Tuesday, September 6, 2016

WAXAAN CAMBAAREYNEYNAA ISKAASHIGA DAGAAL EE GALMUDUG IYO SOOMAALILAND AY UGA SOO HOR JEEDAAN PUNTLAND.



waxaa mudo bilo laga joogo shaqaaqooyin dagaal ka bilaabey galbeedka puntland gobolada sool sanaag iyo cayn maamulka soomaaliland,maamulkaasoo ku guuleystey inuu iska hor keeno shacabkii kalana laaluusho,
arintu intaas kuma ekaan ee waxaa puntland weerar argagixisonimo kusoo qaadey alshabaab,

arintu intaas kuma ekaan waxaa galka iska soo jarey galmudug oo iayadana ku caan baxdey marka puntland laga soo weeraro dhanka waqooyi galbeed iyadana weerar ku bilowda si ay puntalnd uga mashquuliso ineysan u jawaabin maamulka waqooyi galbeed taasina ay sababto in maamulka soomaaliland danihiisa dhul balaarsi gaaro,

waxaan shacabka soomaalinimada iyo nabbada jecel ee puntland u sheegeynaa faraynaa kuna amreynaa iney muqadis tahay difaaca naftooda maalkooda iyo ilaalinta jiritaankooda hadii maamulada deriska ahi garan waayeen walaaltinimadii soomaalinimadii ayna isu garabsanayaan puntland kuna soo dagaal galayaan wax ka baxsan soomaalinimada jiritaanka guud ee ummadda soomaaliyeed waxaa nagu waajib ah isdifaac iyo kadaba tagid messhii baxad nooga soo dhacdaba.
dadka soomaaliyeed ee puntland umma dulqaadanayaan in waqooyi galbeed nalaka soo weeraro ka dibna maleeshiyo galmugud ahi weerara labaad isla soo qayacdo,

arimaha noocan ahi waa wadda shaqeyn dagaal oogid cad kana soo ifbaxaya maamulka soomaaliland iyo galmudug,

muwaadinka puntlanderka ah ee soomaaliyeed ee jooga caduun iyo baadiyaha godod wuxuu la mid yahay kan jooga garoowe kan sool sanaag iyo cayn joogana wuxuu la mid yahay kan gaalkacyo iyo boosaaso jooga wixii la gaarsiiyo hal muwaadin oo puntlander soomaali ahi wuxuu la mid yahay wax la gaarsiiyey dadka puntalnd oo dhan in laga wada jawaabana waa muqadis.

WAXAAN SHACABKA PUNTLAND UGU BAAQEYNAA IN MAANTA AY NAGU FURAN

YIHIIN LABO FURUMOOD MID AH DHANKA SOOMAALILAND IYO MID AH

GALMUDUG NASIIB DARRONA AY WADA YIHIIN KUWA NOOGA SOO WAJAHAN

WALAALAHEEN SOOMAALIYEED LAKIIN LA SAAREY MATOOR KALE OOFINAYANA

DANNO SHISHEEYE WAANA XAQ IN LAYSKA DIFAACO ILAA LAGA HELO DHIIGOODA

SOOMAALINIMO IYO DAN GUUD.

NB- WAXAAN PUNTLAND DIB ULA NOQOTEY GACAN KU HAYNTA AMAANTA XAAFADA BARAXLEY EE GAALKACYO MAADAMA AY HALIS KU TAHAY NABBADA GUUD EE MAGAALADA GAALKACYO.

No comments:

Post a Comment