Friday, November 11, 2016

Mowqifka magaalada gaalkacyo ee xisbiga shacabka puntland.


XISBIGA SHACABKA PUNTLAND

Mowqifka magaalada Gaalkacyo..


1-nabbad laga sugayo loogana fadhiyo Galmudug magaalada Gaalkacyo ma jirto waxaase laga sugayaa oo kaliya waa joojinta WAALI DAGAALANKA IYO XASUUQA SHACABKA.. ayaadoo aysan soo weerareyn maleeshiyaadkeeda ayayba daadinayeen dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo.galmudug waxay jabisey heshiisyo badan waxayna jabisey jabina doontaa heshiisyo badan oo nabbadeed.


2- Galmudug kuma haysan karto magaalada Gaalkacyo maleeshiyaadkeeda,waayo waxay dileen shacab badan,waxaana gacantooda kumaqan boqolaal dad ah sanooyin badan.


3-macquul ma noqoneyso in ciidamada difaaca puntland laga qaado koonfurta magaalada Gaalkacyo waayo waxaa shacabka magaalada gaalkacyo xaq iyo xaquuq u leeyihiin in la difaaco,lagana ilaaliyo galmudug iyo alshabaab,lagana aqbali mayo in galmudug gorgortan ku gasho arintaas,waxaa galmudug daba socda waa alshabaab loomana baneyn karo.


4- galmudug hal xaafad uma afduubi karto maamul dhan iyo magaalo dhan ayadoo indhaha ka qabsaneysa magaalooyinka galmudug maamulkeeda hoos tag ee ku jira alshabaab.


5 - Maamulka galmudug waxaa loo ogol yahay in  maamulkeedu shacab ahaan u sii dagaanado magaalada gaalkacyo,waxaanse macquul ahyen inuu dagaal qabiil ku yabooho,khalkhalna galiyo jihada ummadda soomaaliyeed u socoto.


6 - Dhamaan shacabka magaalada gaalkacyo waa isku mid waxaana wadda ilaalinaya nabbadooda ciidanka difaaca puntland booliiska magaalada gaalkacyo,hay adaha amniga puntland.


7 - waxaan ugu baaqeynaa in maamulka galmudug ka dheeraado caadeysiga daadinta dhiiga shacabka magaalada gaalkacyo iyo ku dhaqanka ah KU QABSO KU QADI MEYSIDE.waa in galmudug wax ka raadiso nabbada ummadda soomaaliyeed,afkana ka joojiyaan xuduuda glmudug waa buurtinle.Waa khasab in galmudug raali galin ka bixiso dagaal ka ridida magaalada gaalkacyo,


8 - ciidamada galmudug iyo inta qoriga u sida maamulkaas      10 km uma soo dhaafi karaan koonfurta magaalada gaalkacyo si looga dheeraado isku dhac ciidan iyo dagaal cusub.


9 - waxaa muqdis ah jiritaanka puntland iyo hiigsiga soomaaliya sidaas darteed galmudug waa iney doorkeeda ka ciyaartaa,waxna ka dheydaa boogaha uu maamulka galmudug u yeelay shacabka soomaaliyeed iyo soo  qufida qabiilkii ummadda soomaaliyeed maanta halkan dhigey.

No comments:

Post a Comment