Sunday, October 23, 2016

Dowlada federaalka soomaaliya waa Dowlad uu hal qabiil kufsadey.

DOWLADA FEDERALKA SOOMAALIYA WAA DOWLAD UU HAL QABIIL KUFSADEY.
ilaa hada waxaa magaalada cadoodo laga soo wadaa gurmad ciidan kasoo ilaa xamar isdaba haysta,maalin dhaweyd ayay aheyd markii ay isu soo dhiibeen ciidan NISA ah kuwasoo laga keeney xamar cadaadana loo keeney iney wax ka sugaan nabbada shirir lagu qaban lahaa,nasiib daro waxaa loo soo gudbiyey loona soo afduubey magaalada gaalkacyo si ay u weeraraan ayagoo aanba ogeyn,
waana la keeney cadeyntoodii ayagoo hadlaya afkoodana ku markhaati furaya NISA iyo dowlada federalka soomaaliya,waxaan qireynaa in dowlada soomaaliya aheydna rajadii ummadda soomaaliyeed noqotey mid qabiil u adeegta qabiilna ku rati kacsado,maanta waxkasta oo beesha caalamka ugu deeqdo ummadda soomaaliyeed waxay gacantooda galaan hal qabiil,

qorigii ummadda soomaaliyeed lagu siiyo magacooda wuxuu gacantooda galaa hal qabiil taasina waxay mucaarad ku tahay jidkii ummadda soomaaliyeed u mari lahayeen soomaaliya oo fiican nabbad ah barwaaqo kana weyn argagixiso,iyo waliba isu keenidii ummadda soomaaliyeed,waxaan maanta markhaati ka nahay in la kufsadey qarankii soomaaliya uuna huwan yahay danno qabiil,

waxaan maanta markhaati kanahay mudo dheer na afka ka xiraney boobka iyo shillinka ummadda soomaaliyeed adduunku ugu deeqay si aanu uga mid noqono adduunka,agabkasta oo ciidan soomaaliyana ku soo gala magac guud wuxuu gacanta u galaa hal qabiil waana mida keentay in alshabaab laga adkaan waayo,hadii aan usoo noqdo maamulka galmudug waa wiil uu dhalay dowlada federalka soomaaliya waayo maamulka galmudug si ay u qariyaan maleeshiyaadka ciidamada u ah waxaa garabka loogu xirey calankii ummadda soomaaliyeed si gurmad kasta oo ugu yimaadaa xamar uu u ahaado mid isku mid ah,ayadoo qaylo dhaantii aanu sameysano ciidamo isku dhafa oo laga kala keeney ummadda soomaaliyeed oo dhan gaartey dalkeena meelkasta iyo adduunkaba,

si looga gudbo xaalada dhalin kara iska hor imaadak maamulada iyo beelihii islaayey dagaalkii sokeeye, isagana dhayno daaweynana nabarkii dagaalkii sokeeye waase nasiib daro in maamul sheegto ciidanka qaranka soomaaliyeed intii kalena ay ka noqdaan kuwo ka maqan lakiin magacooda la isticmaalo ileen soomaaliya magaceedu cirka kama soo dhicin oo waxaa wadda leh soomaali oo dhane.xaqiiqdu waxay tahay dowlada federalka waa la wada leeyahay waxaana wadda leh soomaali oo dhan intii dhimatey inta nool iyo waliba inta dhalan doonta,waa muqadis in laga fujiyo beesha soomaaliyeed ee isa siisay dowlada federalka soomaaliya.   waxaan aad u dhaliileynaa si cad na cambaareyneynaa,
- habka loo maamulayo dowlada federalka soomaaliya,
 - gooni ugu leexinta qabiilka ee dowlada federalka soomaaliya,
- magaca sida khaldan loogu hadlayo ee dowlada federlka soomaaliya,
- warqadaha dowlada federalka soomaaliya ee sidii doona loo qorayo iyadoo ka baxsan xeerka dowladnimo ee u dagan qaranka soomaaliya.

waxaan dalkeena ILLAHEY uga baryeynaa inuu nabbad buuxda siiyo dadkeena soomaaliyeedna qalbiyadooda isu daaweeyo,waxaan ka digeynaa ugana digeynaa dadka xukun boobka ah ee weli isticmaalaya awoodii dowladii wakhtigeedu dhamaadey ineysan dalkeena u horseedin dagaalkii soomaali kala geeyay burburiyey,dadkeenana adduunka uga dhigey maqane joogaha.duruufo colaadeed darteed,waxaan ummadda soomaaliyeed u qalantaa xaqna u leedahay dowlad ay ku kalsoon yihiin,beelna u isticmaalin beel kale,dadka soomaaliyeed na u noqota AABE IYO HOOYO ilaalisana jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo sharaftoodaba.

No comments:

Post a Comment