Sunday, October 30, 2016
Carabkii caaraan cunista yaqaan caqligiisuna waa caytamaa.
shacabka puntland waxaa dad dano gaara iyo dhul balaarsi qabiil hagoogtey kusoo fiiqaan farta lana soo aadaan dagaal macno darro ah,marka WAR YURA EE HOO XABBADA la yiraahdana waxay ummadda soomaaliyeed la soo hor fariistaan dadka soomaaliyeed ee puntland waa dad qab weyn kibir badan, madaxdooduna waa waalan yihiin,waana naga gardaran yihiin,QACLIYOOW KUGU LIIBAAN NIN KAA FAA IIDEYSTEY.
bini adaamku markii ay arkaan dad kale oo maskxdooda ka faa iideysanaya kana dheereynaya ayaga raacayana jid dadka intiisa kale maskaxdoodu arki weydey laguna gaari karo horumar wax qabsi, wax maskaxdoodu keeni karina miis soo saareysa ayay waxay qiil ka dhigtaan ereyga waali,waxaanse qireynaa doqonimadu waa qofka bini aadamka ah oo ka faa iideysan waaya maskaxdiisa iyo caqligiisa.dadkana ka noqda HABQAN.
ummaddi waa qab weyn tahay hadii ay danahooda taqaan iyo habkii ay u noolaan lahaayeen,kuna taagan yihiin hiigsi fog.waxaa maanta mideysan shacabka puntland iyo dowladooda.aflagaadada lagu soo tuur tuurayo madaxda puntland waa mid aan u dhihi karno iska hadloow ina igar.waayo wixii nool ayaa laga hadlaa,
puntland waa jirtey,waa jirtaa waana jiri doontaa.jiritaanka puntland wuxuu dhibayaa cidii cadow ah ee sameysan kari waydey ayadoo kale.walibana aan ogoleyn in lala sameeyo puntland oo kale, lana caawiyo, si dalkeenu u wadda dhismo una yeesho nabbad waarta kuna saleysan barwaaqo baahsan.
bini adaamku markii ay arkaan dad kale oo maskxdooda ka faa iideysanaya kana dheereynaya ayaga raacayana jid dadka intiisa kale maskaxdoodu arki weydey laguna gaari karo horumar wax qabsi, wax maskaxdoodu keeni karina miis soo saareysa ayay waxay qiil ka dhigtaan ereyga waali,waxaanse qireynaa doqonimadu waa qofka bini aadamka ah oo ka faa iideysan waaya maskaxdiisa iyo caqligiisa.dadkana ka noqda HABQAN.
ummaddi waa qab weyn tahay hadii ay danahooda taqaan iyo habkii ay u noolaan lahaayeen,kuna taagan yihiin hiigsi fog.waxaa maanta mideysan shacabka puntland iyo dowladooda.aflagaadada lagu soo tuur tuurayo madaxda puntland waa mid aan u dhihi karno iska hadloow ina igar.waayo wixii nool ayaa laga hadlaa,
puntland waa jirtey,waa jirtaa waana jiri doontaa.jiritaanka puntland wuxuu dhibayaa cidii cadow ah ee sameysan kari waydey ayadoo kale.walibana aan ogoleyn in lala sameeyo puntland oo kale, lana caawiyo, si dalkeenu u wadda dhismo una yeesho nabbad waarta kuna saleysan barwaaqo baahsan.
Friday, October 28, 2016
HAMBALYO - shacabka magaalada gaalkacyo ee diidey in laga soo dhex dagaalamo kana hortagey dagaalka ay wado galmudug.
waxaan halkan hambalyo uga direynaa shacabka magaalada gaalkacyo ee diidey in laga soo dhex dagaalamo,naftoodana u hurey raadinta nabbada iyo jiritaankooda.magaalada gaalkacyo shacabka dagani waa shacab walaalo ah isku mid ah jecelna nabbad dadkeena soomaaliyeed wadda raadinayaan,
magaalada gaalkacyo waxaa ayadoo dowlada puntland cawineyso waxna ka dhiseyso maamulka galmudug kusoo dhaweysey magaalada gaalkacyo laakiin ninna kuuguma hanbeeyo sidaad ugu listey waxaana dhacdey markii xarun magaalo madax uu helay maamulka galmudug inuuba sheegto magaaladii lagu soo dhaweeyay,dhiig joogto ahna ku daadiyo.ilaa shacabkii magaalada gaalkacyo halheys ay kaba noqotey marka yaa diley la yiraahdo,* yaa kale GALMUDUG - ALSHABAAB.*
waxaana markhaati kuu ah in dowlada puntland kusoo dhaweeysey galmudug puntland waxay jirtaa 18 sanno waxayna xataa sameysey salkana u dhigtey dowlada federaalka soomaaliya halka galmudug ka jirto mudo aad u yar sannado ah,waana curdan galmudug.
waxaa dhacdey in maamulka galmudug laalo nabbadii magaalada gaalkacyo xataa hadii lasykaba daayeey loona daayey magaalada gaalkacyo,waxaa kaloo dhacdey maamulka galmudug inuu kasoo feer dagaalamo alshabaab una ogalaato in dhulka ay sheegato mamulka galmudug alshabaab gabaad ka dhigato puntland na laga soo weeraro,waxaa kaloo dhacdey in har iyo habeen maamulka galmudug hubkooda lagu daadiyo dhiiga shacabka iyo madaxda puntland waxna aysan ka qaban ilaa ugu danbeyntii maamulka galmudug soo weerarto magaalada gaalkacyo in ka badan 17 mar hadana socdo dagaalkii ugu danbeeyay oo ay soo abaabulaan.
shacabka magalada gaalkacyo waa dad walaalo ah waa dad soomaaliyeed,waana dhulkoodii waxaase magaalada gaalkacyo mamnuuc xaaraan ka ah waa maamulka galmudug iyo wax qori u sida ama cid difaaceysaba maadama ay gacmaha ku leeyihiin dhiigiii shacabka soomaaliyeed siiba kuwa magaalada gaalkacyo puntland,sida alshabaab.
dil maalinkasta iyo habeenkasta ah ee magaalada gaalkacyo qaraxyo, baqdin shacab waxaa ka sahlan maamulka galmudug oo sidaas uga maqnaada magaalada gaalkacyo,
si toos ayay alshabaab iyo maamulka galmudug u soo weeraraan magaalada gaalkacyo,alshabaab oo shaati diimeed u galineysa daadinta dhiiga ummadda soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo iyo maamulka galmudug oo shaati qabiil u galineysa kuna maldahaysa dhulbalaarsi qabiileed gaamurey.
dhamaan shacabka magalada gaalkacyo waxaa nabbdooda hoos tagtaa ILLAHEY ka sokoow booliiska magaalada gaalkacyo ee dowlada puntland ciidamada difaaca puntland,hay ada nabbad sugida puntland guddiga ammaanka magaalada gaalkacyo sidaas darteed meel ugama banaana maamul alshabaab walaal la ah.
OGEYSIIS - KU MAAMULKA GALMUDUG.
OGEYSIIS.
KU MAAMULKA GALMUDUG.
waxaan la socod siineynaa in wixi ciidan haraadi ah ee ka jooga magaalada gaalkacyo iyo nawaaxigeeda matalana maamulka galmudug ka baxaan iskana xaadiriyaan xuduuda loo astaameyey maamlka galmudug.ee ku xusan dastuurka DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA,SI LOO ILAALIYO NABBADDA UMMADDA SOOMAALIYEED,loogana fogaado wixii iska hor imaad ciidan iyo isku ciidanba.
shacabka hoostaga maamulka galmudug ee ku nool magaalada GAALKACYO waxba kama badaleyso arimahooda NOLOLEED. waayo shacabka soomaaliyeed waa isku mid waxaase kala duwan oo kaliya waa maamulada ilaa hada.
waa muhiim in la tix galiyo doonista nabbada gayiga soomaaliyeed laga kaaftoomo colaad.
Thursday, October 27, 2016
Sababaha ay maamulka galmudug habeenkii xaley ee tagey uga yahay magaalada Gaalkacyo.
1- waxay galmudug la safatey alshabaab,galmudug waxay duulaankeeda ka yimid isla meeshii ay alshabaab ka soo weerartey magaalada gaalkacyo.
2- galmudug waxaa dhulka soomaaliyeed ee ay maamul ahaan maamusho ka soo dhex dagaalamay alshabaab,galmudugna dhag jalaq uma siin xataa masii wargalin ciidamada difaaca puntland madaxda puntland iska baya daayee shacabka.
3- galmudug waxba kama qaban dadka soomaaliyeed ee reer galmudug xasuuqana ka geysanaya goboladda koonfureed ee reer galmudug doolka u aadeen,shacab iyo dowlad reer galmudug waa isku raaceen xasuuqaas la mid ah kay magaalada gaalkacyo ka geysanayeen loona dulqaadanayay.
4- galamudug waxay noqotey willkii dowlada federalka soomaaliya,waxkasta oo agab ciidan ah iyo kharash ah gacantoodana soo galay waxay ula faran duleeyaan gumaadka ummadda soomaaliyeed iyagoo ilaawaba in ummadda soomaaliyeed aqbashey jabinta sharciga ay ummadda soomaaliyeed sameysteen ee xusaya maamul sameysashada kasoo ah waxaa maamul sameysan kara labo gobol iyo intii kasii badan halka ay galmudug ka tahay gobol barkii ay alshabaab badankiisa ka haysato iyo gobol kale oo aan ba gacanta maamulkaas ku jirin ehlusuna na ay gacantaba ku hayso.
5-waxgaradkooduba iyo madaxda hogaanka u haysa maamulka galmudug waa kuwii ka qayb qaatey xasuuqii loogu geystey magaalada xamar qayb ka mida shacabka soomaaliyeed,waxayna ahayeen kuwii ku dhawaaqey saxuuqaas sida hada dad ku hadla afka galmudug ayba u leeyihiin wixii la qabto ee rEer puntland ah waa in nolol lagu gubaa,taasina waxay dib qalbiga ummadda soomaaliyeed u xusuusineysaa in beesha soomaaliyeed ee galmudug tahay beeshii kaliya ee qof soomaaliyeed musbaar madaxa kaga garaacdey tahay.
6-galmudug waa wiil alshabaab dhaley sida galmudug u tahay wiil uu dhaley dowlada federaalka soomaaliya,taasna macnaheedu waxaa weeye qaraxa iyo xabada alshabaab kuma dhacdo dadka soomaaliyeed ee galmudug.halka alshabaab qarax iyo xasuuq kula soo carareyso dadka soomaaliyeed ee puntland.iyo in badan oo kale.
7- galmudug iyo maamulkeedu waxay iska indho tireen dilalka qorsheysan ee magaalada gaalkacyo ay ka geysanayaan dadka kasoo jeeda maamulka galmudug hadana u cararaya galmudug markii la caysadana ay isku hagoogayaan maamulka galmudug.amaba ay fakinayaan.
8- shacabka puntland ee magaalada gaalkacyo wax dan ah ugama jirto nabbad la aanta ay gondaha ku wataan isagana raali yihiin dhamaan maamulka galmudug iyo shacab ba.
9-galmudug waxay ka baxdey wax kasta oo ilaalinayay nabbada shacabka soomaaliyeed iyadoo ku dhaqantey musuq maasuq qabiil gaamurey,
10-xaafada baraxley ee magaalada gaalkacyo waxay noqotey xaafad kamid ah magaalada gaalkacyo isla markaasna lama galaan ah amni darro darteed kana mid ah aakhiro oo adduunkii la keeney baqdin ay shacabka magaalada gaalkacyo iyo kan soomaaliyeed ba ka qaadeen darteed.waana mudan tahay in xaafada baraxley ee magaalada gaalkacyo lagu soo darro xaafadaha ku yaal adduunka lagana soo raro aakhiro.madama magaalada gaalkacyo qayb teed ka tirsanaan karin qoomamkii ka tagey adduunka,gaalkacyo waxaa qaybta aakhiro ugu filan qabuuraha ku yaal cirjiife.
11-maamulka galmudug xataa waan ka xunahay lagama maqal qofkasta oo magac leh ee lagu diley magaalada gaalkacyo oo puntland ahaan loo diley iyo kuwa shacabka rayidka ah ba,ayadoo kii wax dilaa u cararayo maamulka galmudug wali lagama hayo maamulka iyo shacabka galmudug ba kanaa wax diley xagana usoo cararey ee waa kan oo ha la geeyo maxkakad lagu sugo xaqii uu galey.magna bixina iskaba daa hadii waddo qabiil loo raaci lahaa.
12-galmudug waxaa kamid ah sababha ay gaalkacyo maamulkeedu xaaraan uga yahay waxay sheegatey in xuduudkeeda maamul ahaan ku eg yahay buurtinle.
13- maamulka galmudug wuxuu ku xad gudbay shacabkii soomaaliyeed ee la sameystey maamulkooda waxaana shacab soomaaliyeed lagu laayaa ayadoon loo turey magaalada caabudwaaq.waxana markhaati ka ah ayaga oo laftooda ka hadlayaafkooda baraha isgaarsiinta ee ay kula warqaataan ummadda soomaaliyeedna isugu waranto.
14-maamulka galmudug wuxuu gadaal kasoo riixaa shacabka soomaaliyeed ee galmudug ee xoolo dhaqatada ah ayagoo dhanka bari magalada gaalkacyo magaalooyinka ku yaal har iyo habeen dil ka geysanaya si shacabkaas soomaaliyeed ee puntland u barakacaan halkaasna ay ugu hirgasho hiigsiga maamulka galmudug ku riyoonayo ee ah sheegashada ilaa buurtinle qabsashadeeda iyo dhulbalaarsi qoondaysan kana xaaraan ah soomaali dhexdeedana ka kala dhigaya dalal badan.halkii wadanku yahay hal dal dadkuna yahay hal dad.
15-maamulka galmudug waxaa laga kari waayey maamul ahaan ka daaya dagaalka aad la soo aadeysaan puntland aqbalana in wax la idinkala sifeeyo alshabaab iyo in isku meelna xabada loo wada rido,si aanu uwada raadino soomaaliya oo wanaagsan nabbadana kana maran alshabaab.
16-maamulka galmudug madaxdiisa iyo wax garadkiisa iyo dhalinyarada u wada qoryaha malaha kala danbeyn iyo ismaqal,hadii maamulka galmudug afka ka sheego nabbad waxaa xabadda ridaya dhalinyaradii hubka wadatey.waxaana halkaas laga tabanayaa maamul aan salka dhigan sugina karin ammaanka guud ee shacabka uu matalo iyo wixii ku agnool oo shacab soomaaliyeed ahba,maamulka galmudug ma awoodo inuu maamulo qoriga loo sito maamulkaas inuu sugo xabada ka dhacaysa.
17-maamulka galmudug markaan ka eegney dhankasta jiritaanka shacabka soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo ee puntland dan uguma jirto jiritaankooda dil joogto ah galmudug iyo alshabaab oo mid ba mar soo weerarayo,
HADII AAN SII WADNO HALKAN LAGUMA SOO KOOBI KARO.
waxaa magaalada gaalkacyo lagu soo weeraray alshabaab ka sakow magaca maamulka galmudug in ka badan 14 waxaana ilaa hada gacanta maamulka galmudug ku maqan 77 madaxdii puntland iyo waxgaradkoodii aqoonyahankii waa kuwii matalayey shacabka puntland ee soomaaliyeed,shacabkana iskaba daa oo waa tiro beeleen.dhiig joogta ah waxaa ka dhib yar maamulka galmudug oo xaraan ka aha gebi ahaanba magaalada gaalkacyo,
ha ilaawin mid magaalada gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed sidaas darteed waxaa degaankeedu xaq u leh soomaali kasta meelkast oo uu ka yimid soomaaliya waayo waa dhul soomaaliyeed waxaase ka mamnuuc ah maamulka galmudug iyo dadka hubka u wada kala geynta ummadda soomaaliyeed dibna qabriga uga soo fagey dagaalkii sokeeye qalfoofkiisii.
waxaan shacabka magaalada gaalkacyo shacabka puntland shacabka soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqeynaa nabbad waarta iyo midnimo laguna dayan maamulka ay mudan tahay in loo bixiyo GALSHABAAB ee ka weynaan waayay aragti qabiil,kana weeynaan waayey lamidowga alshabaab,kana leexday xaqiiqda maanta hortaal ummadda soomaaliyeed ee ah midnimo iyo hiigsi soomaaliyeed.
xisbiga shacabka puntland ma aha mid raadinaya kala geynta ama isku dirka ama raadinaya dhiiga ummadda soomaaliyeed ee la daadiyo ee waa xisbi ku hadlaya afka dadka soomaaliyeed ee puntland,ilaaninaya danahooda iyo jiritaankooda kuma yaboohayno in la daadiyo dhiig soomaaliyeed laakiin waxaan ku yaboohaynaa joojinta dhiiga daadintiisa la caadeystey ee shacabka puntland ee magaalada gaalkacyo iyo guud ahaanba shacabka soomaaliyeed.
xisbiga shacabka puntland wuxuu horseed ka yahay raadinta soomaaliyada cusub ee aanu wadda raadineyno jecel nahayna.waxaanse si cad uga soo horjeednaa dulmiga lagu galayo magaca maamul boboleed sida galmudug.alshabaab,waxaan wax ka raadineynaa soomaaliya oo nabbad ah kana weyn qabiil kala qaybsanaan,aragagixiso,
xisbiga shacabka puntland iskama indho tirayo xaqiiqda iyo khatarta soo wajahdey ummadda soomaaliyeed maanta waa muqadis in runta laga hadlo xaqana la sugo.
Dowlada puntland iyo shacabkeeda waa isugu mid AMISOM-GALMUDUG-ALSHABAAB IYO DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheikh Cali Diini waxaan leenahay waxaad wasiir ka tahay dowlad qabiil ku rati kacsadey,waxaana qayladaada gaalkacyo ayaan amisom geeyneynaa u aragnaa mid afka laguu gashey,waayo inamadii aad mataleysey ee loo soo direy cadaado ayaa haboon inaad marka hore warsato waxna weydiiso waxa maanta socda.kana soo baxaya xamar ee dhinac marey soomaaliyadii wacneyd wanaagsaneyd ee aanu wadda raadineyney.
waxaa xamar lagu laayaa madax hal beel oo soomaaliyeed,waxaana magaalada gaalkacyo lagu laayaa madaxda hal beel oo soomaaliyeed,waase dhamaadey wakhtigii oohinta lala aamusi jirey iyo ciilka,qalbigana lagu xiran jirey beri ayay uun hagaagi,hadii wanaaga lawada arki waayo waa laysa saxayaa hadii laysa sixi waayo waxaa imaan in runta laysu sheego waxna laka tirsado boogo horena bilaabaan iney dib u xanuunaan dhibanaaysha aamusnaa.
waxaad wasiir ka aheyd dowlad qabiil wakhtigeediina dhamaadey,sasabta laguugu dhiibey booskaana waa in qabiilada kale oo wax dulmayaa maqaarsaar kaa dhigtaan sida indhaha ummadda soomaaliyeed u arkaan dowlad mideysan,iyo kan adduunkuba,
marka 10 ASKARI oo ah beesha aad ka soo jeedo ciidan NISA ama XOOGA DALKA loo tababaro waxaa beesha magaalo madaxdii xooga ku haysataa tababarataa 1000 ASKARI,waadna ku fashilmatey magaca aadka u weyn ee soomaaliyeed ahna wasiirka gaashaandhiga soomaaliya,waana mid MUGWEYN.
waxaad markhaati ka tahay in ciidan qaran aad ku guul dareysatey inaad sameyso,ama wax ka sameyso,si AMISOM ta aad hooyada soomaaliya u maleyneyso meeshaba uga baxdo,kalsoonidii shacabka soomaaliyeedna u soo noqdo dadkeenuna u helo kalsooni nabbadeed oo ay sugayaan ciidan mideysan loo dhan yahay qaran soomaaliyeedna matali kara,
waxaa askariga amisom qaataa lacag ka badan 1200 oo dollar halka inta laga soo xuley halka beel ee soomaaliyeed qaataan in kayar 150 dollar,waxaa meesha ka baxey magacii weynaa ee ciidanka xooga dalkeena,waxaa maanta dalkeenii noqdey meel ciidamada amisom iska dhex joogaan waxna ka qaban waayaan alshabaab,
waxaa gacanta dowlada ka baxay magaalooyin dhan oo badan muhiimna ah ayna gacanta ku hayeen ciidamada afka ka taageera soomaaliya ee itoobiya oo xataa sheegid la aan u baneeyey alshabaab waxaa hortaada lagu xasuuqey ciidan beeleedkii matalayey ciidan dowlada federaalka soomaaliya waxaan sababey ciidamada itoobiyaanka oo aan warba galin kana guureeyay,
waxaa la diley ciidan beeleed soomaaliyeed watase magaca ciidanka qaranka soomaaliyeed waxaana laayey ciidamadii ka cararey magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen ee itoobiyaanka ahaa.waana u sumcad xumo magaca ciidanka soomaaliyeed.iyo inta qiimeysa raadisana soomaaliya oo wanaagsan.
waxyaalo badan oo isu tagey waa waxa maanta soomaali kawada careysiiyey dad badan oo soomaaliyeed iyo waliba beelo soomaaliyeed oo wax weyn tabanaya,waayo waxaa lala buubey wanaagii soomaaliyeed waxaana loola leexday mid qabiil kaliya ah,waxaad wasiir ka aheyd dowlad qabiil boobey waadna ku guul dareystaey xataa inaad ciidan beeleedka aad wasiirka u tahay geyso TIYOOGLOOW iyo magaalooyinka itoobiyaanku sida qorsheysan uga baxeen alshabaabna deg dega ku qabsatey,
waxaa 4 sano ee beeshan xukunka boobtey hogaanka magac u yaalka ah dalka soo galey laguna maal galiyey lacag aay dadyow badani qaar ba in ku sheegeen waxaase yaable adigoo ku fashilmey MAQAAR SAARKII BEESHA AAD U AHEYD waa tan xilka kuu dhiibtaye maxaa ka soo gaarey lacagtaas caabudwaaq.mase dafirsan tahay in beeshaada gaar ahaan ciidankii loo taba barey maanta joogaan puntland ayagoo soo goostey kana soo goostey galmudug.waa yaab.WAXANSE KUGULA DARDAARMEYNAA KOLEY QALINKAAGA WAKHTIGIISII WAA DHAMAADEYE AFKA KA DAA GAALKACYO.
GAALKACYO WAA KA MAMNUUC NIN AAN AHEYN ASKARI PUNTLAND AH INUU QORI KU WATO,WAANA KA MAMNUUC NIN QORI U SITA GALMUDUG,HADII GALMUDUG DOONEYSO NABBAD MAAMUL GOBOLEED MADAXDEEDU WAA CADOODO HANA KU EKAATO.
WAXAA GAALKACYO LAGA OGOL YAHAY OO KALIYA WAA SHACAB SOOMAALIYEED OO HAL MAAMUL LEH,SHACABKA SOOMAALIYEED EE HOOS TAGA GALMUDUG NA WAA DAGANAAN KARAAN,WAXAASE AMAANKA IYO DOWLADU TAHAY TAN PUNTLAND EE SOOMAALIYEED.
NB - WAAN KALA NOQONEY KALSOONIDII DOWLADA WAKHTIGEEDU DHACEY EE XUKUNKA KA BOOBTEY UMMADDA SOOMAALIYEED.AMISOM GALMUDUG,ALSHABAAB,DOWLADA FEDERAALKA CIIDANKOODU WAA ISKU MID WAANA KA XAARAAN GAALKACYO.
MAANTA HAL BEEL AYAA HAYSATA XAMAR,HAL BEELA AYAA MATASHA QARANKA SOOMAALIYA,HAL BEEL AYAA WELI RAALI GALIN XASUUQII XAMAR BEELAHA KALE EE AY XASUUQEEN,HAL BEEL AYAA UMMADDA SOOMAALIYEED LA HOR CARAREYSA CALANKA UMMADDA SOOMAALIYEED INTEEDA KALE,HAL BEELA AYAA WAX BOOBEYSA,HAL BEEL AYAA ARKI LA SOOMAALINIMADII.HAL BEEL AYAA AFKA KA HA DWOLAD UURKANA QABIIL.
WAX WEYN AYAA KHALDAMEY EE BAL AANU DIB U RAADINO SOOMAALIYA OO NOO WADA WANAAGSAN SI DAACAD AH XAQ AH,NABBAD AH,ANAGOO KA WEYN QABIIL,KANA WEYN JEEB,KANA WEYN WAA HURDAAN EE DAR DAR,KANA WEYN DAMAC KURSI.
Subscribe to:
Posts (Atom)









