puntland peoples party
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND.
Thursday, November 24, 2016
Saturday, November 19, 2016
Nabbadda magaalada Gaalkacyo maanta iyo beri.
shallay waxaa ummadda soomaaliyeed ee puntland raadinayeen nabbad iyo nolol,maantana waa raadinayaan weli waxaan macquul noqoneyn in siyaasadii 1990 hada lala soo faranduleeyo,
shallay waxaa ummadda soomaaliyeed qaybteed badan oo ay ka mid tahay ummadda soomaaliyeed ee puntland wax lagu yeelay hantidii hubkii iyo agabkii dowladii dhexe ee burburtey.
maantana waxaa meesha maraya waa agabkii iyo hantidii dowlada federaalka soomaaliya.oo lagu soo weerarayo ummadda soomaaliyeed ee puntland,dowlada federaalka waan wadda dhisaney laakiin hal beel oo soomaaliyeed ayay gacanta u gashey.mana aha wax aan afka kala gabaneyno.
hadii reerku hal faas leeyahay uu ooda kuwada jarto hal wiil na masuul looga dhigo ma aha in wiil kaasi reerka intiisii kale faaskii wax lagu wadda jaran lahaa ayaga wax ku yeelo amaba iska dhaadhiciyo inuu kaligii leeyahay waana mida maanta ka socota soomaaliya.
waxaan aad uga soo hor jeednaa NABBADDA GACAN KU RIMISKA AH ee ku timid siyaasada ku saleysan KU QABSO KU QADI MEYSIDE,
su aasha meesha taal waxay tahay dowlada federaalka soomaaliya waxay beel la raadineysaa magaalada gaalkacyo iney wax ka lahaato,maxay wax uga raadin weydey in magaalo madaxdii dalkeena oo ummadda soomaaliyeed wadda leedahay ay dib u wadda lahadaan ummadda soomaaliyeed ee ka maqan waa iyada hal reer buux dhaafiyeene..!!!!!!!
hadaba dalkeenu wali daawo ma helin nabbadeed.waxaana keeni kara iyadoo dowlada xalaal ah lawada helo.runtana lagu wadda dhaqmo,
waxaanu raali ka aheyn sheegada maamulka galmudug ee magaalada gaalkacyo.waxaanu raali ka aheyn laynta shacabka puntland ee shallay iyo beriba.
shacabka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka galmudug gaalkacyo waa magaaladoodii waana magaalo soomaaliyeed laakiin maamulka galmudug iyo ciidamadiisu waa ka xaaraan.waayo waxay daadiyeen dhiiga shacabka puntland.waxay nabbad la aan ku gateen kuna badasheen dhiigii shacabka puntland ee magaalada gaalkacyo.waxayna ku xad gudbeen sharciga ummadda soomaaliyeed ee puntland sheegashadii xadka ah buurtinle.waxayna jawaan ku rideen nabbadii guud eev magaalada gaalkacyo ayagoo la yimid weerar shacab oo masala kii alshabaab iyo magax ka jarid shacab.
waxayna ilaa hada sheeganayaan xuduud ah ilaa buurtinle.hadaba ciidamada iyo maamulka galmudug waa ka maamnuuc magaalada gaalkacyo mana soconeyso aanu ku wadda joogno jidkii soomaaliyeed faylahana aan kaa jaro.
waxaa magaalada gaalkacyo u baahan tahay la aanta qaska maamulka galmudug iyo alshabaab,shallay magaalada gaalkacyo waxaa loo ogolaadey maamulka galmudug waxay noqotey magaalo ka tirsan aakhiro kuna taal adduunka gaar ahaan soomaaliya.nabbada ay galmudug dagaalka ku badalatey waa mid aan soomaali dan ugu jirin.
ciidamo lakala durkiyo daawo u noqon meyso nabbada magaalada gaalkacyo waayo waxaa imaan dilal fool xun waxaa imaan alshabaab,waxaana xigi mana naqaan wixii wax diley.iyo anaga mas uul kama aheyn qaraxaas ee waxay ahaayeen alshabaab.
DANTA UMMADDA SOOMAALIYEED RAADINTEEDU WAA INEY SI SAAFIYA UGA TIMAADO QALBIGA DADKA SOOMAALIYEED MASE AHA IN QAYBNA RUN AY KA AHAATO QAYBNA AY KU QARAABTAAN QUUD AHAA.KAGANA QAYLIYAAN AFKA UUN.
Thursday, November 17, 2016
Alshabaabtii shallay soo weerartey Puntland waa Galmudugta maanta weerarka ku ah puntland
REERNA ALBAABADIISA IYO DARIISHADIHIISA OO BALAQAN ISKAMA SEEXAN KARO,SIDAAS DARTEED PUNTLAND CIIDAMADEEDA KAMA QAADI KARTO MEESHA AY KA ILAALINAYAAN PUNTLAND JIRITAANKEEDA,HADII GALMUDUG KA SOO DHEX DAGAALAMEYSO ALSHABAAB SU AASHU WAXAY TAHAY SIDEE MAAMULKA GALMUDUG U ARKI WAAYEEN ALSHABAAB,!SHU AASHA KALE EE MEESHA TAAL WAXAY TAHAY MAXAY ALSHABAAB U WEERARI WEYDEY GALMUDUG.!
SU AASHA KALENA WAXAY TAHAY ALSHABAABTA KU DHUUMAALEYSAN JIRTEY PUNTLAND MAXAY U WEERARAYSEY PUNTLAND OO KALIYA UGANA CAAGANAAYEEN GALMUDUG,UNA WEERARI WAAYEEN SOOMAALILAND
HADABA ANAGU SOOMAALI AYAN NAHAY WAXA SOCDAA WAA XIRIIR AY ARKAAN INDHAHA UMMADDA SOOMAALIYEED.UMANA BAAHNA IN QOWM SHISHEEYE LOO SHARXI AMA WAX KA QABTO WAAYO KAN LA DILAYAA WAA SOOMAALI KAN WAX DILAYAANA WAA SOOMAALI KAN MEESHA DOONAYA INUU KU NOOLAADANO WAA SOOMAALI.
LAKIIN WAXAA MUHIIMADU TAHAY INAAN ISKU JAHO U SAAN QAADNO WAA HADII AAN ISKU WAX RAADINEYNO,HADII KALE YAAN LAYS XAG XAGAN,
HADII AANU WADDA SAXANAHAY AAN WADDA HIIGSANO SIDII AANU KAGA BIXI LAHEYN DHIBTA MAANTA HAYSATA UMMADDA SOOMAALIYEED AYADOO DAACAD LASYU YAHAY OO AAN LAYS FAYLO GOYNEYN,LAYSLANA WALAALSANAYO.ILEEN CADOWGU WAA CADOWGEENIIYE.NIN IYO XABAASHII LOO KALA TAG MAANTA.
SHALLAY WAXA GALMUDUG KA SOO DAGAAL TAGEY ALSHABAAB,SU AASHU WAXAY TAHAY XAGEE GALMUDUG JIRTYEY,HADII MARKII ALSHABAAB PUNTLAND SOO WEERAREEYSEY GALMUDUG MAQNEYD MAANTANA WAA IN GALMUDUG MAQNAATAA.
CIIDAMADA PUNTLAND WAXAA LAGA QAADAYAA GAALKACYO DHANKEEDA KOONFUREED MARKA GALMUDUG DHULKA SOOMAALIYEED EE MAAMULKEEDA HOOSYIMAADA LAGA WAAYO ALSHABAAB KA SOO WEERAR TAGTA.GALMUDUGNA SAX AHNA DIB LOO HELO MAAMUL AHAAN.AYNA U QALANTO UMMADDA SOOMAALIYEED EE AY MATASHO MAAMUL AHAAN.
HADII SHALLAY ALSHABAAB SOO WEERAREYSEY PUNTLAND MAANTANA LA LA YAHAY ALSHABAAB LAAKIIN GALMUDUG WEERAR WADDO WAA IN LA HELAA ALSHABAABTII SHALLAY KA SOO WEERAR TAGTEY GALMUDUG HADII KALE GALMUDUG WAA ALSHABAAB,
CIIDAMADA DIFAACA PUNTLAND WAXAY JOOGAAN PUNTLAND WAXAYNA ILAALIYAAN JIRITAANKA PUNTLAND.CIDNA DHIB KUMA HAYAAN.
JIRITAANKA PUNTLAND WAA JIRITAANKA SOOMAALIYA.SIDAAS DARTEED CIDNA PUNTLAND GORGORTAN KULA GALI MEYSO JIRITAANKEEDA,NABBADEEDA,DANAHEEDA,SHACABKEEDA,DOWLADEEDA,
WAAYO PUNTLAND WAA MUQADIS JIRITAANKEEDU.
Wednesday, November 16, 2016
Waxaa xabbad joojintii jabiyey Galmudug.
.
waxa ka soo yeeraya afhayeenka galmudug waa riyo mala awaal lagu arkey,mana aha wax hadal nabbadi ku dheehan tahay amaba u keeni karta danta amaba ay ku jirto nabbad beeneedka ay raadineyso maamulka galmudug,
waxaa xaalku joogey hal xaafad oo gaalkacyo ah hoostna taga puntland sida xaafadaha kale ee magaalada gaalkacyo arintuse waxay mareysaa goldogob iyo jariiban iyo waliba 75 waa galmudug mudug.arimaha noocan oo kale ah waa wax sii fogeynaya nabbad dadka soomaaliyeed wadda raadinayo.
maamulka galmudug wuxuu ku jirey wakhti dheeraysi hub urursi,hadana collaad beeleed ka dhacdey magaada caabudwaaq ayaa waxay sababtey iney galmudug u dhaqanto lugtaa furan.soo dhoobto ciimado maleeshiyaad suuqa magaalada gaalkacyo.
hadaba waxaan oran karnaa nabbada ay galmudug ceelka kusii rideyso ayadu haka soo saarto.ummadda soomaaliyeed waa nabbad wadda raadis.laakiin maamulka galmudug wuxuu u soo fata xeydtey colaad la mid ah tii 1990.
waa xal fog nabbadina fog ilaa inta galmudug ciyaareyso ku qabso ku qadi meyside iyo sheegasho aan sal laheyn.siyaasad ahaan,siyaasad maamul ahaana ka dooratey mid qabiil shaatigiis wadata.
waxaan leenahay dagaalka qaxayan ee galmudug kusoo qaadey magaalada gaalkacyo waxaa ka mas uul ah iyada.dagaalka ka socda caabudwaaq ee ah kala wiiqida siyaasadeed ayada ayaa ka mas uul ah.waxaanse leenahay galmudug ha u raadiso ceelkii ay goosatey iney ku rido nabbada gobolada hoos yimaada iyo tan ay raadineysaba.geed ayaan u fuuli inaan isku dayo inaan boobo sheegtana magaalooyin kale hadana waxaan rabaa nabbad sugan isku meel ma galaan.maamulka galmudug waa gafey hiigsigii iyo jidkii loo mareyay nabbad ummadda soomaaliyeed iyo soomaaliya oo wacan waase lagu soo celin si adag.waayo waxaa ka weyn maamulka galmudug waxa ummadda soomaaliyeed wadda dooneyso.
Gaalkacyo waa ka xaaraan Amisom.
Gaalkacyo ma aha mid laga aqbalayo ciidamo AMISOM ah,hadii maamulka galmudug uu nabbada magaalada gaalkacyo u arbushey u qasey,dagaal ula yimid,kuna gorgortayo qaab xun iyo maamul kale magaaladiis ciidamo shisheeye ha igu ilaaliyeen waxaan leenahay marka hore puntland maba diidaneyn nabbada,marka labaad qorshaha lala qaylinayo ee amisom na waa ku qabsoo ku qadi mayside oo qariban.
magaalada gaalkacyo waa mid ummadda soomaaliyeed siiba dadka puntland ee soomaaliyeed meel weyn ugaga taal,waxaana sharaxaad ku filan magaca ay wadato,lana mid aheyn magacayada magaalooyinka soomaaliyeed,mana suurto galeyso in magaalo lagu magaacey magaceeda cayrintii gumeystaha maanta dad ku riyoodaan waxaan rabnaa Amisom,mana suurto galeyso mana dhici doonto,mana la qabalayo.
dadka soomaaliyeed iyagaa nabbada iska qaada ayagaana soo ceshan kara.marka laga hadlayo dagaalka u dhexeeya puntland iyo galmudug waxaa weerar ah galmudug oo puntland isdifaac ayay ku jirtaa waxaana markhaati u ha puntland marka lasoo weeraro oo kaliya ayay ka jawaabtaa mase weerarto cidna,hadii puntland tahay weerar waxay sii aadi laheyd weeararina laheyd dhulka iyo magaaloyinka soomaaliyeed ee hoostaga maamulka galmudug hadase waxaase puntland soo weeraraya galmudug ama alshabaab,hadana waxaa nux nuxda wadda Amisom waddaa waa maamulka galmudug,hadaba Amisom cidna gacmaha uma qaban karto puntland,
Magaalada gaalkacyo waxaa xaafad ka dagaa waa shacab soommaaliyeed laakiin hoostaga maamulka soomaaliyeed ee galmudug inkastoo uusan vuuxin sharuudihii maamul usameynta dalkeena iyo xeerkii federaal ee aanu ummad soomaaliyeed ahaan dhexdeena sameysaney bal si aan mar uun dib ugu helno nabbadeenii qaaliga aheyd laakiin ummadda soomaaliyeed waxaa soo wajahdey labo daran mid dooro in gobolada dhexe waa maamulka galmudug ee uu ahaado meel alshabaab ka taliso iyo foowdona ah ama in aanu iska indho saabno sharci darada ay ku sameysmi karto maamulka gobolka iyo barka ah ee galmudug waxaase ummadda soomaaliyeed ee uu dagaalku rafaadiyey dooratey tan danbe oo ah in sharciga layska indha tiro lana aas aaso galmudug,waana mida ummadda soomaaliyeed daawada u noqotey,
maanta layskuma haysto galmudug ma jirtaa mise ma jirto ee waxaa lasyku haystaa galmudug haka dayso dagaalka ummadda soomaaliyeed iyo waliba sheegashada dhulka soomaaliyeed ee hoostaga maamulka dowlada puntland,
1 - waxaan leenahay maamulka galmudug waxaa khasab ku ah inuu aqbalo in shacab soomaaliyeed oo maamulkaas hoostagaa xaafad ka dagan yihiin magaalada gaalkacyo maamul ahaana u hoos yimaadaan maamulka galmudug laakiin.
2 - maamulka galmudug waa inuu aqabalaa magaalada gaalkacyo waa magaalo puntland ah,puntland na ay dhisi karto meel kasta oo wax loogu qabanayo shacabka soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo,waayo dowladi waa tii dadkeeda wax u qabata wax qabadka dowlada puntland ma hor istaagi karto galmudug,lagana aqabali maayo waayo wixii la dhisaa waa horumar waxayna faa iido u leeyihiin shacabka magaalada gaalkacyo ayadoo laga wadda faa iideysano lana kala xigin sidaas darteed wixii wax u qabad ah shacabka puntland ma aha mid marti looga yahay maamulka galmudug.
4 - guud ahaan nabbad galyada magaalada gaalkacyo waa mid gaar ahaan u hoostimaada puntland,sababtoo ah shallay waxaa soo weerarey alshabaab maamulka galmudug waaba maqnaa ayadoo laga soo weerarey dhulka soomaaliyeed ee ay ka taliso galmudug,maantana waxaa soo weerarey galmudug oo waaba qori isu dhiib sidaas darteed nabbad galyada magaalada gaalkacyo waa mid waligeed si toos ah u hoostagta puntland,waana muqadis,shacabka magaalada gaalkacyo waa kuwo ku hoos nool difaaca ciidanka puntland iyo nabbadsugida puntland,
5 - waxaan marnaba laga aqabali doonin maamulka galmudug iney sida cadoodo ku hadaaqdo waxaan arbnaa in magaalada gaalkacyo Amisom naloo keeno waayo waxaa jira ciidan ilaaliya nabbad galyada puntland waana ciidanka difaac puntland,mana aha mid dadka soomaaliyeed ee puntland aqabalayaan,waxaana marnaba macquul noqoneyn in hal xaafad loo san duleeyo magaalo dhan halkaas xaafad oo ah mid aysan khatari kaga imaaneyso xaafadaha magaalada inteeda kale,waxaase runtu tahay xaafada ayaa waxay khatar ku tahay xaafadaha kale ee magaalada gaalkacyo oo dhan,
6 -dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka dowlada puntland waa mid aysan marnaba macquul noqoneynin in cagaha ay soo dhigaan Amisom waayo loogama baahnaba,sida lawada ogsoon yahay amisom waa ka soo bixi waydey wax qabadkii ay ummadda soomaaliyeed ka sugayeen,kasoo ahaa iney wax ka soo af jaraan alshabaab,sida caadada ahna meeshii amisom tagto waxaa daba socda alshabaab oo geedi ah,puntland waa isaga filan tahay alshabaab waana isaga filan tahay iney amaankeeda gooni uga warqabto,puntland diyaar umma aha in difaaca puntalnd cidna la walaaqdo,ama cadow loogu hoodaadeeyo,
7 - Amisom waxay noqotey suuqii ay alshabaab hubka ka qaadan jitrey marnaba kama raali noqoneyno jilicsanaanta amisom iyo joogist ay soomaaliya joogaan ee guul aysan ka soo ifeyn.
maamulka galmudug waxay cadoodo keentey amisom maalmo ka dib waxaa xigey qarax ayaga laftooda loola tagey cid ay nabbad u keenaan iskaba daaye.waxayba noqdeen kuwii qoriga dabka leh loola imaaneyay shacabka soomaaliyeedna usoo jiidayey alshabaab.
maamulka galmudug waa iney faraha kala baxdaa magaalada gaalkacyo kuna mashquushaa sidii ay nabbad uga raadin laheyd maamulka galmudug dhexdiisa,ayna nabbad la gaaln ahlusna wajameeca si loo helo dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka soomaaliyeed ee galmudug,waan waana ka dhex raadisaa beelaha soomaaliyeed dhiigoodu ku daadanayo caabudwaaq iyo agagaarkeeda waxna ka sameystey maamulka galmudug.
Monday, November 14, 2016
Gaalkacyo waxay nabbad ku heleysaa Galmudug oo ka qaada ciidamadeeda weerarka ah dibna aysan ugu soo celin abidkeed.
waxaan aad us oo dhaweyneynaa wadda hadal nabbada ee magaalada gaalkacyo,waxaan aad ugu dhiirigelineynaa shacabka magaalada gaalkacyo iney ka shaqeeyaan nabbad labada dhinacba.
waxaanse aad uga soo hor jeednaa waddahalka nabbada ee lala aadey magaalada kismaayo waayo nabbadrka danqanayaa waa magaalada gaalkacyo iyo shacabkeeda waana midka la rabo in laysku boogo dhayo waana meesha dhibta iyo dhiigu ka taagan yahay waana meesha mudan in gogosha nabbad la dhigo.
nabbadu waa mid ay u baahan tahay ummadda soomaaliyeed guud ahaan waana mid ay u baahan yihiin dadka soomaaliyeed ee hada xaadirkan xabbadda isla hor fadhiya iskuna ridaya iyo waliba kuwa aan awoodin iney ridaan laakiin alshabaab iyo soomaalidiidku ku soo ridayaan.
magaalada gaalkacyo waa muhiim in nabbad waarta ah loo keeno lagana dheeraado nabbad gacan ku rimis ah beritana laysula tago gacanta waayo waxay dhibtan iyo dhiigan daadadnaya soo jirey ilaa wakhti hore waxaase uu waji cusub qaatey 1990,ilaa hada dhibta iyo dagaalka ka socda magaalada gaalkacyo waa mid lasoo gunaanadi karo.ayadoo lasyku raacsan yahay loo wada dhan yahay.
1 - waxaa nabbad waarta ku imaan kartaa magaalada gaalkacyo hadii maamulka galmudug keenin wax ciidan taabacsan ah.waayo dooni lama naakhuude ma yeelan karto,waxaana meesha ka baxaya isku khaladka alshabaab iyo galmudug ciidamadooda,marka alshabaab soo weerarto puntland oo dib loo weeraro loolana dagaalamo waxaa soo muuqanaya galmudug kana soo dagaalamaya isla furintii alshabaab kasoo weerar tagtey,waana mida keentey in galmudug la yiraahdo waxaad tihiin alshabaab,maanta galmudug ma aha iney xabbad ula soo fariisato magaalada gaalkacyo puntland na gacmaha u qabato alshabaab mana aha wax laga yeelayao maamulka galmudug.
2 - puntland sinaba ciidamada jooga daafaha magalada galkacyo kagama qaadi karto kamana qaadi doonto waayo waxaa laga difaacayaa waa alshabaab waana ay kasoo weerar tageen.waana kas oo weerar tagi doonaan.lakiin galmudug boos ugama banaana furintaan ay isku soo ka kabineyso ee waajibka saaran galmudug waa iney dhulka maamulkeeda hoos yimaada ka sifeyso alshabaab halkaasna ka waddo raadinta soomaaliya oo wanaagsan nabbadna ah.
3 - sanooyin baddan ayaa maamulka galmudug ka talinayey xaafad ka mid ah magaalada gaalkacyo waxaana intaas socdey daadinta dhiiga shacabka magaalada gaalkacyo,waana mid magaalada gaalkacyo ay caan kaga noqotey arimaha soomaaliya,qof la diley macno daro kii dileyna uu u fakanayo xaafada ay maamuli jirtey maamulka galmudug.
4 - galmudug waa maamul soomaaliyeed laakiin u baahan inuu raaco manhaj uu ku sugayo nabbada magaalooyinka maamulka galmudug hoos taga dowlad federaal ahaan,alshabaab ayaa waxay wado halaq maree ka dhigatey galmudug waana mid muqadis ah in wax laga qabto mase aha in lagu aflagaadeeyo waayo alshabaab waxay wasakheysey soomaaliya oo dhan,kuna soo hogaamiysey ciidamo shisheeye oo aan looga baahneyn ciida soomaaliyeed gebi ahaanba.
5 - maamulka galmudug waa inuu aqbalaa in magaalada gaalkacyo xaafada shacabka galmudug hoos taga maamul ahaan ka dagan yihiin ineysan maamulka galmudug uga baahneyn ciidamo waayo cidna cidna weerar kuma ahan,ayna tahay magaaladoodii.waxaase dul saar magaalada gaalkacyo ku ah waa ciidamada maamulka galmudug.
6 - maamulka galmudug waa iney aqbshaa si loo helo nabbad waarta iney wax ka sameeyaan booliiis mideysan una wada shaqeeya shacabka magaalada gaalkacyo hoos tagana puntland ayna puntland bixiso mushaarkooda kana kala soo jeeda beelaha daga magaalada gaalkacyo.si looga baxao baqdinta uu shacabku kala qabo,si looga baxao kala qayb qaybsanaanta magaalada gaalkacyo,si qofkii wax geysta loo hor geeyo sharci mid ah eex la aan,waa sharciga puntland eh,maadaama shacabka dega magaalada gaalkacyo ay 100 % 80 yihiin kuwo hoos taga puntland,
7 - sagaaro labo tun oo lakala qalo malaha sidaas darteed macquul maha in qof qof ku diley magaalada gaalkacyo ama qof qof wax ku yeelay magaalada gaalkacyo lagu kala xukumo labo sharci lugna ay kuwa da yeeshaan labo booliis oo laba maamul kala matalaya,waxaase la tix raacayaa sharciga puntland laguna xukumayaa magaalada gaalkacyo bad naanshaha shacabka hoos yimaada puntland awgeed iyo gaalkacyo oo ah magaalo puntland distuurka soomaaliyeed.
8 - maamulka galmudug magaalada gaalkacyo waa u furan yahay maamul ahaan laakiin waa ka xiran yahay ciidan ahaan maadama ay tahay danta nabbadda shacabka magaalada gaalkacyo,shacabka magaalada gaalkacyo shallay waxaa soo weerarey alshabaab waxaana maqanaa galmudug,maanta waxaa soo weeraraya galmudug waxaana maqan alshabaab marka waxaa wanaagsan labaduba iney isla maqanaadaan.si loo helo nabbad buuxda waarta waana mid ku khasab ah maamulka galmudug.
9 - maamulka galmudug waa ku khasab inuu dastuurkiisa si cad uga saaro ku sheegashada dhulka soomaali u sii hoos taga maamulka puntland sida oraahda xuduudka galmudug waa ilaa buurtinle iyo waxa la midka ah.si aysanba u dhicin hadal danbe oo laysku qaloociyo iyo dhul boob maamul oo lagu raadiyo qori caaradiis iyo af ba.
10 - hada ma jiraan wax dhaqdhaqaaq weerar ah kana soo fulaya alshabaab kana imaanaya dhanka maamulka galmudug waxaase muqadis ah in maamulka galmudug raadiyo alshabaab kana raadiso dhulka galmudug soomaaliyeed ayna aogaalato in lala raadiyo si aysan uga soo weerarin puntland si nabbad ummadda soomaaliyeed wadda raadisneyso loo wadda helo.
waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqayaa in wax laga raadiyo nabbada,in lays walaalsado,in hal il lagu wadda arko alshabaab,iyo in aan layska indho tirin in shacabka magaalada gaalkacyo yahay dad soomaaliyeed yahayna ma kala guurto ummadda soomaaliyeedna ay guud ahaan wax ka leeyihjiin magaalada gaalkacyo.soomaaliyana soomaali leedahay.dalkeena xaalada uu maanta ku jiro waa mid u baahan in shacabka soomaaliyeed is walaalsado isu dul qaato,isna caawiyo lana wadda raadiyo nabbada aanu wadda la nahay.
Friday, November 11, 2016
Mowqifka magaalada gaalkacyo ee xisbiga shacabka puntland.
XISBIGA SHACABKA PUNTLAND
Mowqifka magaalada Gaalkacyo..
1-nabbad laga sugayo loogana fadhiyo Galmudug magaalada Gaalkacyo ma jirto waxaase laga sugayaa oo kaliya waa joojinta WAALI DAGAALANKA IYO XASUUQA SHACABKA.. ayaadoo aysan soo weerareyn maleeshiyaadkeeda ayayba daadinayeen dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo.galmudug waxay jabisey heshiisyo badan waxayna jabisey jabina doontaa heshiisyo badan oo nabbadeed.
2- Galmudug kuma haysan karto magaalada Gaalkacyo maleeshiyaadkeeda,waayo waxay dileen shacab badan,waxaana gacantooda kumaqan boqolaal dad ah sanooyin badan.
3-macquul ma noqoneyso in ciidamada difaaca puntland laga qaado koonfurta magaalada Gaalkacyo waayo waxaa shacabka magaalada gaalkacyo xaq iyo xaquuq u leeyihiin in la difaaco,lagana ilaaliyo galmudug iyo alshabaab,lagana aqbali mayo in galmudug gorgortan ku gasho arintaas,waxaa galmudug daba socda waa alshabaab loomana baneyn karo.
4- galmudug hal xaafad uma afduubi karto maamul dhan iyo magaalo dhan ayadoo indhaha ka qabsaneysa magaalooyinka galmudug maamulkeeda hoos tag ee ku jira alshabaab.
5 - Maamulka galmudug waxaa loo ogol yahay in maamulkeedu shacab ahaan u sii dagaanado magaalada gaalkacyo,waxaanse macquul ahyen inuu dagaal qabiil ku yabooho,khalkhalna galiyo jihada ummadda soomaaliyeed u socoto.
6 - Dhamaan shacabka magaalada gaalkacyo waa isku mid waxaana wadda ilaalinaya nabbadooda ciidanka difaaca puntland booliiska magaalada gaalkacyo,hay adaha amniga puntland.
7 - waxaan ugu baaqeynaa in maamulka galmudug ka dheeraado caadeysiga daadinta dhiiga shacabka magaalada gaalkacyo iyo ku dhaqanka ah KU QABSO KU QADI MEYSIDE.waa in galmudug wax ka raadiso nabbada ummadda soomaaliyeed,afkana ka joojiyaan xuduuda glmudug waa buurtinle.Waa khasab in galmudug raali galin ka bixiso dagaal ka ridida magaalada gaalkacyo,
8 - ciidamada galmudug iyo inta qoriga u sida maamulkaas 10 km uma soo dhaafi karaan koonfurta magaalada gaalkacyo si looga dheeraado isku dhac ciidan iyo dagaal cusub.
9 - waxaa muqdis ah jiritaanka puntland iyo hiigsiga soomaaliya sidaas darteed galmudug waa iney doorkeeda ka ciyaartaa,waxna ka dheydaa boogaha uu maamulka galmudug u yeelay shacabka soomaaliyeed iyo soo qufida qabiilkii ummadda soomaaliyeed maanta halkan dhigey.
Subscribe to:
Posts (Atom)