puntland waa shacab jecel nabada iyo horumarka,hadii aysan puntland jirina soomaaliya ma jirteen,waxaa wakhtigan nasoo marey wakhti gilgilasho leh,waxaa xeebaha puntland lagu soo miidaamiyay caruur iyo waayeel alshabaab dabada ka soo riixdey,tasoo ay alshabaab ugu soo dirtey uguna soo qaadey waalidkood ay aheyd oo kaliya burburinta puntland iyo gumeynta shacabka puntland waxaanse kaga baxney isku duubni.tan hada dhacdey in ay dowlada hadda xukunka haysaa sixiixdo heshiiskii 4.5 waa mid kale oo nagu soo korortey loona baahnaa in la oofiyo ama puntland qalinka ku duugto heshiiska 4.5 sababtoo ah waxaay bad baado u noqotey jiritaanka ummadda soomaaliyeed.
puntland waxay adduunka tustey iyo beesha caalamka in puntland ay tahay hooyadii soomaaliya shalayna ay puntland dhistey dowlada federalka soomaaliya maantana ay dulqaad muujisey puntland iyo jiritaanka soomaaliya uusan qiil qiil u galin. puntland waxay aragtey dabinka lala doonayo soomaaliya guud ahaan iyo in madaxda dowlada federalka lagu booriyey isticmaalka 4.5 si khilaaf u yimaado tasoo ah xaaraan in shacabka soomaaliyeed markasta miiska loola soo fariisto wax qabiil ku saleysan hab dowladeedna looga dhigo qabiilku waa jidkii ummadda soomaaliyeed dhiiga isaga daadisay maantna waa halaag kale laakiin waay mudan tahay in qalinka abadanba lagu duugey in aan dib loo soo celin inta soomaaliya jirto. shacabka puntland wuxuu ku adkeystey diidney 4.5 waxaase hada runtu tahay kuma aanu khasaarin gorgortanka aanu la galney dowlada federalka soomaaliya waayo sida heshiiska ku cad waxaan puntland muqadis u ah maamulida hawada puntland iyo lacagta kasoo xarootaba,
waxaa kaloo puntland xor ay u tahay heshiis kasta in ay la gali karto soo saarista khayraadka puntland khaas ahaan ku jira dhulka soomaaliyeed,halkii markii hore mugdi ku jirey.puntland waxay si toos ah u heleysaa caawimada beesha caalamka waana mid awal mogadishu ku leexan jirtey nana soo gaari jirtey markey rifrifanto hadiiba wax naga soo gaaraanba.
hadaba indho indheyn dheeraad ah ka dib waxaan halkan xisbiga shacabka puntland ka cadeynayaa inaanu khaasaarin hadii aan nahay puntland soomaaliya waay mudneyd in la diido 4.5 laakiin waxaa kasii murugo badnaan laheyd ummadda soomaaliyaeed oo kala tagta iyo dowlada soomaaliya ee hada socod baradka ah oo mar labaad kufta sidaas darteedna ciidamada shisheeye ee AMISOM toos dowlad uga noqdaan qaybaha ay hada joogaan dalkeena.iyo waliba alshabaab oo hesha jaaniskeey raadineysey. waxaan mar labaad ugu baaqeynaa shacabka puntland iney isku duubnaadaan meelna uga soo jeestaan wixii lid ku ah jiritaanka puntland.
asasaha - gudomiyaha
xisbiga shacabka puntland
AMIN MUSSE.
No comments:
Post a Comment