Thursday, October 20, 2016

Waxaa weli hugmaya waalidii Alshabaab waxaa Weli gar isla leh Galmudug.


XISBIGA SHACABKA PUNTALND WAA ILAALIYAHA JIRITAANKA IYO DANAHA SHACABKA IYO DAWLADA PUNTLAND.

dalkeena waxaa ka dhacay dagaal sokeeye ilaa maantana jiitamaya,dadkeenana rafaadiyey,dagaalkan ku hagoogtey ummadda soomaaliyeed wuxuu jihadii ka habaabiyey dadkii soomaaliyeed,wuxuuna sababey in dadka soomaaliyeed dhexdooda laysu isticmaalo,laysku laayo loola kala qayb qaybiyo sidii dadka danaha ka leh soomaaliya ay dantu ugu jirto dadkeenana lagu rati kacsado,

puntland waa hooyadii soomaaliya waana meesha laga aas aasey ama sababtey iney ummadda soomaaliyeed miis soo wadda fariisato ugana wada tashato sidii aanu mar labaad u noqon laheyn dowlad ka jirta adduunka,waxaana maal iyo nafba ku bixiyey shuilinkii ugu horeeeyey ee lagu jag leeley diowada federalka soomaaliya ee maanta hjirta jeebkooda ka bixiyey shacabka soomaaliyeed ee puntland,inkastoo nasiib xumo dowladii  shacabka puntland,ummadda soomaaliyeed ay dhisteen noqotey mid huwata hal qabiil,magaalao madaxdiina noqotey mid ay sheegteen  beeshii soomaaliyeed ee deegaankaas caasumadu ku taal u badnaa.

shacabka puntland waa mid mideysan isku kalsoon lehna dowlada puntland ee soomaaliya,lkehna ciidan balan qaadi kara ammaanka jiritaankooda,

madaxda puntland u matalaya dowlada soomaaliyeed waxaa si arxan daro ah loogu laaya xamar,halka ay madaxda soomaaliyeed ee matalaya shacabka kale ee soomaaliyeed dhibtu iyo layntuba ku yartahay,intaas loogama harin shacabka puntland ee waxaa xasuuq loogula  tagey puntland gudheeda waxaana dhacdey in magaalada gaalkacyo oo kaliya lagu diley in ka badan 77 masuul xamarna laba tirin waayey,

magaalo kasta oo puntland ahi waxay noqotey kawaankii madaxda puntland kuwaasoo ahaa kuwii dadkooda indhaha u ahaa shacabkana u ahaa hogaanka ay daba socdaan, waxaana xigey indho ka rided loola yimid shacabka puntland ayadoo layn lagu bilaabey aqoonkii puntland iyo sheekhyadii puntland,iyo qofkasta oo madax ah ama waxgarad ah una istaaga shacabka puntland ileyn ummaddi markii shascabkooda kuwii  hogaaminayey la laayo waxay ku badashaan kuwo kalee laakiin arintii ayaa alamtara soo dhaaftey waxaana la gaarey salkii dulqaadkii shacabka puntland,

waxaa dhacdey in puntland ay alshabaab damciso ayadoo ka soo qul quleysa maamulka galmudug,waxna la yeelaynin shacabka galmudug,iyo madaxda galmudug,galmudug waxba kama oran,ilaa hada lama hayo meel ay galmudug maamulkeeda hoos taga oo lagu qarxiyey bam ama lagu laayeye shacab ayna ka laysey alshabaab,

shacabka soomaaliyeed ee puntland waxaa khasab ku noqotey iney u istaagaan jiritaankooda,waxaa khasab ku nqotey iney ayagu soo ceshtaan amaanka xaafadii ay ku sharfeen maamulka galmudug maadama ay ilaalin waayeen awoodi wayeen ammaankeeda oo kii wwax dilaba u cararayo kagana sii cararayo koonfurta dalkeena,

aslshabaab waxay gacanta ilaa hada ku haysaa dhul baaxad leh oo dalkeena ah muhiim na u ha ummadda soomaaliyeed isku xiristooda,waana mid mudan in laga xoreeyo,waxaase nasiib daro kale noqotey in maamulka galmudug u dhaqmaan si ka duwan kana qaloocan hiigsiga ummadda soomaaliyeed waayo waxaa ay isku dhex milmeen alshabaab halka ummadda soomaaliyeedc u kala baxdey soomaali doon iyo soomaali diid,

galmudug waxaya ka mid tahay dowlada federaalka soomaaliya si qabiil ba hawga mid ahaatee,waxayse kaloo ka mid tahay alshabaab maadama shacabka galmudug ay ku dhex milantey aslashabab,mana aha wax eedeyn beena ku tiirsan ee waa arin jirta tusaale ahaan alshabaab waxay soo weerartey puntland maadama labaduba yihiin dad soomaaliyeed kana wadda tiirsan yihiin dowlada soomaaliyeed ee ay sameysteen ummadda soomaaliyeed maxaa kalifey ama sababey in galmudugna waxba la yeelin puntland lasoo aado alshabaab soo weerarto,

waxaa maanta ka taagan kana dhexeeya galmudug iyo alshabaab ma aha wax micneyn u baahan ama fasiraad u baahan,waase isku mowqif noqdey alshabaab  iyo beelo daga maamulka soomaaliyeed ee galmudug oo heshiis nabaddeed iskaashi isu hiilin yaan lays leyn ah wada galey.

waana mida ay magaalada gaalkacyo habeeynkii xalay ee tagey kaga noqoneyso maamulka galmudug inuu waligii xaafad ka mida ah kataliyo magaalada gaalkacyo,
galmudug waxay iska indho tireysaa waxay kula soo faranduleyneynso   puntland iyo waxa galmudug u gaysatey shacabka puntland dhiilo qabiil dartiis.iyo dhul balaarsi dagaal ku saleysan dartiis,

shacab iyo dowlada puntalnd waa u diyaar iney galmudug ku caawiyaan naf iyo maalba sidii puntalnd dhidibada ugu taagey dowlada federalka soomaaliya  si galmudug looga xoreeyo alshabaab laakiin waa in marka hore shacab iyo maammul ahaan afkooda laga helaa galmudug lagana arkaa,,waana in galmudug ciidanka iyo maleeshiyo beelaadka ay kula soo ordeyso magaalada gaalkacyo ee puntland kula oradaa alshabaab,taas hadii lawaayo waxaaa siisocon  in maanta beri iyo waligeedba  dowlad iyo shacabba puntland ka xirtaan afka maamulka galmudug.danta iyo runtuna kala fogaato.

waxaan shacabkii ka qaxey magaalada gaalkacyo ugu baaqeynaa labada dhinacba iney kusoo noqdaan guryahoodii,

waxaana maamuilka galmudug la socodsiineynaa in ciidankooda iyo qof qori usida maamulkain  alshabaab dawikhisey ee galmudug mamnuuc ka yihiin magalaada gaalkacyo.

waxaan shacabka magaalada gaalkacyo iyo puntland guud ahaanba ugu baaqeynaa in nabbadda indho loo yeesho,la feejignaadana,waa wakhti siyaasada dalkeenu ku jirto kala guur waxaa wali hugmaya walidii alshabaab,waxaa wali gar isla leh galmudug.

marka ummaddii soomaaliyeed qaarkood mugdi ka galo hiigsigii ummadda soomaaliyeed ayna tooshkii lagu marayey mugdiga kala kufaan madax qabiil qalbiga kaga qufulan yahay,ama alshabaab oo qori la hortaagan waxaa khasab ku ah puntland ineysan cidna uga leexan jiritaankeeda,nabbadeedana ay gacan bir ha ku haysato,laakiin safka hore ugu jirto raadinta soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan horumarsan ummadda soomaaliyeed kuwa yihiin walaalo hal ummadd ah,lehna hal hiigsi kasoo wadda sugaya jiritaankayaga.

hadii aan usoo noqdo  xisbiga shacabka puntland waxaa iska leh shacabka puntland oo isku duuban,waana ilaaliyaha jiritaanka puntland,waana  xisbiga kaliya ee ilaa hada ku hadla afka shacabka puntland ,waana  ilaaliya danaha puntland,



No comments:

Post a Comment