Friday, April 15, 2016

SHACABKA PUNTLAND WAXAN UGU BAAQEYNAA INDHO U YEELASHO CADOWGA MUUQDA-MIDKA AAN MUUQAN & MIDEYSNAAN.

waxaa marar badan qaybaha kala duwan ee shacabka puntland ka soo yeerayey dhawaaqyo ku saleysan wax tabasho,
sida aanu la socono ama wadda ogsoonahayna waxaa hada lagu jiraa wakhti ay dowlada federalka soomaaliya tahay mid guda gashey xiligii kala guurka ama wakhtigeedii uu  dhamaadey dhanka kale waxaa noo soo mindiyo lisanaya alshabaab sidaas darteed waxay mudan  tahay waxkasta oo aan dhexdeena kala tabaneyno inaan ka hor marino mideysnaan,isu dulqaadasho,iyo waliba in aan laysaga hor keenin shacabka puntland aragtiyo kala duwana laguna argagax galinayo  waayo waxaa indhahayagu dhug u yeelanayaan oo kaliya waa dhexdeena halkii arimo kala oo ka waaweyni dusha nooga hagoogan yihiin  kuwaasoo u baahan mideysnaan feejignaan isku duubni iyo inaan dib wax hadhoow wax u gocono lasysuna miis fariisto.
ma lihin waxkastaa ay tabanayaan  qayb kamida shacabka puntland laakiin waxaay ku haboon tahay wakhtigeeda iyo xisaabtan loo dhan yahay.
xisbiga shacabka puntland waa mid ilaaliya danaha  shacabka puntland matalana shacabka puntland sidaas darteed aragti ahaan waxaan qabnaa in aan nalaka faa^iideysan dhankasta waayo CADOWGA PUNTLAND WAA MID MUUQDA IYO MID QARSOON.
dowlada hada xukunka haysa ee puntland waxaan ugu baaqeynaa iney dhago u yeelato eedeymaha ka dhanka ah kana soo yeeraya shacabka puntland qaarkiis miisna la fariisato dhageysatana waxna ka qabato.halkaan maanta waxay puntland kusoo gaartey shacab iyo dowlada mideysan.


Puntland Peoples Party.
Garowe.



Thursday, April 7, 2016

JUST SAY NO TO ALSHABAAB.




JUST  SAY  NO  TO  ALSHABAAB.
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa  ninaan kuu fureyn yuusan kuu rarin,hadaba alshabaab yaaysan naftaada iyo noloshaadaba ku seejin soona afjarin waayo soomaalidu maanta waxay isku raaceen nabad nolol iyo horumar intaba kama heleysid alshabaab,
adduunku wuxuu ka soo kabtey dagaalkii labaad hadana wuxuu u suxulo duubayaa inuusan dhicin mid saddexaad sidaas  alshabaab waxay hor taagan tahay nabada dadka soomaaliyeed waxayna  lid ku noqotey  horumarka ummadda soomaaliyeed dhankasta.
soomaaliya waxay kasoo kabaneysaa dagaalkii sokeeye ee dadkeenu ku dhamaadey alshabaabse waxay qaadatey qori dab leh waxayna ilaa hada la dhex wareegeysa shacabka soomaaliyeed waxayna hada mudo dheer ka dib fara taag kusoo bilowdey puntland sidaas darteed shacabka puntland wuxuu siiyey cashar aysan alshabaab hore ugala kulmin soomaaliweyn,
shacabka puntland waa ku muqadis iney wax ka tir tiraan alshabaab markastana tusaale u noqdaan shacabka soomaaliyeed ee rajada ka dhigey iney iska ciliyaan alshabaab kana xoreeyaan deeganada ay gacanta kaga dhigeen.
alshabaab dan uma aha soomaaliya
waayo
waxay badey dhulkeenii in ciidamo shisheeye la keeno,
waxay laysay shacabkii soomaaliyeed
waxay diideen  nabadii dadka soomaaliyeed  nafta ku dabiibtey,
waxay argagax iyo xasuuq ku saladeen maatadii soomaaliyeed,
waxay lid ku noqdeen jiritaankii ummadda soomaaliyeed,
alshabaab waxaa ka farxi waayey kana  seexan waayey caruurtii iyo waayeelkii soomaaliyeed,
waxay alshabaab ku kalifeen dadkeenii soomaaliyeed ee halka diin haystey iney magacyo u kala yeel yeelaan kalana yeeshaan.
alshabaab waxay lid ku tahay calanka iyo magaca soomaaliya dagaalna kula jirtaa.
ma aha wax halkan lagu soo koobi karo dhibta alshaabab waxaana ugu danbeysey waxyeeladooda qarax loola tagey shacab soomaaliyeed laguna daadiyey dhiigooda iyagoo waxba galabsan joogana ciidoodii hooyo iyo ilmo yar yar oo hooyooyinkood laga soo xadey laguna soo daadiyey puntland wixii meeshaas ka dhaceyna ay taariikhda soomaaliyeed hikaat ku qortey.
hadaba qalbiga ku qoro
MAYA  ALSHABAAB  MAYA  ALSHABAAB
JUST SAY NO ALSHABAAB NO ALSHABAAB.

xisbiga shacabka puntland.





Gaalkacyo: Maamulka Gobolka Mudug iyo shacabka koonfurta somaliya oo his...









hadaba dhankey ka baxdaa waa bakeyle qaleen,

shacabka soomaaliyeed ee kasoo qaxay koonfur galbeed ama koonfurta soomaaliya una soo qaxayn puntland waxaan ku wargelineynaa iney ilaaliyaan nabada la lashaqeeyaan laamaha amaanka hadana ay yihiin dad puntlander ah.

sidaas darteed idinka ayaa yaqaana ama tuhmi kara qofka asal ahaan ka soo jeeda koonfur galbeed soomaaliya ama koonfur soomaaliya ee fidnada wadda doonayana inuu idinka daba keeno masiibadii aad ka soo cararteen marka waxaa la idinka rabaa si buuxda oo daacadnimo ku jirto inaad wax ka ilaashataan nabada,waa noloshiiniiye.

fartana aad ku fiiqdaan wixii tuhun xataa ku saleysan,shacabka puntland waa mid idinkuna waad ka mid tihiin.




HA LA DAAYO SHACABKA SOOMAALIYEED YAAN MASIIBO LABAAD IDINKU DHICINE.










ummadda soomaaliyeed waxay  xaq u leedahay inay  kaga noolaadaan  dalkooda dhaykay  naf bidaan  kuna amaan helayaan
,sida la ogsoon yahay ma jiro maamul ka jira soomaaliya oo qabiil kaliya loogu tala galey,maamulkasta waa inuu ilaaliyaa amaanka iyo soomaalinimada shacabka ku hoos nool.

dadka soomaaliyeed ee u bara kaca soomaaliya qaybkale waxaana muhiima in ay wax ka ilaashadaan nabad galyada waa midey soo raadsadeene.iskana ilaaliyaan in magacaooda la isticmaalo laguna soo dhex dhuunto.

Wednesday, April 6, 2016

SOOMAALI   KASTAA  MEESHUU CAGAHIISA  KAGA  HAYO  SOOMAALIYA WAA  DHULKIISII  HOOYO.
marka ugu hureysa waxaan  macuul aheyn in soomaali soomaali kale ka cayriyo meeshuu markaas naf bidey dhulkiisa hooyo ee waasaca ah,waxaan aad uga soo horjeednaa  cambaareyneynaana dadka soomaaliyeed ee hadba afka la soo marinayo sidii aysan soomaali aheynba ama aysan waxba ka laheyn gobolada ay markaas usoo carareen ayna ku noqdeen muwaadin soomaaliyeed dhulkiisiina qariib ku ah,
shallay waxaa horjoogayaasha shacabka soomaaliland  ku qaylinayeen waa in lasaaro dadka soomaaliyeed ee kasoo keeda koonfurta soomaaliya hadaba ma isweydiiyeen ileen taariikhi waa ma guurteee markuu socdey dagaalkii dowladii gobolada waqooyi soomaaliya 1996-1999 in shacabkii soomaaliyeed ee magaalo madaxdii labaad ee soomaaliya intii awoodey   iney usoo carareen mogadishu ayna noqotey xajkii soomaali oo kale ummaddii soomaaliyeedna iskuba aragtey ilaa ay qaraxdey intuu cadow har ah kana qarsoon indha soomaalida uu isku fidneeyey dadkeenii dagaal sokeeyena ku qariyey arimihiisii uu soomaaliya ka lahaa,
hadaba horjoogayaasha shacabka soomaliland waa maqan tahay taariikhdaasi,dadaalkooduna waa sii kala geyn soomaali.iyo dano shisheeye kiish ku siyayaal.
waxaase kasii yaab badan markii odey ku shaabadeysan  magaca XAAD  horjoogana u ah horkacayana odeyaal  dhaqameed magac qabiil huwan uu afkiisa kaga dhawaaqey anagaa leh XAMAR ileen ruuxba caqligiisuu hadlaaye,
waxaase kasii yaab badan in wakhtigan xaadirka ah wax garadkii qaarkood caqli la aanba kusoo dhacaan,ayna bilaabaan waa in lasaaraa soomaalida reerkoonfurka ah,
hadaba aan wax yar kuu caqli celiyo koow dheh,
marka ugu horeysa shacabka  puntland waxaa laga doonayaa iney ALLAH mahadiyaan waayo waa shacab mideysan alshabaabna neceb.

= shacabka ay isku riixriixayaan waa dad  ciidoodii jooga hadii wadan dhibaato ku timaado dadkiisa waxay dadku hadba u dulun dulceeyaan meshii nafta lagu yara bad baadin karo,
waana mida keentey in soomaalidii degeneyd gobolada koonfureed usoo qaxaan sidii shalayba loogu qaxay,
= gobolada koonfureed waa meelihii dagaalkii soomaaliyeed ugu dhibta badnaa ilaa hadana waa ka hurayaa,
= waxaa gobolada koonfureed gacanta kuwada dhigey alshabaab waxaana ka socda xasuuq dhankastaba ah waayeel iyo caruurba alshabaab u geeysaneyso,dhalinyarada  khasab ku qoreyso ciidan waxaana markhaati u ah ilamaha yar yar ee dagaalka loogu keeney puntland,
= maamul weli caga dhigtey kama jiro gobbolo badan oo dalkeena ah sida maamulka koonfur galbeed soomaaliya,waana dadka hada ugu badan ee ay dhibtu ku dhacayso xagana ay alshabaab khasabka lala dhigayo qofkii diidana la dilayo kii usoo cararana gobolada kale laga cayrinayo,laguna shaabadeynayo alshabaabkii ay kasoo carareen alshabaabna ay kasoo daba direyso kuwo kale oo daacad u noqdey si ay dhibaato uga rido dagaal iyo dhiigna ugu daadiso meelahaas yara dagan ama ay u jajabiso maamulada hada dhisan.   = hadaba shaqsi kastaa oo soomaaliyeed naftana kula cararey maamul shaqeynaya wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuu helo kaarka aqoonsiga maamulkaas asagoo weli soomaali ah ileen maamulkasta oo dalka ka jira sharcigiisu kuma qorna waxaa samaystey maamulkaas qabiilkaas ama dadkaas.hadaba cayris laga cayriyo muwaadin soomaaliyeed qayb soomaaliya ka mid ah waa  mamnuuc iyo jabinta soomaalinimo.
= maantana waa puntland hadaba mid ayaa isweydiin leh,dadka soomaaliyeed waxay joogaan adduunka daafihiisa waana la dajiyey weliba lasiiyey sharciyo iyo nolol bal si loo bad baadiyo dadkaas soomaaliyeed soomaalidiina dhexdoodii ay wadda noolaan waayeen,bal yara eegoo waxaa caalamka soomaalidu u qaxdey fara kulul ku haya argagixsio xagjir diin ah sidaas darteed dadka nafka kula soo cararey dalalkaas laguma daro kuwa isku soo dhex daraya ee raba ama raadinaya iney falalka aragigixsada  iney fuliyaan,waxaase yaaba soomaali soomaali kale ciidiisii ka cayrinaya,waana mid murugo leh,
bal adba isweydiiyoo yaa awoodaas ku  siiyey waa yaab,
= hadaba dowlada puntland iyo shacabkaba waxaan ugu baaqeynaa ineysan dulmin orana anaga ayaa soomaali ah jaantaan ama qaybtaan soomaaliyeedna iska leh dadka soomaaliyeed ee gobolada kale kasoo qaxeyna xaq malaha.
waxaan uga digeynaa wax garadka aqoonyahanada,dhalinyarada,dumarka iney  ku kacaan falal ka dhan ah soomaalinimada.
= dowlada puntland waxan kula talineynaa xisbi ahaan iney shacabakaas soomaaliyeed kuna hoos nool dowlada puntland kana yimid gobolada koonfureed ee dalkeena iney siiyaan kaarar aqoonsi waayo waa soomaali hoos joogta dowlad dhisan waana soomaali joogta ciidoodii.
= laamaha ammaanka ee puntland waxaan kula talineynaa in shacabkaas soomaaliyeed wadda eedeyn laguna xad gudbin dhibtii dhacdana lagu xukumo shaqsigii geystey,
= waxaan kaloo kula talineynaa laamaha amaanka in shacabkaas la diiwaan galiyo lana hoos keeno beelo dhaqameedkooda laga lana xukuntamo odayaasha midkastaa hoos tago wixii dhib ah ee ka yimaada,
= waxaa laga doonayaa shacabka soomaaliyeed ee kusoo qaxay dowlada puntland kuna dhex nool shacabkaas walaalahooda in ay nabada ilaaliyaan la shaqeeyaan laamaha amniga,aysan qarsan kuwii ay ku tuhmaan inuu alshabaab yahay ama ay ku tuhunsan yihiin inuu lug ku layahayba,
= si ay u yaraadaan falalka argagixisada ee ka imaanaya alshabaab waa in muwaaadin kastaa ee soomaaliyeed kana yimid gobolada koonfureed ee dalkeena joogana puntland waa in uu iska diiwaan galiyaa odey dhaqameedyadooda.
muhiimadu waxay tahay shacabkaas kasoo qaxay dhul soomaaliyeed una soo qaxey dhul soomaaliyeed  iney helaan nabad galyo iyo nolol.
sidaas darteed waxaa idin soo raacaya kwuo idnla imd ah una shaqynaya alshabaab halka aad idinku ka soo cararteen alshabaab nololna doorateen sidaas darteed waa muqadis inaad wax ka ilaashataan nabadii aad soo raadsateen lana shaqeysaan ciidanamada amniga fartana ku fiiqdaan kuwii nilaka soo daba direy si ay wax u yeealaan kuwii aad natfa kula soo cararteen,waa muhiim inaad puntland wax ka ilaashataan.waayo waa noloshiinii.waana dhulkiinii.
= waxaan shacabka puntland ugu baaqayaa iney arimahan ku saabsan shacabkaas soomaaliyeed ee dhankooda us oo qaxay uga haraan arimahooda dowlada ee aysan marooqsan amarka kulana kicin muwaadin soomaaliyeed fal xun aysana  dhumin  boobka sharci aysan u xilsaarney,
= guud ahaan shacabka puntland waxaa alshabaab mar isku dayney kuna soo fara taagtey puntland laakiin waxaa weli harsan waa dhaqan xumadii lagu yaqaaney alshabaab ee ahaa maata laynta iyo abuurista baqdinta shacabka dhexdiisa ah sidaas darteed waa muqadis in aan loo baqan ileen nimaad u baqatey ku dilyee kaana adkaayee.waase in al ahaado JIR WAAYEEL WAA WADDA INDHO.lanana shaqeeyo laamaha amaanka la midaysnaadana wadana ilashana nabada waayo waa nolosheenii iyo jiritaankeenii.
hadaba si aadan isaga indho tirin dhibka soomaali soo wadda gaarey iyo meesha aan hadda mareyno bal yara jeedaali masawiradan hoose.iyo waliba dagaalka sokeeye ee dalkeena intuu waji sii marayo











Nabadoon Yaasiin Cabdisamad “Dadka reer koonfur 15 maalmood ha ugu baxaan Puntland inta aan la waxyeelin”

Nabaddoonka ayaa sheegay in dadka madax jabiska ka waday Puntland iyo kooxihii Al-Shabaab ee ku duulay in ay kasoo wada jeedaan koonfurta Somalia, taasina uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin.

XISBIGA SHACABKA PUNTLAND.