waxa ka soo yeeraya afhayeenka galmudug waa riyo mala awaal lagu arkey,mana aha wax hadal nabbadi ku dheehan tahay amaba u keeni karta danta amaba ay ku jirto nabbad beeneedka ay raadineyso maamulka galmudug,
waxaa xaalku joogey hal xaafad oo gaalkacyo ah hoostna taga puntland sida xaafadaha kale ee magaalada gaalkacyo arintuse waxay mareysaa goldogob iyo jariiban iyo waliba 75 waa galmudug mudug.arimaha noocan oo kale ah waa wax sii fogeynaya nabbad dadka soomaaliyeed wadda raadinayo.
maamulka galmudug wuxuu ku jirey wakhti dheeraysi hub urursi,hadana collaad beeleed ka dhacdey magaada caabudwaaq ayaa waxay sababtey iney galmudug u dhaqanto lugtaa furan.soo dhoobto ciimado maleeshiyaad suuqa magaalada gaalkacyo.
hadaba waxaan oran karnaa nabbada ay galmudug ceelka kusii rideyso ayadu haka soo saarto.ummadda soomaaliyeed waa nabbad wadda raadis.laakiin maamulka galmudug wuxuu u soo fata xeydtey colaad la mid ah tii 1990.
waa xal fog nabbadina fog ilaa inta galmudug ciyaareyso ku qabso ku qadi meyside iyo sheegasho aan sal laheyn.siyaasad ahaan,siyaasad maamul ahaana ka dooratey mid qabiil shaatigiis wadata.
waxaan leenahay dagaalka qaxayan ee galmudug kusoo qaadey magaalada gaalkacyo waxaa ka mas uul ah iyada.dagaalka ka socda caabudwaaq ee ah kala wiiqida siyaasadeed ayada ayaa ka mas uul ah.waxaanse leenahay galmudug ha u raadiso ceelkii ay goosatey iney ku rido nabbada gobolada hoos yimaada iyo tan ay raadineysaba.geed ayaan u fuuli inaan isku dayo inaan boobo sheegtana magaalooyin kale hadana waxaan rabaa nabbad sugan isku meel ma galaan.maamulka galmudug waa gafey hiigsigii iyo jidkii loo mareyay nabbad ummadda soomaaliyeed iyo soomaaliya oo wacan waase lagu soo celin si adag.waayo waxaa ka weyn maamulka galmudug waxa ummadda soomaaliyeed wadda dooneyso.
No comments:
Post a Comment