Friday, October 14, 2016

GALMUDUG SHALLEY IYO MAANTA IYO QAR ISKU RARKA.




dhalinyaro hub wadata cidna aan ka amar qaadanin,waayeel ku raacaya khaladka,

dowlada federalka oo hooyo laga dhiganayo laguna naas nuugayo si cad dadbana oo qabiil huwan maamul ahaan,maamulada dalkenana laga xigsanayo,
qas iyo dilal qorsheysan weerar macno daro ah kana soo firdhaya galmudug,
sheegashada magaaalada gaalkacyo si laab kac khaldan ah,
dagaal qawan gaarayana dowlada soomaaliyeed ee puntland iyo dalkeena meelo kala duwanba,
alshabaab oo wado halaq mareen ka dhigatey dhuilka hoos yimaada galmudug kagana soo duuleysa puntland iyo intii gacantoodu gaartaba,
shacabkii sameystey galmudug oo qabiil lagu kala sareysiiyey qaarkoodna la xaqirey.
WAXAAS OO DHAN WAXAA HADA KU CAAN BAXEY MAAMULKA GALMUDUG,

galmudug waxaan la jecelnahay iney noqoto maamul kamida maamulada shacabka soomaaliyeed sameystey kana midka ah dowlada federalka ee soomaaliya taasoo qaadatey habka federalka si daawo loogu helo dagaalkii sokeeye ee ummaddeena halkaan dhigey,galmudug maanta,iyadoo aan buuxin sharciga federalka soomaaliya ee maamul usameynta  ayaa ummadda soomaaliyeed iska indho tirtey khaladkaas si loo helo soomaaliya oo nabbad ah,si loo helo shacab soomaaliyeed oo walaalo ah,waxaase nasiib xumo noqotey in madaxda maamulka galmudug talladii soomaalinimo ka doorato mid qabiil qayaxan ah.kabihii siyaaduna dhinac ula rogmadaan dhinacaasoo noqdey soo celintii dagaalkii sokeeye kasoo uummadda soomaaliyeed meel kawada istaagtey diidey iskana fogeeyeen gebi ahaanba,daadinta dhiiga ummadda soomaaliyeed ma aha mid ciyaara ah ama macno daroo ah,

galmudug waxaa u door roon iney hesho madax iyo shacab mideysan,kana mid noqon kara ummadda soomaaliyeed ee hayaanka u ah soomaalinimo buuxda iyo horumar,

waxaan shacabka iyo madaxda galmudug ugu baaqeynaa kuna cel celineynaa ineysan lumin magaca maamul ee ay wataan kagana mid yihiin dowlada federalka laakiinse ay kasoo baxaan waajibaadka saaran maamulkasta ee matala shacacb soomaaliyeed,

waxaan galmudug leenahay magaalada gaalkacyo waa magaalo hoos tagta gebi ahaanba dowlada soomaaliyeed ee puntland waxaana madaxda galmudug la dajiyey xaafad ka mid ah si galmudug halkaas maamulkeedu uga hana qaado uga sii fido qaybaha kale ee ay degan yihiin shacabka soomaaliyeed ee hoos taga maamulka galmudug waxaase nasiib daroo noqotey iney galmudug sheegato magaalada gaalkacyo,dagaalna kulaba soo bareerto.

maamulka galmudug waxaan leenahay joojiya soo celinta dhiiqadii 1990 iyo isku dilka shacabka soomaaliyeed,,joojiya dhulbalaarsiga macno darrada ah ee xambaarsan  xamaasada dagaalka sokeeye danqinayana boogihii aanu ka dhayeyney ummadda soomaaliyeed,joojiya oo ha furina jawaanka fidnada soomaali dani uguma jirtee,joojiya dagaalka aad dkula dhex rafaneysaan ummadda soomaaliyeed mudug ilaa koonfurta soomaaliya dhulka soomaaliyeed ee qaylo dhaantu is qabsatey la idinkuna  eedeynayo.

galmudug waxaa daawo iyo daniba ugu jirtaa iney shacabka galmudug helaan sharci ay u siman yihiin magaalo madax u gooni ah,ciidan aan xabad la'aadin  maagaalo maamulkale ee soomaaliyeed hoostagta,

iney u xeyd xeydtaan dagaal ay alshabaab kaga xoreynayaan deeganada galmudug  una wadda istaagaan sidii loo soo celin lahaa  kalsoonidii loogu han weeynaa maamulka galmudug,

shir guudna laaysugu yeero shacabka galmudug sida wax garadka saaladiinta,dhalinyarada,haweenka,ciidamada si loo saxo khaladadkii ka dhacay gaareyna ummadda soomaaliyeed inteeda kale, lana raadiyo nabbad iyo hourumar,

waxaan la socodsiineynaa ineysan marna macquul noqoneynin in ciidan iyo shacab sheegta galmudug hub ku wataan magaalada gaalkacyo mamnuucna tahay in mar danbe ciidan galmudug ahi fariisimo ka dhigto gaalkacyo,waayo WAAYO WAXAY LUNSHEEN NABBADII MAGAALADA GAALKACYO SHACABKA PUNTALND WAA  KALA NOQONEY KALSOONIDII MAAMULKA GALMUDUG,

shacabka soomaaliyeed ee degan xaafada baraxley waxaay si toos ah ammaankoodu u hoostagayaa CIIDAMADA DIFAACA PUNTALND waana la xaquuq shacabka soomaaliyeed ee walaalahooda ee ay dajiyey una ogalaadey iney wax ka dagaan magaalada gaalkacyo.

waxaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa guud ahaan iney wax ka ilaashadaan nabbadooda iyo jiritaankooda gacmahana is qabsadaan taageeraana ciidanka difaaca puntland kasoo ah ciidankoodii kuna hagoogey naftoodii jiritaanka puntland,una huraya  naftoodii jiritaanka puntland.

shacabka soomaaliyeed ee puntalnd waa mid waxaana ka go'an horseedna ay ka yihiin gaaritaanka hiigsiga ummadda soomaaliyeed,waxayna geed kaska iyo meelkasta ugu tagayaan burcad diimeedka alshabaab.iyo cidii lasoo safataba.

puntland waa tiir dhexaadka jiritaanka ummadda soomaaliyeed waxay puntland salka u dhigtey aas aastey dowlada federalka soomaaliya geyseyna magaalo madaxda dalkeena mogadishu iayadoo dayacan qaranimadeenii,sidaas darteed puntland  marnaba ka gaabsan meyso iney toosiso hogaanka ummadda soomaaliyeed si kasta oo loola kufo,waayo waa waajibaadka gudashada qaran iyo tan jiritaanka guud ee ummadda soomaaliyeedba, xukuumaddii la kufta hogaanka ummadda soomaaliyeed waa laga wareeejin isweydiina malaha.

JIRITAANKA PUNTLAND WAA MUQADIS SIDA UU MUADIS U YAHAY JIRITAANKA SOOMAALIYA CID LOO DABA FARIISANAYANA MAJIRO OO AAN ILLAHEY KA AHEYN.




No comments:

Post a Comment