Friday, October 28, 2016

HAMBALYO - shacabka magaalada gaalkacyo ee diidey in laga soo dhex dagaalamo kana hortagey dagaalka ay wado galmudug.






waxaan halkan hambalyo uga direynaa shacabka magaalada gaalkacyo ee diidey in laga soo dhex dagaalamo,naftoodana u hurey raadinta nabbada iyo jiritaankooda.magaalada gaalkacyo shacabka dagani waa shacab walaalo ah isku mid ah jecelna nabbad dadkeena soomaaliyeed wadda raadinayaan,


magaalada gaalkacyo waxaa ayadoo dowlada puntland cawineyso waxna ka dhiseyso maamulka galmudug kusoo dhaweysey magaalada gaalkacyo laakiin ninna kuuguma hanbeeyo sidaad ugu listey waxaana dhacdey markii xarun magaalo madax uu helay maamulka galmudug inuuba sheegto magaaladii lagu soo dhaweeyay,dhiig joogto ahna ku daadiyo.ilaa shacabkii magaalada gaalkacyo halheys ay kaba  noqotey marka yaa diley la yiraahdo,* yaa kale GALMUDUG - ALSHABAAB.*


waxaana markhaati kuu ah in dowlada puntland kusoo dhaweeysey galmudug puntland waxay jirtaa 18 sanno waxayna xataa sameysey salkana u dhigtey dowlada federaalka soomaaliya halka galmudug ka jirto mudo aad u yar sannado ah,waana curdan galmudug.


waxaa dhacdey in maamulka galmudug laalo nabbadii magaalada gaalkacyo xataa hadii lasykaba daayeey loona daayey magaalada gaalkacyo,waxaa kaloo dhacdey maamulka galmudug inuu kasoo feer dagaalamo alshabaab una ogalaato in dhulka ay sheegato mamulka galmudug alshabaab gabaad ka dhigato puntland na laga soo weeraro,waxaa kaloo dhacdey in har iyo habeen maamulka galmudug hubkooda lagu daadiyo dhiiga shacabka iyo madaxda puntland waxna aysan ka qaban ilaa ugu danbeyntii maamulka galmudug soo weerarto magaalada gaalkacyo in ka badan 17 mar hadana socdo dagaalkii ugu danbeeyay oo ay soo abaabulaan.


shacabka magalada gaalkacyo waa dad walaalo ah waa dad soomaaliyeed,waana dhulkoodii waxaase magaalada gaalkacyo mamnuuc xaaraan ka ah waa maamulka galmudug iyo wax qori u sida ama cid difaaceysaba maadama ay gacmaha ku leeyihiin dhiigiii shacabka soomaaliyeed siiba kuwa magaalada gaalkacyo puntland,sida alshabaab.


dil maalinkasta iyo habeenkasta ah ee magaalada gaalkacyo qaraxyo, baqdin shacab waxaa ka sahlan maamulka galmudug oo sidaas uga maqnaada magaalada gaalkacyo,

si toos ayay  alshabaab iyo maamulka galmudug u soo weeraraan magaalada gaalkacyo,alshabaab oo shaati diimeed u galineysa daadinta dhiiga ummadda soomaaliyeed ee magaalada gaalkacyo iyo maamulka galmudug oo shaati qabiil u galineysa kuna maldahaysa dhulbalaarsi qabiileed gaamurey.


dhamaan shacabka magalada gaalkacyo waxaa nabbdooda  hoos tagtaa ILLAHEY ka sokoow booliiska magaalada gaalkacyo ee dowlada puntland ciidamada difaaca puntland,hay ada nabbad sugida puntland guddiga ammaanka magaalada gaalkacyo sidaas darteed meel ugama banaana maamul alshabaab walaal la ah.



No comments:

Post a Comment