waxaa bilaammey difaacii sugitaanka jiritaanka puntland.
waxaan si cad u garab taaganahey mowqifka dowlada puntland ee ku aadan go aan ka qaadashada joojinta weerarada gardarada ah ee ka imaanaya huwanta galmudug iyo alshabaab iyo waliba inta aan muuqan.
ummadda soomaaliyeed ee puntland waxaan ugu baaqeynaa iney maanta u istaagaan difaaca jiritaankooda una huraan naf iyo maalkoodaba maanta waxaa bilaabmey wakhti cusub waxaana puntland gashey xaalad cusub,sidaas darteed waxaa muhiimadu tahay in laysku duubnaado meel na looga wadda soo jeesto difaaca jiritaanka puntland.
waxaa shacabka puntland ku bogaadineynaa maanta waa maalinta la garab istaagi lahaa ciidanka difaaca puntland kaasoo har iyo habeen kuleylka u taagan jiritaanka puntland una hurey dhiigooda.
ciidanka puntland waa kan hor taagan isbaheysiga galmudug iyo alshabaab,gardaro kastaa waxay mudan tahay in laga jawaabo khaladkastaana wuxuu mudan yahay in raali galin laga bixiyo ama laga aqbalo laakiin laakiin dagaalka ka imaanaya maamulka galmudug ee daadinaya dhiiga ummadda soomaaliyeed ee puntland ma aha mid la daawan karo,waayo waa gardaro cad kuna saleysan dhul balaarsi qabiil huwan dhanka kala ka huwan xagjirnimo diin lagu maldahayo.
No comments:
Post a Comment