waxaan shacabka puntland uga digeynaa afduubka alshabaab iyo galmudug.
waxaa maalin dhexdaas ah dad ka mid ah galmudug laga sii daayey dad ajanabi ahaa oo aay labo qaybood ukala haysteen,kuwa waxay ahaayeen dad badan lagana soo afduubtey dooni,mid na waxay aheyd gabar keenyan aheyd,
waxaana dhihi karnaa dadka soomaaliyeed waxaa adduunka looga bartey maraakiib ay afduubaan lacagna ka qaataan dabadeed sii daayaan ayagoo aan waxba yeelin dadkii saarnaa,
laakiin markii ay timid ummadda soomaaliyeed dhexdeeda waxaa maamulka galmudug iyo alshabaab bilaabeen BURCAD BARIYEED ku salysan aano qabiil.
sida caadada ah hadii dagaal dhaco shacabka iyo maatada waa bir ma geydo,cidkaastaa ha gardarnaatee,hadase maamulka magalada gaalkacyo la soo aadaya dagaalka ayna ka nioolaan waayeen qayb ummadda soomaaliyeed ka mid ahi waxay caado ka dhigteen in shacabka magaalada gaalkacyo afduubaan hadana yiraahdaan waxaay qabaney askar puntland ah,dabadeed dilaan,
waxaana ugu danbeeyay cabdiyare ilka boqol oo ahaa wadaad tabliiq ah,aadeyna maaleeshiyaadka galmudug ee xabbadda xaqdarada ah kusoo riyada dowlada puntland iyo dadka soomaaliyeed ee ay matasho siiba magaalada gaalkacyo.
waxaan aad u cambaareyneynaa dilkii qaabka xumaa ee lagu fuliyey tabliiqii cabdiyare ilka boqol kasoo raadinayey iney ummadda soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo ka daayaan XABBADDA maleeshiyaadka galmudug.
sida runtu tahay hadii dagaal dhaco lama dilo kan kuugu yimaada nabbad raadin waana ka mamnuuc xataa in qofkaas oo kale loo dilo aano qabiil.
shacabka puntland waxaan uga digeynaa afduubka ay wadaan galmudug iyo alshabaab,waayo waxay ugu gorgortami doonaan ciidan ahaan,waxaan shacabka magaalada gaalkacyo leenahay is ilaaliya,kana digtoonaada in dhiigiina macnmo daro ay u daadiyaan maleeshiyaadka galmudug iyo alshabaab,cidii aad ka shakidaana la socodsiiya ciidamada puntland iyo hay*adaha amaanka.
meelaha aan idinkaga digeyno waxaa kamid ah.
magaalada gaalkacyo siiba xaafada baraxley.
jidka aada godod
dusmada
jidka aada goldogob.
tani ma aha cabsi galin laakiin waxaa macnaheedu yahay SITA HUBKIINA si aad isugu ilaalisaan markaad wajaheysan meelaha aan soo magacaabney.kana feejignaada dhulka ay gacanta ku hayaan alshabaab iyo galmudug ba.si aan la idiinku gorgortamin idinkoo nool.
waxaan shacabka puntland guud ahaan ku wargalineynaa waxaa bilaabmey dagaal lagu soo qaadey jiritaankiina waana kii 1990 oo ummadda soomaaliyeed qarkood markii ay heleen magacii ummadda soomaaliuyeed shillilkii ummadda soomaaliyeed dib ugu noqdey qalfoofkii dagaalkii sokeeye kalana soo baxey qabrigii ay ummadda soomaaliyeed si wadda jir ah ugu duugeen.waxaana hor boodaya maamulka galmudug oo noqdey wiil uu dhaley dowlada federaalka soomaaliya laguna naas nuujiyo beel ahaan.
waxaan ummadda soomaaliyeed siiba kuwa magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa in la ilaaliyo nabbada waxkastana waxaa ka weyn soomaalinimada waana in aan lagu dayan galmudug iyo alshabaab.lawadana noolaado,
maamulka galmudug iyo alshabaab waa k mamnuuc magaalada gaalkacyo wixii kaga hareyna ciidan ahaan iyo maamul ahaanba hakala baxeen,
maamulka Glamudug waxaan la socodsiineynaa kuna wargalineynaa hadiiba ay doonayaan iney yimaadaan magaalada GAALKACYO waa iney la sii socod siiyaan ciidamada difaaca puntland iyo hay*adaha amaanka qaabilsan si amaankooda u ilaaliyaan ayna sii war galiyaan.maadama dhibtii iyo dhiigii ay daadiyeen wali qoyan yahay.
No comments:
Post a Comment