dharka uu qabo ninkan ka badbaadey duqeyntii duleedka eerboorka magaalada gaalkacyo hadii aan dib idiin xusuusino waa dharkii ciidamada amisom waa dharkan waxaa alshabaab ka furtey ciidamada amisom,waxaana loo soo xirey alshabaabkii ka soo tegey xeebta puntland soomaaliya,hadana waxaa xiran dhaawaca alshabaabkii lagu waxyeeley duleedka magaalada gaalkacyo.
hadaba su aashu waxay tahay maxaa isku dhar ka dhigey alshabaab iyo kuwa ay ku andacooneyso iney u yihiin ciidamo,mida kale maxay galmudug weerar ugu tahay har iyo habeen puntland ? maxayse alshabaab usoo raaceysaa galmudug ? hashu iyadaa geela cunta hadana cabaada.hadaba alshabaab iyo galmudug waa isku mid ilaa ay indhaha dadka soomaaliyeed ee caqliga la saaxiibka ahi cadeynayaan kala bixida ama kala duwanaanshaha alshabaab iyo galmdug.
markii alshabaab wax yeelaan dadka puntland loona jawaabo waxaa sheeganaya galmudug.waa yaab.markii galmudug faraha laga qaado waxaa soo fara baxsanaya alshabaab.waa yaab.hadaba waxaan isku liis ku qorney alshabaab iyo galmudug ilaa la arko galmudug oo dagaal cad xabadiisuna dhaceyso kula jirta alshabaab.runta dadka kama farxiso.waxaan mudo badan u dulqaadaneyney falalka foosha xun ee ka imaanaya dhanka maamulka galmudug tasoo aanu doorbidney inaan ilowno waxkasta oo dhacey kana doorano soomaalinimo walaalnimo,waase waayeen dadka puntland.
puntland kuma aha cadow galmudug laakiin galmudug ayaa u aragta puntland cadow waa hadii aan been la sheegin waayo qof ka yimid puntland oo wax kusoo qarxinaya galmudug ma jiro,alshabaab puntland garabsiineyso oo weeraraya galmudug ma jiro,waxaase galmudug ka soo burqanaya alshabaab waxayna galmudug raali ka tahay alshabaab waayo waxaan oran karnaa arintu waxay galmudug ula muuqatey cadowgaa cadowgiis waa saaxibkaa ayadoo meeshuba aysan ool wax cadawtinimo ah,
dadka soomaaliyeed waxay kuwada khasban yihiin iney ilaawaan wixii dhacey laysna walaaalsado loona wadda istaago danta guud iyo soomaalinimo taas ayaa waxkasta ka weyne.
shacabka iyo madaxda galmudug waxaan ugu baaqeynaa iney kala saaraan alshabaab iyo shacabka soomaaliyeed ee galmudug,
waxaan ugu baaqeynaa maamulka galmudug nabbad iyo iney arkaan khatarta ku dhex hoganeysa,
waxaan mar labaad leenahay waa muqadis iney isdifaacdo puntland ilaa dadka soomaaliyeed ee puntland aysan jirin wax xabbad kusoo rida cadwotinimo iyo iney isdifaacaan ilaa aysan jirin wax qarax ula yimaada,
dadka puntland ma aha dad cirka uga soo degey deegaanka ay degan yihiin ee waa dad soomaaliyeed waligoodna daganaa,
maamulka galmudug madaxdiisu waxay ku andacoodaan galmudug iyo puntland waxaa ka dhaxeeya dagaal deegaan hadana waxaan leenahay wax deegaan ah oo laysku haystaa ma jiro kasoo u dhaxeeya puntland iyo galmudug,
waxaa in la cadeeyo mudan hadii shacabka puntland iyo dowladeedu dhul durugsi u soo aadaan galmudug iyo in shacabka galmudug iyo maamukaba laga celcelinayo deegaanka dadka puntland,
hadaba waxaa koonfurta soomaaliya ka socda waa dhul boob waxaana uga danbeeysey ayeeyadii iyo ilmihii yaraa ee 4 sano jirey ee la gubey dhul boob dartiis iyo dagaal gardaro ah,waana halka uu gaarey dhulboobka beesha soomaaliyeed ee degta galmudug,waxa loola imaanayo puntalnd waa wax la mid ah waxa loola tagey dadka soomaaliyeed ee dega gobolada koonfureed ee dalkeena ayna ula tageen dad soomaaliyeed oo ka tagey galmudug,
waxaa jira xad daaqsin ah ee xoolo dhaqatada puntland iyo galmudug midba gooni u leeyahay tasoo lana wada yaqaano tagta ilaa badda dhanka kalana ilaa xuduud beenaadka itoobiya tasoo ay mudan tahay in shacabka xoolaha kala daaqsado maadama dagaal sokeeye kuna maldahan qabiil iyo diin hada socdo.waa layn dheer laguna badbaadinayo inuusan daadan dhiiga dadka soomaaliyeed.sidaas darteed sal iyo baar waxba kama jiraan weeye hadaaqa madaxda maamulka galmudug ee dhahaya waxaa naga dhexeeya puntland muran dhul,waxaan u aragnaa qiil us sameyn cad ama marmarsiiyo looga dan leeyahay iney dadka galmudug har iyo habeen dagaal u taagnaadaan kuna soo yaacaan dhanka puntland si colaad isaga socoto soomaalida dhexdeeda.markasta oo wax la yeelana dadka soomaaliyeed ee galmudugna eed loo saaro puntland.waa iney indhuhu qabtaan cadowga guud ee galmudug iyo puntland wadda leeyihiin soona isticmaalaya galmudug.
waay mudneyd in tilaabo laga qaado loona jawabo weerarkii lagu soo aadey eerboorka magaalada gaalkacyo,
HORSEED MEDIA.
Subaxnimadii Salaasada 27 Agoosto, 2016 ayaa Maleeshiyaadka soo degey duleedka koonfur-Bari ee garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxay ka soo baxeen halkii ay markii hore degeen, waana ku soo dhawaadeen Saldhigga ku yaal Madaarka, waxaana gabbal gaabkii ay Saldhiga ku rideen rasaasta lidka diyaaradaha, xili ay halkaasi ka degeysay diyaarad siday Saraakiil Maraykan ah. Ciidanka PSF ayaa ugu jawaabey sidaas si lamid ah.
Hawlgalo ciidanka PSF iyo Danab ay wadajir u fuliyeen ayaa lagu soo qabtey xubno badan oo ka tirsan al-Shabaab, waxaa loo dhacay guryihii ay ku samayn jireen Bom-ka iyo waxyaabaha qarxa, waxaa la qabtey sarkaal u dhashey dalka Suudaan oo ka tirsanaa al-Shabaab, dhanka xaafadda Galmudug ka degan tahay Gaalkacyo waxaa ciidamadu ka sameeyeen hawlgal wadajir ah oo ay ku doonayeen in lagu soo qabto Nuur Deeq Maalinguur oo la sheegay in uu ahaa madaxa isku xira shabakaddan oo dhan, Nuur Deeq ayaa baxsadey, waxaana la qabtey Aabihii dhalay iyo gaarigiisi oo muraayadaha hore uga dhegan yahay Sawirka Madaxweynaha Galmudug. Hawlgalada oo sii socdey ayaa lagu qabtey dad ku dhaw 100 qof,
waxaa khasab ah in dadka soomaaliyeed ee diidan nabbada lagu khasbo nabbada xataa hadii ay god u galayaan,
waxaa khasab ah dadka soomaaliyeed ee garan waayey weynida soomaalinimada kana doortey alshabaab in xabbad lagu soomaaliyeeyo.
waxaa khasab ah in ummadda soomaaliyeed hal jiho isu raacdo si wadajir ahna u ilaashano jiritaanka soomaalinimo,
puntland waa horseedka ummadda soomaaliyeed,wixii puntland ka soo horjeestana waxay kasoo horjeesteen soomaaliya.
No comments:
Post a Comment