Monday, November 14, 2016

Gaalkacyo waxay nabbad ku heleysaa Galmudug oo ka qaada ciidamadeeda weerarka ah dibna aysan ugu soo celin abidkeed.


waxaan aad us oo dhaweyneynaa wadda hadal nabbada ee magaalada gaalkacyo,waxaan aad ugu dhiirigelineynaa shacabka magaalada gaalkacyo iney ka shaqeeyaan nabbad labada dhinacba.


waxaanse aad uga soo hor jeednaa waddahalka nabbada ee lala aadey magaalada kismaayo waayo nabbadrka danqanayaa waa magaalada gaalkacyo iyo shacabkeeda waana midka la rabo in laysku boogo dhayo waana meesha dhibta iyo dhiigu ka taagan yahay waana meesha mudan in gogosha nabbad la dhigo.


nabbadu waa  mid ay u baahan tahay ummadda soomaaliyeed guud ahaan waana mid ay u baahan yihiin dadka soomaaliyeed ee hada xaadirkan xabbadda isla hor fadhiya iskuna ridaya iyo waliba kuwa aan awoodin iney ridaan laakiin alshabaab iyo soomaalidiidku ku soo ridayaan.


magaalada gaalkacyo waa muhiim in nabbad waarta ah loo keeno lagana dheeraado nabbad gacan ku rimis ah beritana laysula tago gacanta waayo waxay dhibtan iyo dhiigan daadadnaya soo jirey ilaa wakhti hore waxaase uu waji cusub qaatey 1990,ilaa hada dhibta iyo dagaalka ka socda magaalada gaalkacyo waa mid lasoo gunaanadi karo.ayadoo lasyku raacsan yahay loo wada dhan yahay.


1 - waxaa nabbad waarta ku imaan kartaa magaalada gaalkacyo hadii maamulka galmudug keenin wax ciidan taabacsan ah.waayo dooni lama naakhuude ma yeelan karto,waxaana meesha ka baxaya isku khaladka alshabaab iyo galmudug ciidamadooda,marka alshabaab soo weerarto puntland oo dib loo weeraro loolana dagaalamo waxaa soo muuqanaya galmudug kana soo dagaalamaya isla furintii alshabaab kasoo weerar tagtey,waana mida keentey in galmudug la yiraahdo waxaad tihiin alshabaab,maanta galmudug ma aha iney xabbad ula soo fariisato magaalada gaalkacyo puntland na  gacmaha u qabato alshabaab mana aha wax laga yeelayao maamulka galmudug.


2 - puntland sinaba ciidamada jooga daafaha magalada galkacyo kagama  qaadi karto kamana qaadi doonto waayo waxaa laga difaacayaa waa alshabaab waana ay kasoo weerar tageen.waana kas oo weerar tagi doonaan.lakiin galmudug boos ugama banaana furintaan ay isku soo ka kabineyso  ee waajibka saaran galmudug waa iney dhulka maamulkeeda hoos yimaada ka sifeyso alshabaab halkaasna ka waddo raadinta soomaaliya oo wanaagsan nabbadna ah.


3 - sanooyin baddan ayaa maamulka galmudug ka talinayey xaafad ka mid ah magaalada gaalkacyo waxaana intaas socdey daadinta dhiiga shacabka magaalada gaalkacyo,waana mid magaalada gaalkacyo ay caan kaga noqotey arimaha soomaaliya,qof la diley macno daro kii dileyna uu u fakanayo xaafada ay maamuli jirtey maamulka galmudug.


4 - galmudug waa maamul soomaaliyeed laakiin u baahan inuu raaco manhaj uu ku sugayo nabbada magaalooyinka maamulka galmudug hoos taga dowlad federaal ahaan,alshabaab ayaa waxay wado halaq maree ka dhigatey galmudug waana mid muqadis ah in wax laga qabto mase aha in lagu aflagaadeeyo waayo alshabaab waxay wasakheysey soomaaliya oo dhan,kuna soo hogaamiysey ciidamo shisheeye oo aan looga baahneyn ciida soomaaliyeed gebi ahaanba.


5 - maamulka galmudug waa inuu aqbalaa in magaalada gaalkacyo xaafada shacabka galmudug hoos taga maamul ahaan ka dagan yihiin ineysan  maamulka galmudug uga baahneyn ciidamo waayo cidna cidna weerar kuma  ahan,ayna tahay magaaladoodii.waxaase dul saar magaalada gaalkacyo ku ah waa ciidamada maamulka galmudug.


6 - maamulka galmudug waa iney aqbshaa si loo helo nabbad waarta iney wax ka sameeyaan booliiis mideysan una wada shaqeeya shacabka magaalada gaalkacyo hoos tagana puntland ayna puntland bixiso mushaarkooda kana kala soo jeeda beelaha daga magaalada gaalkacyo.si looga baxao baqdinta uu shacabku kala qabo,si looga baxao kala qayb qaybsanaanta magaalada gaalkacyo,si qofkii wax geysta loo hor geeyo sharci mid ah eex la aan,waa sharciga puntland eh,maadaama shacabka dega magaalada gaalkacyo ay     100 % 80  yihiin kuwo hoos taga puntland,


7 - sagaaro labo tun oo lakala qalo malaha sidaas darteed macquul maha in qof qof ku diley magaalada gaalkacyo ama qof qof wax ku yeelay magaalada gaalkacyo lagu kala xukumo labo sharci lugna ay kuwa da yeeshaan labo booliis oo laba maamul kala matalaya,waxaase la tix raacayaa sharciga puntland laguna xukumayaa magaalada gaalkacyo bad naanshaha shacabka hoos yimaada puntland awgeed iyo gaalkacyo oo ah magaalo puntland distuurka soomaaliyeed.


8 - maamulka galmudug magaalada gaalkacyo waa u furan yahay maamul ahaan laakiin waa ka xiran yahay ciidan ahaan maadama ay tahay danta nabbadda shacabka magaalada gaalkacyo,shacabka magaalada gaalkacyo shallay waxaa soo weerarey alshabaab waxaana maqanaa galmudug,maanta waxaa soo weeraraya galmudug waxaana maqan alshabaab marka waxaa wanaagsan labaduba iney isla maqanaadaan.si loo helo nabbad buuxda waarta waana mid ku khasab ah maamulka galmudug.


9 - maamulka galmudug waa ku khasab inuu dastuurkiisa si cad uga saaro ku sheegashada dhulka soomaali u sii hoos taga maamulka puntland sida oraahda xuduudka galmudug waa ilaa buurtinle iyo waxa la midka ah.si aysanba u dhicin hadal danbe oo laysku qaloociyo iyo dhul boob maamul oo lagu raadiyo qori caaradiis iyo af ba.


10 - hada ma jiraan wax dhaqdhaqaaq weerar ah kana soo fulaya alshabaab kana imaanaya dhanka maamulka galmudug waxaase muqadis ah in maamulka galmudug raadiyo alshabaab kana raadiso  dhulka galmudug soomaaliyeed  ayna aogaalato in lala raadiyo si aysan uga soo weerarin puntland si nabbad ummadda soomaaliyeed wadda raadisneyso loo wadda helo. 


waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqayaa in wax laga raadiyo nabbada,in lays walaalsado,in hal il lagu wadda arko alshabaab,iyo in aan layska indho tirin in shacabka magaalada gaalkacyo yahay dad soomaaliyeed yahayna ma kala guurto ummadda soomaaliyeedna ay guud ahaan wax ka leeyihjiin magaalada gaalkacyo.soomaaliyana soomaali leedahay.dalkeena xaalada uu maanta ku jiro waa mid u baahan in shacabka soomaaliyeed is walaalsado isu dul qaato,isna caawiyo lana wadda raadiyo nabbada aanu wadda la nahay.

No comments:

Post a Comment