliyeed wadda eedeyn laguna xad gudbin dhibtii dhacdana lagu xukumo shaqsigii geystey,
= waxaan kaloo kula talineynaa laamaha amaanka in shacabkaas la diiwaan galiyo lana hoos keeno beelo dhaqameedkooda laga lana xukuntamo odayaasha midkastaa hoos tago wixii dhib ah ee ka yimaada,
= waxaa laga doonayaa shacabka soomaaliyeed ee kusoo qaxay dowlada puntland kuna dhex nool shacabkaas walaalahooda in ay nabada ilaaliyaan la shaqeeyaan laamaha amniga,aysan qarsan kuwii ay ku tuhmaan inuu alshabaab yahay ama ay ku tuhunsan yihiin inuu lug ku layahayba,
= si ay u yaraadaan falalka argagixisada ee ka imaanaya alshabaab waa in muwaaadin kastaa ee soomaaliyeed kana yimid gobolada koonfureed ee dalkeena joogana puntland waa in uu iska diiwaan galiyaa odey dhaqameedyadooda.
muhiimadu waxay tahay shacabkaas kasoo qaxay dhul soomaaliyeed una soo qaxey dhul soomaaliyeed iney helaan nabad galyo iyo nolol.
sidaas darteed waxaa idin soo raacaya kwuo idnla imd ah una shaqynaya alshabaab halka aad idinku ka soo cararteen alshabaab nololna doorateen sidaas darteed waa muqadis inaad wax ka ilaashataan nabadii aad soo raadsateen lana shaqeysaan ciidanamada amniga fartana ku fiiqdaan kuwii nilaka soo daba direy si ay wax u yeealaan kuwii aad natfa kula soo cararteen,waa muhiim inaad puntland wax ka ilaashataan.waayo waa noloshiinii.waana dhulkiinii.
= waxaan shacabka puntland ugu baaqayaa iney arimahan ku saabsan shacabkaas soomaaliyeed ee dhankooda us oo qaxay uga haraan arimahooda dowlada ee aysan marooqsan amarka kulana kicin muwaadin soomaaliyeed fal xun aysana dhumin boobka sharci aysan u xilsaarney,
= guud ahaan shacabka puntland waxaa alshabaab mar isku dayney kuna soo fara taagtey puntland laakiin waxaa weli harsan waa dhaqan xumadii lagu yaqaaney alshabaab ee ahaa maata laynta iyo abuurista baqdinta shacabka dhexdiisa ah sidaas darteed waa muqadis in aan loo baqan ileen nimaad u baqatey ku dilyee kaana adkaayee.waase in al ahaado JIR WAAYEEL WAA WADDA INDHO.lanana shaqeeyo laamaha amaanka la midaysnaadana wadana ilashana nabada waayo waa nolosheenii iyo jiritaankeenii.
hadaba si aadan isaga indho tirin dhibka soomaali soo wadda gaarey iyo meesha aan hadda mareyno bal yara jeedaali masawiradan hoose.iyo waliba dagaalka sokeeye ee dalkeena intuu waji sii marayo
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad “Dadka reer koonfur 15 maalmood ha ugu baxaan Puntland inta aan la waxyeelin”
Nabaddoonka ayaa sheegay in dadka madax jabiska ka waday Puntland iyo kooxihii Al-Shabaab ee ku duulay in ay kasoo wada jeedaan koonfurta Somalia, taasina uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin.