Wednesday, August 31, 2016
Tuesday, August 30, 2016
BAAFIN DANBIILEYAAL - WANTED .
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo qabqabtaan dhagar qabayaasha kooxda alshabaab ee geystey falkii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka.
Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku burburtay hanti tiro badan.
Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada dhagar qabayaasha Al-shabaab ee falkaasi waxashnimo ee ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.
- Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”
Da’diisa: 40-45 sanno jir.
Ku dhashay Gaalkacyo.
Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.
Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
- Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”
Da’diisa: 45 sanno jir.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.
Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug.
- Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf
Ku dhashay: Gobolka Mudug.
Beeshiisa: Dir/ Qubeys.
- Cabdishakuur Mire.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.
- Muxiyadiin Dakharre.
Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.
Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.
Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca dhagar qabihii isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaadhigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, Faahfaahintiisana hoos ka akhriso.
Cabdullaahi Fanax
Da’diisa: 22 Sanno Jir.
Ku dhashay Ceel-waaq
Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.
Sunday, August 28, 2016
Saturday, August 27, 2016
SUGIDA NABBADGALYADA MAGAALADA GAALKACYO EE PUNTLAND GORGORTAN MA LAHA.
waxaa shaki badan laga qabey wadda shaqeynta ALSHABAAB IYO SOOMAALILAND IYO GALMUDUG uu noqdey mid cad jirana ama waxaan oran karnaa cadowga ummadda soomaaliyeed ee rabba kala goo go'a dalkeena wuxuu isticmaalaa soomaaliand.soomaaliland na waxay isticmaashaa alshabaab si soomaaliya dib ugu dhacdo ayaduna u gaarto gooni u istaag waana mid niyada kaga qufulane,alshabaabna waxay isticmaashaa galmudug oo waliba kasoo dhex dagaalantaa, waana mid ay qabanayaan indhaha wax garadka oo kaliya.
runtuse waxay tahay alshabaab waxay isku daydaa iney ka dhex shaqeyso maamulada dalkeena ka jira.isticmaashana hadba kii ay ku rati kacsan karto.SOOMAALILAND WAXAA DANAHEEDA FULIYA ALSHABAAB.GALMUDUGNA waxaa meesha dhigey lana itaal daran tahay waa alshabaab,
galmudug waa maamul jecel soomaalinimada runtii.waxaanse shacabka galmudug leenahay meel uga wadda soo jeesta alshabaab,ma doonayaan inaad noqotaan dad soomaaliyeed oo israacsan lehna maamul sugan kana mid ah dowlada ummadda soomaaliyeed iska leeyihiin guud ahaaan ee dowlada federalka soomaaliya.galmudug uma qalanto iney ka soo dhex dagaalamaan dad soomaalidiid ah,waayo shacabka galmudug waa shacab ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ay ka go'an tahay soomaalinimadu.shacabka galmudug ma oofin karaan danaha alshabaab waayo waxay arintaasi lid ku noqon jiritaankooda maamul ahaaneed.
maalmahan soomaaliland waxay daandaansi iyo gardarro ka wadda gobolada sool sanaag iyo cayn keenteyna ciidamo la oradaya santuukhyo ay dooneyso iney niyada ku dhisato iyo dal ayaan nahay,
falkaas GARDARRO EE SOOMALILAND ka dib ayaa waxaa alshabaab soo magleegtey fal aragagixisonimo kana gaysatey qarax magaalada galkacyo kuna laysey dad badan,
waxaa arintii looga soo horjeedey kuna saleysneyd waxyeelada iyo isugu tagga puntland la wareegey hadda GALMUDUG oo aan hore ugu sheegey iney noqotey WADDADA HALAQMAREEN EE LASHABAAB,
saakana GALMUDUG ayaa wadda qas NABBAD GALYO DIIDNIMO AH,
GALMUDUG kama taliso gaalkacyo kamana tali karto waayo XAAFAD BARKEED LOOMA AFDUUBI KARO jiritaanka magaalo dhan tasoo hoos tagta maamul ay sameysteen kana mid ah dowlada federaalka soomaaliya.
GALMUDUG waa maamul soomaaliyeed waxaanse ugu baaqeynaa ineysan ka qayb qaadan weerarada lagu dibin daabyaynayo puntland,waxna ka qabato la dagaalanka argagixisonimada sugtana amaanka maamulka galmudug waa mid soomaali oo dhan dani ugu jirtee.
soomaalidu waxay tiraahdaa maxaa qowda iyo qaylada kulan siiyey,waxaa kulansiiyey waxaa jira dagaal qarsoon iyo mid cad kasoo lagu soo wajahay PUNTLAND,
puntland dadkeedu waa dad nabbada jecel soomaalinimaduna ku weyn tahay,
sidaas darteed waxaan mar labaad ku celineynaa in maanta puntland cagta saartey dagaal qaab xun kasoo laysugu dhiib dhiibayo sidii ORADKII QORI SIU DHIIBKA,
- waxaa marna macquul noqoneynin in PUNTLAND loola yimaado arimo gardarro ah,ka kala yimaadana soomaaliland -alshabaab - galmudug.waayo waxay axq iyo xaquuq u leedahjay iney isdifaacdo.
- puntland lagulama gorgortami karo magaalada galkaacyo ka talinteeda gacan ku haynteeda iyo sugida amaankeedaba, waayo gaalkacyo waa magaalo ka tirsan dowlada puntland ee soomaaliyeed.
- marnaba magaalada gaalkacyo ma noqon karto mid hoy u ah labo ciidan ayna fariisimo kala duwan ku kala
leeyihiin,waayo markabkii yeeshaa labo naakhuudo waa dagaa.
- waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa iney ilaashadaan nabbada waa shey qaliyee,shacabka soomaaliyeedna nabbad kuwada noolaadaan,dantaa ku jirtee,hal ilna kuwada eegaan nabbad diidka noocuu yahayba.
- waxaan maamulka galmudug leenahay shacabka galmudug ee soomaaliyeed degana magaalada galkacyo waxaa masuuliyada amaankoodu saaran yahay dowlada puntland.ee suga amaanka dhulka baaxada leh ee soomaaliyeed hoosna taga maamulka galmudug,joojiyana xiniftanka magaalada gaalkacyo.
Friday, August 26, 2016
Sunday, August 21, 2016
CAMBAAREYN QARAXA GAALKACYO EE ALSHABAAB & DHULBALAARSIGA SOOMAALILAND EE SOOL-SANAAG IYO CAYN.
waxaan kaloo halkan tacsi uga direynaa eheladii dadkii ku dhintey ama ku dhaawacmey QARAXII WAXUUSHNIMADA AHAA EE MAGALADA GALKACYO PUNTLAND SOOMAALIYA.
waxaa shacabka puntland ee soomaaliyeed maanta u cad in cadowgii HARKA ahaa mar labaad faraha la soo galey puntland,shallay waxay aheyd 4.5 diidney iyo alshabaab ayaa xeebta isku soo daydey waana siiney casharkeedii ay alshabaab dalbatey,,
waxaan ogeyn in alshabaab iyo in kaloo badan kana xun jiriritaanka puntland ee soomaaliya aysan joojin FALAL FULAYEEDKA ay doonayaan iney wax ku yeelaaan shacabka puntland soomaaliya,
waxkasta waxaa ka weyn soomaalinimada mana aqbaleyno in qarax lagu dilo iyo si kalaba
shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed iyo waliba kan ummaddaha kalaba.
maanta waxa magaalada gaalkacyo ka dhacay waa mid ka mid falalka ay ku caan baceen dadka loo isticmaalayo ummadda soomaaliyeed iyo dunidan daafaheedaba,waana wax aan hareyn ilaa lakala baxo lana kala adkaado waana iska cadahay cida adkaaneysa waana kuwa nolosha doonaya iyo soomaalinimada kuwa adkaanaya,waxayna ku cadahay tusaalena inoogu filan hooyada soomaaliyeed ee puntlanderka ah saakana keensatey bocsharada suuqa gaalkacyo si ay u quudiso ilmaheeda yar yar ugana bixiso waxbarasho,rafaadiyey dagaalkii sokeeye ee dalkeena wax la'aantuna ku hagoogatey ninkii diley waa in lala JIHAADO laguna dilo meeshii lagu helo ciida soomaaliyeed,waayo waa NOLOL DIID.waana sababta looga guuleysanayo.
ninka ardeyda ama madaxdii berito u quurey dilka waa in meel looga wada soo jeesto lalana wadda jihaado,
shacabka puntland waa mid waana isku tashtey runtii,waxaa la doonayaa inaan FEEJIGNAANO kordhinana la shaqeynta,
SIRDOONKA PUNTLAND ,
CIIDAMA DIFAACA PUNTLAND,
BOOLIISKA PUNTALND
si markasta looga hor tago FIDNADA ARGAGIXISADA ee GAADMADA KU SALEYSAN,waxna lagu yeelayo shacabka.maadama ay qabaan dhar shacab kuna dhex dhuumaaleysanayaan shacabka dhexdiisa.dhibtiina ay gaareyso shacabka,shacabku waa INDHIHII BADBAADADA NAFTOODA IYO DALKOODA marka waa muqadis in shacabka puntland iyo kan soomaaliyeed guud ahaanba wax ka galaan jihaadka socda kuna soo arurey WAA MUQADIS INAAN NOOLAANO.
xisbiga shacabka puntland wuxuu shacabka puntland xusuusinayaa in marka wax shaqaaqo ahi dhacaan in wali ay dhiman tahay FULEYNIMO DIRIRKII NOLOL DIIDKA sidaas darteed aysan ku yaacin kuna soo ururin meeshii wax ka dhacaan ayna u daayaan hawsha iyo wax qabadkaba CIIDAMADA DIFAACA PUNTLAND IYO HAY'ADAHA CAAFIMAADKA maadama canaasiirta shacabka laynayeysaa MADAXA KAGA QUFULAN TAHAY SII LAAYA IN BADAN.
hadii aan usoo noqono soomaaliland waxaan aad uga xunahay in CAYRSIGA RIYOBEENAADKA WIRWIRKA OO KALE AH KUNA SALEYSAN GO'ITAANKA aadna kula rafaneysaan gobolada puntland SOOL SANAAG IYO CAYN,maanta waxaad garteen in raadkiina nalookugu soo gabado mana aha wax aanu u dulqaadaneyno santuukhyo LAGULA SOO YAACO DHULKA PUNTLAND SOOMAALIYA idinkoo ku celcelinaya waan go eynaa waana mid meesha ka saareysa daris wanaagii soomaalinimadii,jeexaysana wado aad u qalafsan iyo OODO LAYSLA JIIRO.
waxaa XISBIGA SHACABKA PUNTLAND asagoo ku hadlaya codka shacabka puntland cabaareynayaa fartana ku fiiqayaa DHUL BALAARSIGA KU SALAYSAN SOOMAALIDIIDNIMADA EE AY SOOMAALILAND LA SOO INDHO CADAHAY. KULA RAFANEYSO DHULKA PUNTLAND IYO SHACABKEEDA.
WAX ALLA IYO WIXII KA YIMAADANA AY AYADU LEEDAHAY MASUULIYADEEDA,
WAXAAN HALKAN KU GARAB TAAGANAHAY DOWLADA HADDA XUKUNKA HAYSA EE PUNTLAND MOWQIFKEEDA SOOMAALILAND SI CAD.
SOOMAALILAND WAXAAN U CADEYNEYNAA UNA SHEEGEYNAA INEYSAN ISKU DAYIN INEY KEENAAN DAASAHADA WARQADAHA BEENTA AH LA RABO IN LAGU GURO.
waxaan halkan ka cadeyneynaa in soomaaliland danaheeda ay alshabaab fuliso cadeyna u tahay hadii madax soomaaliland oo ordeysaa aysan imaan laheyn laas caanood magaalada galkacyo lama qarxiyeen.hadase socdaal dhul boob iyo qarax waa silsilad wadda socota.
waxaan shacabka puntland ku bogaadineynaa ISKU DUUBNI iyo la shaqaynta dowlada xukunka hada haysa ee puntland.
shalay waxaan soomaali oo dhan u cadeyneyney in magaca alshabaab uusan aheyn mid lagu bajin karo shacabka soomaaliyeed puntlandna ay diyaar u tahay wax ka qabadkooda
iyo soo afjaristoodaba si ay ummadda sopomaaliyeed uga noolaato,
adduunkuna wuxuu markhaati ka noqdey geesinimada ciidanka puntland iyo midnimada shacabka puntland ee gadaashooda taagan.
maanta waxa nagu furani waa labo furimood sidaa darteed DHANKEEY KA BAXDAA WAA BAKEYLE QALEEN.runtiina xataa toban furimood waan isaga filanahay.HA NOOLAADEEN SOOMAALIDA NOLOL DOONKA AH HANA DHACEEN INTA NOLOL DIIDKA AHI.
Subscribe to:
Posts (Atom)
















