Sunday, October 9, 2016

Magaalada Gaalkacyo Qaybta Koonfureed Waa mid si toos ah u hoos tagta Dowlada Puntland oo awalba ay ka tirsaneyd.


WAXAAN AAD IYO AAD U SOO DHAWEYNEYNAA GO AANKA GEESINIMADA LEH EE UU KU DHAWAAQEY  MADAXWEYNAHA MAAMULKA GALMUDUG MUDANE CABDIKARIIN.

si runta ah magaalada gaalkacyo ma yeelan karto labo maamul waayo waxaa kala qaybsamaya shacabka walaalaha ah ee reer galkacyo,labo maamul ma wadda qaado hal magaalo,
waxaan aad iyo aad usoo dhaweyneynaa go aanka adag ee geesinimadu hareysey ee uu qaatey mudane cabdikariin,waxaana ugu baaqeynaa cuqaasha wax garadka aqoonyahaynka dhalinyarada haweenka,siyaasiyiinta iney garab istaagaan mudane cabdikariin,waayo waa go aan nabbadeed,waa go aan wax ku ool ah,waaa garasho dheer, waa sinaan, waa midnimada shacabka gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya,

A - waxaan  taliyaasha ciidamada galmudug ee colaada kusoo wajaha magaalada gaalkacyo aanu la socodsiineynaa in la gaarey waxkhtigii  ay dib uga guran lahaayeen magaalada gaalkacyo,ayna nabbadda shacabka magaalada gaalkacyo si toos ah u hoos tagto dowlada puntand soomaaliya,taliyaasha  ciidamada galmudug waxaa waajibaadkoodu yahay in ay bilaabaan dagaal ka dhan ah alshabaab,waxaana balan qaadeynaa in ciidamada Puntland ee ay maanta u arkaan cadowga noqdaan walaalahooda la raadiya nabbadda galmudug,noqdaana kuwa xabbada  kula ridi doona alshabaab,
sidaas darteed waa muqadis in ciidamada matala galmudub iyo malaashiyo beeleedka galmudug loo daad gureeyo laguna wajaho magaalooyinka hoostaga maamulka galmudug ayna caganta ku hayso alshabaab,ciidamada difaaca Puntland waxay fursad gooniya u helayaan la dagaalkan argagixisada oo kaliya una soo fara baxsaneysa Puntland,halka maanta magaalada gaalkacyo ku caan baxdey falal dagaal oo  macno darro ah  kana imaanaya galmudug  iyo alshabaab,islana Jira kalana Jira,nabbada Puntland waa nabbadda galmudug sidaas darteed waa muhiim in nabbadda Puntland laga sugo afka hore ee galmudug.

B - waxaan shacabka magaalada gaalkacyo guud ahaa la socodsiineynaa inuu dhamaadey wakhtigii dagaalka ,fowdada,daadinta dhiiga macna darada ah,kala qooqbka shacabka magaalada gaalkacyo,
wakhtigana ay nabbaddoodu ILLAHEY ka soow ay hoos tagto dowlada Puntland,ciidmada difaaca Puntland,booliiska magaalada gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya,qofkii la yimaada ku xad gudubka amaanka shacabka iyo sharcigu tilaabo gacan bir ah ku qaban doono,

C - waxaan la socodsiineynaa in shacabka magaalada gaalkacyo  ee qaybta koonfureed si labbad galyo leh ugu soo noqdaan guryahoodii, ayna sharciga dowlada Puntland  ee soomaaliya ula siman yihiin  guud ahaan shacabka magaalada gaalkacyo,sharciga  dowlada Puntland ee soomaaliya waa sharci hal il kuwada arka shacabka Puntland waana sharci ay sameysteen shacabku,kana fog eex nin xigsi,qabyaalad,sharciga dowlada Puntland waa kan balan qaadaya nabbada magaalada gaalkacyo shacabka Dagan guud ahaan,waana sharci bir ah,kuna sugan tahay fulinta xukunka dilka naftii naf jarta,sidaas darted shacabka magaalada gaalkacyo waa uwada siman yihiin sharciga dowlada Puntland,

D - waxaan guud ahaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa iney la shaqeeeyaan garab istaagaan ciidmada difaaca punland iyo  hay adaha ammaanka magaalada gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya waayo waxaa weli taagan fidnimadii ka soo firdhasey argagixisada nabbed diidka,soomaalidiidka ah,

E - waxaan ku war galineynaa maamulka soomaaliyeed ee Galmudug in aanu indhaha ku hayno shacabka soomaaliyeed ee cadaalada darada dhawaaqu ka soo yeerayo magaaladaooyinka hoostaga maamulka Galmudug shacabkaas oo ah kuwii wax ka sameystey maamulka Galmudug,mudadii danbana  nabbed galyo la aan cadaalad daro iyo dil soocodi ku jirto qaylo dhaantoodii circa ku degtey ilaa hadana wax wax ka qabtey aysan jirin.

F - sida ku cad hadalka madaxweyanaha maamulka Galmudug waa joogsadey dagaalkii ka soo ifayey kana soo abaabulmayey maamulka Galmudug waxaana shacabka Puntland ee soomaaliyeed xusuusineynaa iney weli taagan tahay dagaalkii argagixisad alshabaabna aan laysu dhigan maankana laga saarin waayo dagaalka ay alshabaab Puntland ksuoo qaadeysey hadana weli ku mashquulsan tahay waa mid mudan in laysugu duubnaado gacan bir ahna markasta loogala hor tago, 
waxaan shacabka leenahay hal il kuwada arka nabbada una istaaga jiritaankiina,

G - waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu maamulka Galmudug  ku dhawaaqey inuu uga hor tagayo nabbaddiidka alshabaab,waxaana shacabka Puntland iyo kan soomaaliyeedba ugu baaqeynaa iney garab istaagan dagaalka ka dhanka ah ee argagixisada ee ay ku jirto dowlada puntland hadana ay bilowdey maamulka Galmudug,
puntland iyo galmudug waa isku nabbad waana isku dan,mana aha in wax tirsi hore dalkeena u rogey dadkeenana ragaadshey ay dib noogu soo rogaal celiyaan ayadoo maanta xalaada dhabta ah ee ka jirta dalkeenu yahay sidee loo gaaraa hiigsiga ummadda soomaaliyeed.soomaaliya oo nabbad ah horumarsan waxna la qaybsan karta dadyoowga adduunka,indhaha ummadda soomaaliyeedna ay qabtaan dadyowga kale oo kaliya laakiin ayagu aysan is arag,

No comments:

Post a Comment