Gaalkacyo ma aha mid laga aqbalayo ciidamo AMISOM ah,hadii maamulka galmudug uu nabbada magaalada gaalkacyo u arbushey u qasey,dagaal ula yimid,kuna gorgortayo qaab xun iyo maamul kale magaaladiis ciidamo shisheeye ha igu ilaaliyeen waxaan leenahay marka hore puntland maba diidaneyn nabbada,marka labaad qorshaha lala qaylinayo ee amisom na waa ku qabsoo ku qadi mayside oo qariban.
magaalada gaalkacyo waa mid ummadda soomaaliyeed siiba dadka puntland ee soomaaliyeed meel weyn ugaga taal,waxaana sharaxaad ku filan magaca ay wadato,lana mid aheyn magacayada magaalooyinka soomaaliyeed,mana suurto galeyso in magaalo lagu magaacey magaceeda cayrintii gumeystaha maanta dad ku riyoodaan waxaan rabnaa Amisom,mana suurto galeyso mana dhici doonto,mana la qabalayo.
dadka soomaaliyeed iyagaa nabbada iska qaada ayagaana soo ceshan kara.marka laga hadlayo dagaalka u dhexeeya puntland iyo galmudug waxaa weerar ah galmudug oo puntland isdifaac ayay ku jirtaa waxaana markhaati u ha puntland marka lasoo weeraro oo kaliya ayay ka jawaabtaa mase weerarto cidna,hadii puntland tahay weerar waxay sii aadi laheyd weeararina laheyd dhulka iyo magaaloyinka soomaaliyeed ee hoostaga maamulka galmudug hadase waxaase puntland soo weeraraya galmudug ama alshabaab,hadana waxaa nux nuxda wadda Amisom waddaa waa maamulka galmudug,hadaba Amisom cidna gacmaha uma qaban karto puntland,
Magaalada gaalkacyo waxaa xaafad ka dagaa waa shacab soommaaliyeed laakiin hoostaga maamulka soomaaliyeed ee galmudug inkastoo uusan vuuxin sharuudihii maamul usameynta dalkeena iyo xeerkii federaal ee aanu ummad soomaaliyeed ahaan dhexdeena sameysaney bal si aan mar uun dib ugu helno nabbadeenii qaaliga aheyd laakiin ummadda soomaaliyeed waxaa soo wajahdey labo daran mid dooro in gobolada dhexe waa maamulka galmudug ee uu ahaado meel alshabaab ka taliso iyo foowdona ah ama in aanu iska indho saabno sharci darada ay ku sameysmi karto maamulka gobolka iyo barka ah ee galmudug waxaase ummadda soomaaliyeed ee uu dagaalku rafaadiyey dooratey tan danbe oo ah in sharciga layska indha tiro lana aas aaso galmudug,waana mida ummadda soomaaliyeed daawada u noqotey,
maanta layskuma haysto galmudug ma jirtaa mise ma jirto ee waxaa lasyku haystaa galmudug haka dayso dagaalka ummadda soomaaliyeed iyo waliba sheegashada dhulka soomaaliyeed ee hoostaga maamulka dowlada puntland,
1 - waxaan leenahay maamulka galmudug waxaa khasab ku ah inuu aqbalo in shacab soomaaliyeed oo maamulkaas hoostagaa xaafad ka dagan yihiin magaalada gaalkacyo maamul ahaana u hoos yimaadaan maamulka galmudug laakiin.
2 - maamulka galmudug waa inuu aqabalaa magaalada gaalkacyo waa magaalo puntland ah,puntland na ay dhisi karto meel kasta oo wax loogu qabanayo shacabka soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo,waayo dowladi waa tii dadkeeda wax u qabata wax qabadka dowlada puntland ma hor istaagi karto galmudug,lagana aqabali maayo waayo wixii la dhisaa waa horumar waxayna faa iido u leeyihiin shacabka magaalada gaalkacyo ayadoo laga wadda faa iideysano lana kala xigin sidaas darteed wixii wax u qabad ah shacabka puntland ma aha mid marti looga yahay maamulka galmudug.
4 - guud ahaan nabbad galyada magaalada gaalkacyo waa mid gaar ahaan u hoostimaada puntland,sababtoo ah shallay waxaa soo weerarey alshabaab maamulka galmudug waaba maqnaa ayadoo laga soo weerarey dhulka soomaaliyeed ee ay ka taliso galmudug,maantana waxaa soo weerarey galmudug oo waaba qori isu dhiib sidaas darteed nabbad galyada magaalada gaalkacyo waa mid waligeed si toos ah u hoostagta puntland,waana muqadis,shacabka magaalada gaalkacyo waa kuwo ku hoos nool difaaca ciidanka puntland iyo nabbadsugida puntland,
5 - waxaan marnaba laga aqabali doonin maamulka galmudug iney sida cadoodo ku hadaaqdo waxaan arbnaa in magaalada gaalkacyo Amisom naloo keeno waayo waxaa jira ciidan ilaaliya nabbad galyada puntland waana ciidanka difaac puntland,mana aha mid dadka soomaaliyeed ee puntland aqabalayaan,waxaana marnaba macquul noqoneyn in hal xaafad loo san duleeyo magaalo dhan halkaas xaafad oo ah mid aysan khatari kaga imaaneyso xaafadaha magaalada inteeda kale,waxaase runtu tahay xaafada ayaa waxay khatar ku tahay xaafadaha kale ee magaalada gaalkacyo oo dhan,
6 -dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka dowlada puntland waa mid aysan marnaba macquul noqoneynin in cagaha ay soo dhigaan Amisom waayo loogama baahnaba,sida lawada ogsoon yahay amisom waa ka soo bixi waydey wax qabadkii ay ummadda soomaaliyeed ka sugayeen,kasoo ahaa iney wax ka soo af jaraan alshabaab,sida caadada ahna meeshii amisom tagto waxaa daba socda alshabaab oo geedi ah,puntland waa isaga filan tahay alshabaab waana isaga filan tahay iney amaankeeda gooni uga warqabto,puntland diyaar umma aha in difaaca puntalnd cidna la walaaqdo,ama cadow loogu hoodaadeeyo,
7 - Amisom waxay noqotey suuqii ay alshabaab hubka ka qaadan jitrey marnaba kama raali noqoneyno jilicsanaanta amisom iyo joogist ay soomaaliya joogaan ee guul aysan ka soo ifeyn.
maamulka galmudug waxay cadoodo keentey amisom maalmo ka dib waxaa xigey qarax ayaga laftooda loola tagey cid ay nabbad u keenaan iskaba daaye.waxayba noqdeen kuwii qoriga dabka leh loola imaaneyay shacabka soomaaliyeedna usoo jiidayey alshabaab.
maamulka galmudug waa iney faraha kala baxdaa magaalada gaalkacyo kuna mashquushaa sidii ay nabbad uga raadin laheyd maamulka galmudug dhexdiisa,ayna nabbad la gaaln ahlusna wajameeca si loo helo dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka soomaaliyeed ee galmudug,waan waana ka dhex raadisaa beelaha soomaaliyeed dhiigoodu ku daadanayo caabudwaaq iyo agagaarkeeda waxna ka sameystey maamulka galmudug.
No comments:
Post a Comment