Friday, September 16, 2016

SHACABKA PUNTLAND WAA INDHIHII NABBADOODA.


dhibkasta oo dhacdaa waxay gaartaa waa shacab,argagixisadu waxay ku soo qamaamaan kuna soo dhiiradaan dhiigooda waa shacab,laakiin shacabku waa BIRMAGEYDO,waxaan garta inta caqliga la saaxiibka ah.argagixisaduse waa MAS AAN INDHO LAHEYN WAXKASTANA QANIINAYA,waxaase looga hortagi karaa laysagana bad baadin karaa in loo midoobo,indhana loo yeesho,
hadii shacabku dhibaatoodo waa mu muqadis iney ISHA SADDEXAAD ee shacabku shaqeyso.
shacabku waa og yahay qofkii kusoo kordha,shacabku waa og yahay wixii ag yimaada,shacabku wuxuu joogaa meel kasta sidaas darteed shacabku waa indhihii nabbadooda waxaase waajib ku ah iney la shaqeeyaan ciidamada amniga si waxa wax yeelaya una soo fara baxsanaya dhiigooda wax lloga qabto.

waxaan aad u soo dhaweyneynaa kuna taagersanahay WASAARADA HAWLAHA GUUD EE PUNTLAND la wareegiga waajibaadka kala wareejinta alaabaha kabaxaya ama soo galaya puntland.

gadiidka ka imaanaya dhanka koonfureed ee sida waddada halaqmareenka usoo maraya dhulka ay ali alshabaab gacanta ku hayso hadana iska soo dhex maraya GALMUDUG wixii la doonana la soo saarey amaba u adeegaya al alshabaab waa waajib in la ogaado waxkasta oo saaran soona gali lahaa puntland.
wasaarada hawlaha guud waaxda gadiidka waa ka soo baxdey shaqadii loo igmadey ee puntland ay kaga qayb qaadaneysey amaanka guud ee puntland iyo sahlida ama fududeynta wax kala warejinta alaabaha lagu kala wareejinayo gadiidka.

waxaaan shacabka puntland ugu baaqeynaa iney wax ka ilaaliyaaan amaanka,lana shaqeeyaan ciidamada amaanka si ay u helaan nolol nabbad,
qofka puntlanderka soomaaliga ah ee jooga baari - agroowe-qardho gaalkacyo iyo meelaha kaaleba wuxuu si nabbad ah ugu seexan waa ciidamada puntland ee ku mashquulsan sugida amaanka guud,kan sidaas darteed waa waajib saaran shacabkaa puntlaand iney wax ka ilaashadaan nabbada kana qayb qaataan in gaadiidlely rarka geeyaan meesha lagu kala wareejinayo,
wixii dhinac maranaa ay ayaguba qabtaaan latfoodu kuna simaan ciidamada amaanka ileen waxa la ilaalinayo waa naftoodee

No comments:

Post a Comment