WAXKASTA WAXAA KA WEYN JIRITAANKA PUNTLAND
ISKU DUUBNI AYAA LOO MARAA DANTAYADA.
waxaan aad u dhaaliileynaa siyaasada ka qaloocatey xukuumadii dalka haysey 4 tii sano ee lasoo dhaafey taasoo u diyaarin weydey ummadda soomaaliyeed manhajkii sugayey jiritaankooda gaashaana uga noqon lahaa waxaa maanta kasocda ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo dulduleelada kalsooni iyo nabbad galyo la aanta kasoo galeyso soomaaliya guud ahaan.kala sii fogeysey qalbiyada ummadda soomaaliyeed.
waxay dib u dhac weyn ku rideysaa arintani xukmuudii qabata hogaanka ummadda soomaaliyeed waayo halkii ay wax soo kordhin laheyd ayay waxay ku hawlanaaneysaa sidii ay u dhayi laheyd boogihii xukuumadii hore halkaasna waxaa gabaabsi ku noqonaya horumarka ummadda soomaaliyeed waxaana cakaarmaya hiigsiga ummadda soomaaliyeed iyo soomaaliya oo wanaagsan.
ummadda soomaaliyeed waxaa maanta lagu soo tuurey kubad qodxo ka taagan yihiin waana mid lagu bad baadinayo jiritaanka dal aanu wax ka tabeyney hadase dalkaasoo ubucdiisu hada danqaneyso,waxaase kasii daran siyaasada qarsoon ee maanta ku wajahan soomaaliya taasoo ah waxaan hogaanka ummadda soomaaliyeed saareynaa cid wadi doonta dantayada.
dalkstaa waa gilgishaa marka ay xukuumadi isbadeleyso,dadkiisuna badanaa waa kala aragti duwanadaa isna qab qabsadaa waana hab xisbiyeedka siyaasadeysan taayaduse waa ka duwan tahay oo waxay kusoo ururtey qabiil waana halaag lumin kara jiritaanka qowm.
hadii aanu usoo noqono puntland waxaa lamaga maarmaan ah in loo wada istaago difaaca iyo jiritaanka puntland.
darraad waxay aheyd alshabaab shallayna galmudug maantana waa daacish,
maanta waa inaan mudnaanta siinaa in ummadda soomaaliyeed ee puntland aysan waxba kala tirsan waxkasta oo laysu qabana la raajiyo dibna loo dhigo lagana eego dhanka wanaaga waayo waxa yar ee nakala dhex ooli kara waxaa ka weyn waxa kaabiga noo soo fariistey.cadowgeenana ah.
dhinackasta siyaasiyiinta puntland waxay ay raadineyaan waa puntland oo wanaagsan waana sax hadase wanaagu wuxuu ku jiraa inaan puntland difaacano wanaagsano kana yureyno cadowga muuqda iyo kan harka ahba.
waxaan mar kale leenahay markii aanu meel isaga ogaano hororka kala duwan ee ku soo faran duleynaya puntland aanu si cadaalada ah wax garadnimo ah siyaasad ku suga miis dan noogu waddo jirto ku wadda xaajoono kuna falan qayno meesha wax ka khaldameen ama ka khaldami karaa iyo waddada haboon.
QANDALA waa meel xaaraam ka ah daacish sida soomaaliya oo dhan waana meel kamid ah dhulka soomaaliyeed ee puntland taasoo ay ummaddi ku faani karto,
waxaanse leenahay shacabka qandala xaq iyo xaquuq waxay u leeyihiin iney u noolaadaan sida xorta ah ee ummadda soomaaliyeed wadda dooratey waana midka ay halganka ugu jirto ummadda soomaaliyeed inta maskaxdoodu fayowdahay caqligana la saaxiibka ah waana tan dantayadu ku sugan tahay waxna kula qaybsan karno ummaddaha adduunka kuna horumari karno.
dhowrka waddaaad ee waalaya wiilasha kuna haya buuraha qandala waxaan leenahay dadkiina dhinac kasoo raaca dad kaa badan iyo daad ba waa ku qaadaan.waxaana tusaale idinkugu filan suuj iyo garacad,isna dhiiba si aad u sugtaan jiritaankiina,dhiigiina macno daro kahu daadina idinkoo loo diyaar yahay inaan la idin leyn ha kasbanina dhib.
waxaan shacabka puntland ugu baaqeynaa midnimo illaalinta nabbada iyo lasheqeynta ciidamada difaaca puntland iyo kuwa nabbad sugida,
waxa socdaa waa dabeyl kamid ah dabeylaha isbadalka ee dalkeena waana mid aan waxba noo dhimeyn loose baahan yahay ineysan ciideeda indhaha nooga sareysin.
hiigsigu maanta waa puntland berina waa soomaaliya oo mideysan  horumarsana ee ha noqon habqan.
Comments
Xisbiga Shacabka Puntland
Write a comment...
Press Enter to post.