WAXAAN AAD IYO AAD U SOO DHAWEYNEYNAA GO AANKA GEESINIMADA LEH EE UU KU DHAWAAQEY MADAXWEYNAHA MAAMULKA GALMUDUG MUDANE CABDIKARIIN.
si runta ah magaalada gaalkacyo ma yeelan karto labo maamul waayo waxaa kala qaybsamaya shacabka walaalaha ah ee reer galkacyo,labo maamul ma wadda qaado hal magaalo,
waxaan aad iyo aad usoo dhaweyneynaa go aanka adag ee geesinimadu hareysey ee uu qaatey mudane cabdikariin,waxaana ugu baaqeynaa cuqaasha wax garadka aqoonyahaynka dhalinyarada haweenka,siyaasiyiinta iney garab istaagaan mudane cabdikariin,waayo waa go aan nabbadeed,waa go aan wax ku ool ah,waaa garasho dheer, waa sinaan, waa midnimada shacabka gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya,
A - waxaan taliyaasha ciidamada galmudug ka jooga hareeraha magaalada gaalkacyo aanu la socodsiineynaa in la gaarey waxkhtigii ay dib uga guran lahaayeen magaalada gaalkacyo,ayna nabbadda shacabka magaalada gaalkacyo si toos ah u hoos tagto dowlada puntand soomaaliya,
B - waxaan shacabka magaalada gaalkacyo guud ahaa la socodsiineynaa inuu dhamaadey wakhtigii dagaalka ,fowdada,daadinta dhiiga macna darada ah,kala qooqbka shacabka magaalada gaalkacyo,
wakhtigana ay nabbaddoodu ILLAHEY ka soow ay hoos tagto dowlada Puntland,ciidmada difaaca Puntland,booliiska magaalada gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya,qofkii la yimaada ku xad gudubka amaanka shacabka iyo sharcigu tilaabo gacan bir ah ku qaban doono,
C - waxaan la socodsiineynaa in shacabka magaalada gaalkacyo ee qaybta koonfureed si labbad galyo leh ugu soo noqdaan guryahoodii, ayna sharciga dowlada Puntland ee soomaaliya ula siman yihiin guud ahaan shacabka magaalada gaalkacyo,sharciga dowlada Puntland ee soomaaliya waa sharci hal il kuwada arka shacabka Puntland waana sharci ay sameysteen shacabku,kana fog eex nin xigsi,qabyaalad,sharciga dowlada Puntland waa kan balan qaadaya nabbada magaalada gaalkacyo shacabka Dagan guud ahaan,waana sharci bir ah,kuna sugan tahay fulinta xukunka dilka naftii naf jarta,sidaas darted shacabka magaalada gaalkacyo waa uwada siman yihiin sharciga dowlada Puntland,
D - waxaan guud ahaan shacabka magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa iney la shaqeeeyaan garab istaagaan ciidmada difaaca punland iyo hay adaha ammaanka magaalada gaalkacyo ee dowlada Puntland soomaaliya waayo waxaa weli taagan fidnimadii ka soo firdhasey argagixisada nabbed diidka,soomaalidiidka ah,
E - waxaan ku war galineynaa maamulka soomaaliyeed ee Galmudug in aanu indhaha ku hayno shacabka soomaaliyeed ee cadaalada darada dhawaaqu ka soo yeerayo magaaladaooyinka hoostaga maamulka Galmudug shacabkaas oo ah kuwii wax ka sameystey maamulka Galmudug,mudadii danbana nabbed galyo la aan cadaalad daro iyo dil soocodi ku jirto qaylo dhaantoodii circa ku degtey ilaa hadana wax wax ka qabtey aysan jirin.
F - sida ku cad hadalka madaxweyanaha maamulka Galmudug waa joogsadey dagaalkii ka soo ifayey kana soo abaabulmayey maamulka Galmudug waxaana shacabka Puntland ee soomaaliyeed xusuusineynaa iney weli taagan tahay dagaalkii argagixisad alshabaabna aan laysu dhigan maankana laga saarin waayo dagaalka ay alshabaab Puntland ksuoo qaadeysey hadana weli ku mashquulsan tahay waa mid mudan in laysugu duubnaado gacan bir ahna markasta loogala hor tago,
waxaan shacabka leenahay hal il kuwada arka nabbada una istaaga jiritaankiina,
G - waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu maamulka Galmudug ku dhawaaqey inuu uga hor tagayo nabbaddiidka alshabaab,waxaana shacabka Puntland iyo kan soomaaliyeedba ugu baaqeynaa iney garab istaagan dagaalka ka dhanka ah ee argagixisada ee ay ku jirto dowlada puntland hadana ay bilowdey maamulka Galmudug,
puntland iyo galmudug waa isku nabbad waana isku dan,mana aha in wax tirsi hore dalkeena u rogey dadkeenana ragaadshey ay dib noogu soo rogaal celiyaan ayadoo maanta xalaada dhabta ah ee ka jirta dalkeenu yahay sidee loo gaaraa hiigsiga ummadda soomaaliyeed.soomaaliya oo nabbad ah horumarsan waxna la qaybsan karta dadyoowga adduunka,indhaha ummadda soomaaliyeedna ay qabtaan dadyowga kale oo kaliya laakiin ayagu aysan is arag,
No comments:
Post a Comment