Monday, April 4, 2016

xisbiga shacabka puntland iyo 4.5 Garowe.



soomaaliya waxay joogtaa wakhtigii aanu mar labaad bad baadsan laheyn,shallay soomaaliya oo dadkeedii quustey ayaan meel cidla ah ka bilowney inaan dib usoo taagno,maanta ushii aanu hashii damal aheyd ku sara joojiney hada dhexda kama jabin karno.wayna adag tahay in aanu soomaaliweyn ka quusano,shallay dhisitanka dowlada federalka ah waxaan kasoo bilowney in geed hoostiis xafiis uga dhigno ilaa aanu geeyney villa soomaaliya waxaa puntland u hurtey dowlada federalka naf iyo maal,
  • 1 = markaan mudo indhaha ku hayney kala oradka loo surweel xaytey ee is ogoleysiinta 4.5 waxaan halkan ku taageereynaa go aamada ay dowlada hadda xukunka haysa ee puntland miiska soo saartey ayna tahay in la oofiyo tasoo ah danta shacabka puntland.
    waxaa hore marar badan u dhacdey in heshiisyo puntland la gashey dowlada federalka aan la oofin indhahana laga laabtey hadase arinytu cakaaro soo dhaaftey waxaa qanciya shacabka puntland in qodobada ay soo gubiyeen uu saxiixo madax weyanah dowlada federalka soomaaliya maadaama uu ereyo tuurey saaka kuna aadan in horta wax la saxiixo ka dibna la wadda xaajoodo kulanka soo socda ee madaxda maamul goboleedka, waxaa wanaagu ku jiraa gacmo isdhaafa.
  • 2 = beesha caalamka waxaan ugu baaqeyneynaa iney araimaha soomaaliya dhex dhexaad ka ahaadaan maadama ummadda soomaaliyeed weli ku hawlan yihiin soo nooleyntii dalkooda,
    beri kamaalina aysan noqon kuwii farta lagu soo fiiqo hadiiba mugdi yimaado.
  • 3 = shacabka puntland waa kuwii keeney dowlada federalka soomaaliya sidaas darteed marna aqabali meyaan in gees loola leexdo dowlada    federalka soomaaliya amaba ayagaba loo isticmaalo in dantooda iyo noloshooda lagu hor istaago.soomaali weyn way wadda leedahay dowlada federalka soomaaliya.
  • 4 = waxaan mar labaad halkan garab istaaag ugu muujineynaa dowlada hada xukunka haysa ee puntland.go aankii geesinimada lahaa oo ay qaadatey markuu arinku gaarey labo daran mid dooro in soomaaliya aan iska ilowno iyo inaan bad baadsano.aanuna bad baadsaney.
  • 5 = shacabka puntland waxaan xusuusineynaa maanta waxaan haysanaa puntland oo hagaagsan oo aan sameysaney waxaase noo dhiman inaan soomaaliya hagaagsano samaysanana sidaas darteed waa inaan  iska ilaalinaa kala qaybsanaanta,waayo sidii soomaali loo kala qaybin lahaa ayaa dusha  4.5  naloo kaga soo tuurey waxaana garaney danteena hadase waxaa dusha naloo kaga soo tuurayaa in dhexdeena lakala qaybiyo layskana horkeeno shacabka puntland si aanu indhahayagu u qaban weerarda ka soo socda alshabaab oohal  mar isku kaaya daydey  kuna jabey sidaas darteed waa inaan isku duubnaanaa una dhaqaaqnaa sameynta guud ee dowlada federalka  soomaaliya cudud iyo caqliba.waana waajib nasaaran  iskana dhaga tirnaa danaha khaaska ah ee dadkeena qaarkiis doorbidey marka laga eego danta guud ee soomaalinimo.waxaa  xusuus mudan in weli  alshabaab nooshahay farganeyso soona socoto.
  • 6 = waxaanu oran karnaa waa hal mar iyo haraati  waa doorashadii ugu danbeysey ee dalkeena laguna saleeyo  4.5  waayo waanu ka baxney socod baradkii dowladnimo hadii aan soomaali nahay,
  • 7 = waxaan shacabka puntland mar kale uga digeynaa cadowga harka ah ee ishu qaban ee soomaaliya walaaqaya hadana puntland isha ku haya,hadana doonaya inaan ilowno alshabaab si aan u dayacmano,
puntland dad iyo dalba waa mideysan yahay waxaan ugu baaqeynaa in wakhtigan xaadirka ah  aan layska hor keenin qaybaha kala duwan ee dowlada iyo shacabkaba,       ayna mudan tahay in midnimada  buuxda ee shacabka puntland waarto khalkhal iska hor imaad la aan ,waxkasta oo aan dhexdeena kala tirsaneyno kuna saabsan ogolaanshaha 4.5  in si siyaadeysan aqooni ku jirto,laysaga dhaadhiciyo sababta ay puntland u sixiixdey,hadiiba qalinkii dhacey.
asasaha - gudimiyaha
puntland peoples party.
AMIN MUSSE.

No comments:

Post a Comment