Wednesday, November 9, 2016

War saxaafadeed - ku shacabka magaalada Gaalkacyo dhamaan.



MASIIBADAN KU HANBSATEY MAATADA SOOMAALIKYEED WAXAA KA MAS UUL AH MAAMULKA GALMUDUG.

waxa ka taagan koonfurta magaalada gaalkacyo waa mid uu maamulka galmudug iska dhaga tirayo wana mida tirtireysa sidashada magaca maamul.waana mid uu maamulka galmudug danbigeeda leeyahay,waayo magaalo uska dagan ayay soo weerartey galmudug.

waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa ineysan ka cararin magaaladooda.waxaan shacabka magaalada gaalkacyo la socodsiineynaa ineysan falal xun kula kici karin hadii ay walaalahooda soomaaliyeed ee ah maatada nafta kula soo cararaan kana soo cararaan xaafada koonfureed ee magaalkada gaalkacyo una soo cararaan dhanka waqooyi ee gaalkacyo.qofkii ula yimaada wax yeelo asaga ayaa ka mas uul ah waxaana la horkeeni sharciga.

shacabka magaalada gaalkacyo waa isku mid waxaanse isku mid aheyn ciidamada difaaca puntland iyo maleeshiyo beelaadka ka soo dagaalamaya maamulka galmudug magaalooyinkiisa.kuwaas oo ay muqdis taghay in raadkooda laga tirtiro magaalada gaalkacyo maadama ay dhiig ku daadiyeen maadama ay noqdeen shaati alshabaab.

xuquuuqda shacabka soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo waxaa ilaalinaya dowlada soomaaliyeed ee puntland.wixii caawin ahna ayaga ayay kala xiriiri karaan sida.

- biyo dhaamiska.ka haqab tirista biyaha.waxay kala xiriiri karaan maamulka puntland ee magaalada gaalkacyo siiba gudiga amaanka magaalada gaalkcayo iyo gudoomiyaha magaalada gaalkacyo ee puntland.

- meelaha ay sii joogi karaan inta la soo afjarayo daandaansiga maamulka galamudug.lagana saarayo magaalada gaalkacyo oo dhan.

- nabbad galyada.sugitaankeeda wuxuu si cad u hoos tagaa ciidamada difaaca puntland iyo hay^adaha amniga waana hawshii shacabka puntland u igmadey mas uulkeedana ay qaadeen.

- daryeelka caafimaadka waxa u furan kuwa magaalada qaybta waqooyi ee magaalda gaalkacyo maadaama kii koonfureed laga rarey meeshii loona rarey maamulka galmudug magaalooyinka uu ka taliyo.

- sugitaanka jiritaankooda.waxaa socda dagaal qaab xun maamulka galmudugna doonayo inuu shacabka magaalada gaalkaco ku kala fuquuqo,kuna kala durkiyo si colaada ay u noqototo mid aan manjo iyo madax laheyn sidii sanadkii 1990 sidaas darteed shacabka puntland ee soomaaliyeed gaar ahaan kuwa magaalada gaalkacyo waxaan uga digeynaa ineysan la imaan wax falal axmaqnimo ah iyo danbi ku wajahan walaalahooda soomaaliyeed ee xaqa u leh jiritaankkooda soomaaliyeed.

- waxaan mar labaad leeyahay shacabka magaalada gaalkacyo waa xor waa walaalo,waaa soomaali,waana magaaladoodii sidaas darteed shacabka iyo maatada xaafada koonfureed ee magaalada gaalkacyo waxay leeyihiin xuquuqda shacabka magaalada gaalkacyo inteeda kale oo kale.waana lama taabtaan.cidii xad gudug ula timaada waxaa la hor geyn sharci gacan bir ah.cidii wax dishana waa loo dili.

- mar labaad iyo saddexaad maamulka galmudug iyo maleeshiyaadkiisa waa ka mamnuuc magaalada gaalkacyo hana iska sii ururiyeen intaan la ururin.




Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisa galmudug waa alshabaab alshabaabna waa galmudug.

waxaan macquul aheyn maamulka galmudug waa diideen nabbad ilaa hadana waxay ciidamo ku soo daadgurenayaan banaanka magaalada gaalkacyo.

hadii uu maamil soomaaliyeed ka leexdo danta ummadda soomaaliyeed guud ahaan isku raacdey waxaa muqadis ah in khasab lagu ogoleysiiyo,

maqcuul ma ahan in magaalada gaalkacyo xaafad ay ka taliso maamulka galmudug waayo waxaa hore loogu dayey arintaas waxaana ka soo galey alshabaab,kuna soo dhex dhuuntey,


hadii maanta maamulka galmudug usoo hub uruursadey iney ka taliyaan xaafada koonfureed ee magaalada gaalkacyo si ay usoo noqdaan weeraradii ka imaanayey alshabaab iyo galmudug ee ku saleysnaa qarax, dilal, qorsheysan, baqdin shacab ma aha macquul mana soconeyso WAANA HABEENKII XALEY AHAA EE TAGEY. daawana uma aha shacabka magaalada gaalkacyo guud ahaan iyo soomaaliyaba,

maamulka galmudug waa loo ogaaldey iney ka taliyaan xaafada koonfureed ee magaalada gaalkacyo waana la ogaa wixii ku dhacey shacabkii magaalada gaalkacyo iyo nawaaxigeeda,


waxaan leenahay alshabaab oo kusoo noqota magaalada gaalkacyo maamulka galmudug oo ay walaalo yihiin waxaan ka dooraney maamulka galmudug iyo maleeshiyaadkiisa oo ka maqan magaalada gaalkacyo,

hadii dagaalka gardarada ah ay deyn waayaan maamulka galmudug waa khasab in lala dagaalamo hadii la jabiyana laga harin,waa khasab in qofkii diida jiritaanka ummadda soomaaliyeed xabbad lagu ogoleysiiyo.waana mida maanta haysata alshabaab,waa mida maanta haysata galmudug.

waxaan qireynaa alshabaab waa koox ka soo horjeedsatey soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan.

waxaan qiraynaa maamulka galmudug inuu noqdey walaalkii alshabaab.


waxaa ciidamada jiida hore ee magaalada gaalkacyo ku muqadis ah isdifaac iyo weerarba.gacmaha lagama laaban karo marka dad soomaali diid ah nabbad diid ahi miiska soo saaraan duugista qayb ka mid ah ummadda soomaaliyeed.


dagaalkan socda waxa eediisa iska leh maamulka galmudug.hadaii galmudug nabbad iyo soomaalinimo raadineyso haka dayso weerarka ay ku waddan magaalada gaalkacyo dagalna ha u aadeen dhulka hoostaga maamulka soomaaliyeed ee galmudug gacanta alshabaabna ku jira ciidamada puntland ee ay maalinkasta soo weerarayaana waxay noqon kuwii ka feer dagaalama waxna ka tir tira alshabaab,waa hadii soomaalinimo lawada rabo soomaaliyana aan wadda leenahay.wanaageedana uu naga dhaxeeyo,nabbaduna nolol noo tahay.


hadii kale galmudug waa alshabaab,alshabaabna waa galmudug.waa dagaal iyo wixixi lagu kala helo waa soo hari inta sama doonka ah soomaali doonka ah.


dad soomaaliyeed ayaa afka ka oranaya dagaalkan wuxuu soo socdey qarni waxaan leeyahay wakhjtigaas wuxuu ahaa beel beel la dagaalameysa soomaaliyeed iyo dagaal daaqsimeed markastana waxaa loo heli jirey xal iyo waan waan maantase arintu waxay mareysaa alshabaab oo  diidan jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo ummadda soomaaliyeed oo u kala baxdey alshabaab kal kaal alshabaab walaalkiis beelo badan oo soomaaliyeed naftana ka aha alshabaab jirkana ka aha soomaali iyo intii badneyd ummadda soomaaliyeed oo ku dhagan u dagaalka jiritaankooda naftana u huraya dhiigoodana u daadinaya,mana aha mid cid looga gabanayo,looga baqayo,fulintiisana ma aha mid cid la waydiinayo.


ummadda soomaaliyeed waa kuftey hadana kacdey beeshii iyo cidii ka hortimaada hayaanka ummadda soomaaliyeed daad ayaa qaadi.runtuna waxay tahay soomaali inta soomaaliya oo wanaagsan rabta waa inta isku jidka ku taagan,waana isku mowjad dhankasta.

Monday, November 7, 2016

waan kala wadda noqoney kalsoonidii maamulkii la oran jirey Galmudug.


Eedaymo badan cadeyna wata ayaa waxay keentay kalifteyna in maamulkii galmudug ahaa aanu kala wada noqono kalsoonidii,waxaana hada laga bilaabo u Arkeeynaa beel soomaaliyeed wax kasta oo magaca galmudug wax lagu yeelana waxaan u raad raaceynaa beesha magacaas matalo.


waxaa shacabka soomaaliyeed ee magaalada caabudwaaq si cad ugaga baxeen galmudug,waxaa shacabka balan balle si cad ugaga baxeen maamulkii la oran jirey galmudug waxaana hadda ka hor iska fogeeyay meelo badan oo uu maamulki galmudug sheeganayey,


waxaa shacabka magaalada gaalkacyo dhib weyn ka soo gaartey maamulkii la oran jirey galmudug dagaalo macno darro ah joogtana loo waddo,kuna saleysan dhulbalaarsi qabiil,


WAXAN SHACABKA SOOMAALIYEED EE UU MATALI JIREY MAAMULKII GALMUDUG UGU BAAQEYNAA INEY WADDA TASHAAN ISU YIMAADAAN RAADIYAANA MAAMUL U QALMA AYNA KAGA MID NOQON KARAAN UMMADDA SOOMAALIYEED EE HAYAANKA U AH JIRITAANKOODA.

WAXAAN AAD UGU BAAQEYNAA UMMADDA SOOMAALIYEED IN LAWADA RAADIYO NABBAD WAARTA.

waxaan shacabka puntland uga digeynaa afduubka alshabaab iyo galmudug.







waxaa maalin dhexdaas ah dad ka mid ah galmudug laga sii daayey dad ajanabi ahaa oo aay labo qaybood ukala haysteen,kuwa waxay ahaayeen dad badan lagana soo afduubtey dooni,mid na waxay aheyd gabar keenyan aheyd,

waxaana dhihi karnaa dadka soomaaliyeed waxaa adduunka looga bartey maraakiib ay afduubaan lacagna ka qaataan dabadeed sii daayaan ayagoo aan waxba yeelin dadkii saarnaa,


laakiin markii ay timid ummadda soomaaliyeed  dhexdeeda waxaa maamulka galmudug iyo alshabaab bilaabeen BURCAD BARIYEED  ku salysan aano qabiil.

sida caadada ah hadii dagaal dhaco shacabka iyo maatada waa bir ma geydo,cidkaastaa ha gardarnaatee,hadase maamulka magalada gaalkacyo la soo aadaya dagaalka ayna ka nioolaan waayeen qayb ummadda soomaaliyeed ka mid ahi waxay caado ka dhigteen in shacabka magaalada gaalkacyo afduubaan hadana yiraahdaan waxaay qabaney askar puntland ah,dabadeed dilaan,


waxaana ugu danbeeyay cabdiyare ilka boqol oo ahaa wadaad tabliiq ah,aadeyna maaleeshiyaadka galmudug ee xabbadda xaqdarada ah kusoo riyada dowlada puntland iyo dadka soomaaliyeed ee ay matasho siiba magaalada gaalkacyo.

waxaan aad u cambaareyneynaa dilkii qaabka xumaa ee lagu fuliyey tabliiqii cabdiyare ilka boqol kasoo raadinayey iney ummadda soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo ka daayaan XABBADDA maleeshiyaadka galmudug.

sida runtu tahay hadii dagaal dhaco lama dilo kan kuugu yimaada nabbad raadin waana ka mamnuuc xataa in qofkaas oo kale loo dilo aano qabiil.


shacabka puntland waxaan uga digeynaa afduubka ay wadaan galmudug iyo alshabaab,waayo waxay ugu gorgortami doonaan ciidan ahaan,waxaan shacabka magaalada gaalkacyo leenahay is ilaaliya,kana digtoonaada in dhiigiina macnmo daro ay u daadiyaan maleeshiyaadka galmudug iyo alshabaab,cidii aad ka shakidaana la socodsiiya ciidamada puntland iyo hay*adaha amaanka.

meelaha aan idinkaga digeyno waxaa kamid ah.


magaalada gaalkacyo siiba xaafada baraxley.

jidka aada godod

dusmada 

jidka aada goldogob.

tani ma aha cabsi galin laakiin waxaa macnaheedu yahay           SITA HUBKIINA  si aad isugu ilaalisaan markaad wajaheysan meelaha aan soo magacaabney.kana feejignaada dhulka ay gacanta ku hayaan alshabaab iyo galmudug ba.si aan la idiinku gorgortamin idinkoo nool.


waxaan shacabka puntland guud ahaan ku wargalineynaa waxaa bilaabmey dagaal lagu soo qaadey jiritaankiina waana kii 1990 oo ummadda soomaaliyeed qarkood markii ay heleen magacii ummadda soomaaliuyeed shillilkii ummadda soomaaliyeed dib ugu noqdey qalfoofkii dagaalkii sokeeye kalana soo baxey qabrigii ay ummadda soomaaliyeed si wadda jir ah ugu duugeen.waxaana hor boodaya maamulka galmudug oo noqdey wiil uu dhaley dowlada federaalka soomaaliya laguna naas nuujiyo beel ahaan.


waxaan ummadda soomaaliyeed siiba kuwa magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa in la ilaaliyo nabbada waxkastana waxaa ka weyn soomaalinimada waana in aan lagu dayan galmudug iyo alshabaab.lawadana noolaado,

maamulka galmudug iyo alshabaab waa k mamnuuc magaalada gaalkacyo wixii kaga hareyna ciidan ahaan iyo maamul ahaanba hakala baxeen,


maamulka Glamudug waxaan la socodsiineynaa kuna wargalineynaa hadiiba ay doonayaan iney yimaadaan magaalada GAALKACYO waa iney la sii socod siiyaan  ciidamada difaaca puntland iyo hay*adaha amaanka qaabilsan si amaankooda u ilaaliyaan ayna sii war galiyaan.maadama dhibtii iyo dhiigii ay daadiyeen wali qoyan yahay. 



Sunday, November 6, 2016

magaalada gaalkacyo guud ahaan maamulkeedu wuxuu hoos tagaa dowlada puntland ee soomaaliyeed.


waxaa bilaabmey taariikhda cusub ee magaalada gaalkacyo puntland soomaaliya,ciidamada difaaca puntland waxay sugeen amaanka magaalada gaalkacyo iyo nawaaxigeeda,magaalada gaalkacyo waxaa ku daatey dhiig badan oo soomaaliyeed loona baahneyn laga dheeraan karey,laakiinse u baahdey in gacan bir ah lagu raadiyo nabbad buuxda.

nasiib xumo maamulka galmudug oo hal xaafad laga dajiyey loona ogaaldey ayaa waxay sababtey iney alshabaab ku soo baqoosho magaalada gaalkacyo waxaana kasiiba darnaadey markii maamulka galmudug oo hal xaafad laga dajiyey magaalada gaalkacyo uu dagaal kusoo qaado har iyo habeen,


magaalada gaalkacyo waxay gashey maanta taariikh cusub taasoo ah iney ciidamada maamulka galmudug mamnuuc ka yihiin iyo iney  alshabaab mamnuuc ka yihiin,

 soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qori iyo qiiqiis waa laysla tuuraa sidaas darteed ka ceyrinta maamulka galmudug laga cayriyey magaalada gaalkacyo waxaa meesha ka baxaya 

- dagaalkii macno darada ahaa ee ka imaanayey maleeshiyaadka galmudug iyo alshabaab.dilalkii qorsheysnaa,

- waxaa meesha ka baxaya dagaalkii qaabka xumaa ee ku lamaansanaa kana imaanayey alshabaab.

- shacabka soomaaliyeed ee hoostaga maamulka galmudug degana magaalada gaalkacyo waa magaaladoodii waxaana nafta u huraya nabbadooda ciidanka difaaca puntland balan qaadayana sida shacabka puntland guud ahaan .waayo dadku waa wada soomaali dhulkana waa lawada leeyahay waxaase meesha ka baxay waa maamulkii galmudug iyo alshabaab ee nabbad iyo soomaalidiidnimada ku caan baxey.kalana qaybinayey shacabka magaalada gaalkacyo kana dhex wadey daadinta dhiigooda.


waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqeynaa in lawada raadiyo nabbada guud ahaan,meelna looga wada soo jeesto cidkasta oo lid ku ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed,noloshana u diida dadka soomaaliyeed.


waxaan shacabka puntland ogeysiineynaa in dagaalka maanta loogu jiro raadinta nabbada iyo jiritaanka puntland yahay mid hada bilaabmey socona kara mudo dheer,waayo weli waa jirtaa alshabaab,welina waa jirtaa galmudug,waxaana lama huraan ah in shacabka puntland ay garab istaagaan ciidanka difaaca puntland, qaataana awaamiirta kala danbeyta sharciga puntland waxna ka raadsadaan nabbadooda una istaagaan jiritaankooda.

waxaa bilaammey difaacii sugitaanka jiritaanka puntland.


waxaan si cad u garab taaganahey mowqifka dowlada puntland ee ku aadan go aan ka qaadashada joojinta weerarada gardarada ah ee ka imaanaya huwanta galmudug iyo alshabaab iyo waliba inta aan muuqan.

ummadda soomaaliyeed ee puntland waxaan ugu baaqeynaa iney maanta u istaagaan difaaca jiritaankooda una huraan naf iyo maalkoodaba maanta waxaa bilaabmey wakhti cusub waxaana puntland gashey  xaalad cusub,sidaas darteed waxaa muhiimadu tahay in laysku duubnaado meel na looga wadda soo jeesto difaaca jiritaanka puntland.

waxaa shacabka puntland  ku bogaadineynaa maanta waa maalinta la garab istaagi lahaa ciidanka difaaca puntland kaasoo har iyo habeen kuleylka u taagan jiritaanka puntland una hurey dhiigooda.

ciidanka puntland waa kan hor taagan isbaheysiga galmudug iyo alshabaab,gardaro kastaa waxay mudan tahay in laga jawaabo khaladkastaana wuxuu mudan yahay in raali galin laga bixiyo ama laga aqbalo laakiin laakiin dagaalka ka imaanaya maamulka galmudug ee daadinaya dhiiga ummadda soomaaliyeed ee puntland ma aha mid la daawan karo,waayo waa gardaro cad kuna saleysan dhul balaarsi qabiil huwan dhanka kala ka huwan xagjirnimo diin lagu maldahayo.


Wednesday, November 2, 2016

Puntland diyaar umma aha maanta heshiis beena berina aan dhiigaaga daadiyo.



dadka puntland ee soomaaliyeed marnaba ma qabali karaan heshiis beeneed galmudug wadato,waayo waxay la mid noqon maanta aanu heshiino beri aan ku dilee.
galmudug ayaa nabbada ayaa diidan waxaana daliil kuu ah marag ma doonto,shalay waxaa la galey heshiis xabbad joojina maanta waa weerar ka yimid galmudug.waanadhaqan soojireen ah.shir nabbeed dagaal xigo.
waxa maamulka galmudug magaalo madax u ah magaalada cadaado maamul ahaan,waxaase shacab hoostaga maamulka galmudug dagan yihiin magaalada gaalkacyo waana wanaag waayo waxa dadku wadda yahay dad soomaaliyeed waxaana ka wadda dhexeeya dhul dhalasho walaalnimo iyo dowlada federaal ah oo ay sameysteen waxaana rajeyneynaa xukuumadii hada wakhtigeedu dhamadey noqoto tii qabiileed ee ugu danbeysey soona marta ummadda soomaaliyeed,
dadka dagan magaalada gaalkacyo waa wadda soomaali waxaanse macquul noqoneynin in maamulka galmudug ciidamo matalaya ay ka joogsan magaalada gaalkacyo sababtoo ah waxaa shacabka magaalada gaalkacyo inteeda kale laga soo weerarayaa xaafada ay mas uulka ka tahay maamulka galmudug ee magaalada gaalkacyo,waxaay xaafadaas maamulka galmudug mas uulka ka aheyd noqotey saldhig ay ka soo weerar tagto alshabaab,
waxaase kasii darnaadey markii ay xataa shacab galmudug hoos taga kasoo weerar tageen,waxayna ka sii darnaatey markii ciidankii qoryaha u sidey maamulka galmudug ayaguna kaba soo dagaal tageen xaafadaas.
waxaan leenahay heshiis iyo nabbad waxay imaan kartaa markii gebi ahaanba magaalada gaalkacyo ay isaga baxaan gebi ahaanba waxa hubka u sida maamulka galmudug,
shacabka maagaalada gaalkacyo waa isku mid waxaana iILLAHEY ka sookoow nabbad galyadooda balan qaadey ciidanka difaaca puntland iyo booliiska magaalada gaalkacyo ee puntland.waxaan raadineynaa waa soomaaliya oo fiican nabbad ah kana madax baan argagixiso,maanta waxa lawada weerarayaa waa puntland waana eeshii ay aaksoo bilaabatey rajadii soomaaliya mana aha mid aanu u dul qaadaneyno iney kahalkhal galiyaan kooxaha nabbad diidka ah ama maamulada ku qutubaya ullaha qabiilka.dhul balaarsiga qabiilka ku saleysana ku lifaaqaya maamulkooda.
galmudug waxay soo weerartey magaalada gaalkacyo ilaa hada 19 mar mana aha wax loo dul qaadan karo,mana aha wax aan ku wadda gaari karno soomaaliyada aanu wadda rabno,
dowlada puntland waxaa cadow u ah wixii soomaali cadow u ah,waxaana ka mid ah oo safka hore ku jira waa alshabaab,soomaaliland oo dhul boobtey,gumeysaneysana shacab puntlander soomaali ah waxna ka sameystey dowlada puntland,
waxaase ka sii daran oo alshabaab iyo soomaaliland kasoo hor maraya maamul ku doodaya magaalo dhan ayaa hal xaafad shacab na hoos yimaadaa dagan yihiin ee waxaan qalaaqeynaa amaankeeda.waxaxaan khalkhal galineynaa shacabka soomaaliyeed ee dagan magaaladaas anagoo waxaan doono dileyna maamul ahaan,cidii doontaa nagu dhex dhuumaneyso,alshabaabna ka garab dagaalameyna.
hadaba waxaa magaalada gaalkacyo ka mamnuuc ah askari qori u sida maamulka galmudug waayo waxaa gacantiina iyo gacanta aslabaab ku maqan shacab iyo madax badan oo dadka puntland ee soomaaliyeed ah.
waxaa nabadi imaan marka ciidamada galmudug ee soo weeraraya magaalada gaalkacyo marka laga qaado duleedka magaalada gaalkacyo lalana aado magaalooyinka aslahabaab ka haysato maamulka galmudug una baahan in laga xoreeyo.shacabka iyo dowlada puntland waxay shuruud la aan ku garab istaagayaan maamulka iyo shacabka galmudug ee soomaaliyeed hadii ay u dhaqaqaaan xoreynta dhulka soomaaliyeed ee hoos taga maamulka galmudug waana mid muqadis ah xoreyntiisu,
waxaan mar labaad leenahay maamulka galmudug kaha daayo weerarka iyo dagaalada macna darada ah magaalada gaalkacyo iyo shacabkeedaba.
maamulka soomaaliland waxaan leenahay puntland iyo ummadda soomaaliyeed ee raadineysa wanaaga iyo nabbada aanu weyney ma aha wax ay u dulqaadanayaan,dagaalada aad afka kaga dhaawaaqeysana ma aha kuwo ummadda soomaaliyeed dani ugu jirto.ee joojiya BALLO U WACASHADA.shacabka soomaaliyeed ee aad hada mas uulka ka tihiina la raadiya lana soo raadiya ummadda soomaalioyeed inteeda kale.taasaa wanaagu ku jiraaye.kana dul qaada ciidamadiina shacabka sool sanaag iyo cayn si ay si xor ah ugu noolaadaan.dalka soomaaliya waxaa qori caaradiis xoogoodu ku harey waa inta soomaalidiidka ah sida alshabaab,galmudug oo alshabaab waashey,soomaaliland oo soomaalidiidnimo waashey,waana waxa dadkeena dib u dhgey ragaadsheyna.
puntland ta maanta jirtaa waa ukunkii ummadda soomaaliyeed kamana yeelayno in saxar la gaarsiiso,waayo hadii puntland wax loo dhimo waxaa wax loo dhimey jiritaanka soomaaliyada aanu rabno raadineyno.puntland waa ileyskii ummadda soomaaliyeed hiigsanayeen waana hooyadiii soomaaliya,cidkasta oo puntland ka soo hor jeedsataa waxay ka soo horjeedsatey soomaalinimada.iyo soomaaliya oo wanaagsan.waana muqadis in cagta la mariyo si loo bad baadiyo jiritaanka soomaaliya.



-1:16