JUST SAY NO TO ALSHABAAB.
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninaan kuu fureyn yuusan kuu rarin,hadaba alshabaab yaaysan naftaada iyo noloshaadaba ku seejin soona afjarin waayo soomaalidu maanta waxay isku raaceen nabad nolol iyo horumar intaba kama heleysid alshabaab,
adduunku wuxuu ka soo kabtey dagaalkii labaad hadana wuxuu u suxulo duubayaa inuusan dhicin mid saddexaad sidaas alshabaab waxay hor taagan tahay nabada dadka soomaaliyeed waxayna lid ku noqotey horumarka ummadda soomaaliyeed dhankasta.
soomaaliya waxay kasoo kabaneysaa dagaalkii sokeeye ee dadkeenu ku dhamaadey alshabaabse waxay qaadatey qori dab leh waxayna ilaa hada la dhex wareegeysa shacabka soomaaliyeed waxayna hada mudo dheer ka dib fara taag kusoo bilowdey puntland sidaas darteed shacabka puntland wuxuu siiyey cashar aysan alshabaab hore ugala kulmin soomaaliweyn,
shacabka puntland waa ku muqadis iney wax ka tir tiraan alshabaab markastana tusaale u noqdaan shacabka soomaaliyeed ee rajada ka dhigey iney iska ciliyaan alshabaab kana xoreeyaan deeganada ay gacanta kaga dhigeen.
alshabaab dan uma aha soomaaliya
waayo
waxay badey dhulkeenii in ciidamo shisheeye la keeno,
waxay laysay shacabkii soomaaliyeed
waxay diideen nabadii dadka soomaaliyeed nafta ku dabiibtey,
waxay argagax iyo xasuuq ku saladeen maatadii soomaaliyeed,
waxay lid ku noqdeen jiritaankii ummadda soomaaliyeed,
alshabaab waxaa ka farxi waayey kana seexan waayey caruurtii iyo waayeelkii soomaaliyeed,
waxay alshabaab ku kalifeen dadkeenii soomaaliyeed ee halka diin haystey iney magacyo u kala yeel yeelaan kalana yeeshaan.
alshabaab waxay lid ku tahay calanka iyo magaca soomaaliya dagaalna kula jirtaa.
ma aha wax halkan lagu soo koobi karo dhibta alshaabab waxaana ugu danbeysey waxyeeladooda qarax loola tagey shacab soomaaliyeed laguna daadiyey dhiigooda iyagoo waxba galabsan joogana ciidoodii hooyo iyo ilmo yar yar oo hooyooyinkood laga soo xadey laguna soo daadiyey puntland wixii meeshaas ka dhaceyna ay taariikhda soomaaliyeed hikaat ku qortey.
hadaba qalbiga ku qoro
MAYA ALSHABAAB MAYA ALSHABAAB
JUST SAY NO ALSHABAAB NO ALSHABAAB.
xisbiga shacabka puntland.
No comments:
Post a Comment