Waxaan aad iyo aad usoo dhaweyneynaa nabbada ay ku baaqayaan culimada magaalada gaalkacyo,
= - waxaase heshiis nabbadeed laga aqbali karaa maamulka galmudug magaalada gaalkacyo hadii wax ciidan ku sheeg ah aysan kula soo dagaalamin magaalada gaalkacyo maleeshiyaadkeedana kala tagto duleedka magaalada gaalkacyo,magaalada gaalkacyo la soo haweysan askari qori u sida galmudug ileen waaba ka mamnuuce.
hadii aan runta laga xishoon jiritaanka galmudug waa ku khalad jiritaankiisa sharciga u dagsan ummadda soomaaliyeed ee ku aadan maamul sameysiga waayo waxa maamul sameysan kara laba gobol iyo wixii ka badan halka maamulka galmudug ka yahay gobol ashabaab ka haysato iyo mudug barkiis oo ay har iyo habeen dagaal ka wadaan qaybtooda koonfureed,alshabaabna kula dhex nooshahay iyadoo waliba ciidan ah,magaalada gaalkacyo waxaa laga ogol yahay shacabka soomaaliyeed oo hoos taga dowlada puntland oo kaliya,mana aha wax laga xaajoonayo,waayo waxaa ku jirta danta jiritaanka soomaaliya oo dhan.
waxaase ummadda soomaaliyeed galmudug ha jirto u tiri soomaaliya waxaa ka jira cadow weyn diidana jiritaanka ummadda soomaaliyeed kasoo ah alshabaab,laba daran mid dooro ayay ummadda soomaaliyeed ku aqbashey galmudug,
= - waxaa nabbada magaalada gaalkacyo imaaneysaa markii magaalada gaalkacyo laga waayo askari qori u sida maamulka galmudug,waayo hadii aad aragtid askari qori u sida galmudug maalintii waxaad arkeysaa wadaad waalan oo alshabaab u dagaalamaya habeenkii.sidaas darteed meel ugama banaana maamulka galmudug magaalada gaalkaacyo abidkeed.shacabkuse waa magaaladoodii waana soomaali ayaga ayaana iska qaban kara maamulka nolol diidka ah ee galmudug iyo dhalanyarada qoryaha u warfinaya ee aan kala garaneynin shacab iyo meel xabbad lagu ridi karaba.
nabbada magaalada gaalkacyo waa mid ay sugayaan ciidamada diaaca puntland mana aha mid marti looga yahay alshabaab,galmudug,dowlada federaalka soomaaliya iyo cidii soo raacdaba ee waa mid ay muqadis ku tahay sugideeda puntland,
waxaan ninka nabbada ku dhaartey ee ALOORE leenahay inta kalena ku dhaari nabbada taasaa wanaag ku jiraaye.
waxaan aad uga xunahay in maamulka galmudug noqdo maamul lagu rati kacsado xabbadna u rida danta dadkii boobey hogaanka ummadda soomaaliyeed 4 tii sanno ee lasoo dhaafey wakhtigooduse dhmaadey laakiin rabba iney ku soo noqdaan hogaanka ummadda soomaaliyeed ee ay mugdiga gasheen.waxaase ayaga leenahay 5 bilyan oo dollar iyo 4 sanno oo kor la idiin sidey waad qabtaan ha idin deeqdo daaya hogaanka ummadda soomaaliyeed haka reebinina ADDUUNKEE.
hogaanka galmudug waxaa ku haboon innamada ay ku khasbayaan una fadhiya gaalkacyo duleedkeeda iyo inta aad soo ururineysaan waxaa looga baahan yahay in aad la adaan alshabaab oo haysata dhulkii aad magaca galmudug ku sameysateen,ka dibna waaydiista maamulada kale ciidamdo idinka feer dagaalama waxna ka raadiya soomaaliyada aanu wadda rabno wanaageeda iyo nabbadeedaba.
No comments:
Post a Comment