Monday, October 24, 2016

Cagtii soo joog laga waayo mar ayaa soo jiifso laga helaa.


CAGTII SOO JOOG LAGA WAAYO SOO JIIFSAA LAGA HELAA.
waxaan aad iyo aad uga xunahay dagaalka qaabka xun ee qabiilka hagoogan oo ay si qaawan maamulka galmudug ula soo aadeyso magaalada gaalkacyo ee puntland soomaaliya.
sida xaqiiqdu tahay maamulka galmudug asagoon wax dhul cidi barkeed ah gacanta ku hayn ayaa dadka soomaaliyeed ee puntland kusoo dhaweeyeen magaalada gaalkacyo waliba siin jireen xogaa lacag ah oo ay wax ku bilaabaan dowlada federaalka soomaaliya ka hor waana wanaag iyo soomaalinimo,
waxaa dhacdey in maamulka galmudug uuba sheegto ilaa buurtinle,waxaa dhacdey in alshabaab ayba ka soo dhex dagaalanto xataa qofkii wax dilaa u cararo dhanka ay gacanta ku hayso maamulka galmudug waa loo dul qaatey,waayo waxaa ka weyn soomaalinimada waxayse kasii dareen markii alshabaab soo weerartey puntland lana jabiyey ayaa waxaa soo xeyd xeydtey galmudug,ayagoo aslahabaab weerarkooda ka horeyba waligood daadinayeen dhiiga dadka soomaaliyeed ee puntland.
dadka soomaaliyeed ee puntland uma adkeysanayaan in maalin kasta dhiigooda la daadiyo waliba haldhaagoodii dhulka la dhigo,
dadka soomaaliyeed ee puntland maantana nool waa kuwii nafta kala cararey xamar,waa kuwii looga daba tagey kismaayo,waa kuwii la leynayey markii shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi ay  lama taabtaan ahaayeen ayna dib ugu qaxayeen degaanada waqooyi soomaaliya.
waxaas oo dil ah waxaas oo hanti dhaca dadka soomaaliyeed ee puntland waay iska dhaga tireen waxayna raadiyeen soomaalinimo,waxay lacagtoodii ku bixiyeen sidii dowlad soomaaliyeed loo heli lahaa waxay puntland ka direen ciidan waxay dowlada federaalka soomaaliya ee hada jirta u daadiyeen dhiigoodii waxayna ka soo wadeen baydhabo keenaana magaalada xamar,nasiib xumo shacabkii soomaaliyeed ee u badnaa deegaanka maanta magaalo madaxda soomaaliya ku taal ayaaba u maleeyay iney ayagu kaligood iska leeyihiin dowladii ummadda soomaaliyeed,galmudugna waxay ba noqotey wiil helay aabihiis.
shacabka soomaaliyeed waa aminsan yihiin soomaalinimada waana kuwa hada u soo xuley dadkii umatali laha dhankooda umadda soomaaliyeed,waayo soomaalinimada ayaa wax kasta ka weyn,mase yeelayno in alshabaab puntland ka soo weerarto galmudug ma yeelayno in galmudu soo weerarto puntland markii ay fooli timaado guddo qarsi dhamaa,waana mida maanta taagan,oo shilinkii iyo qorigii ay ka helaan dowlada federaalka soomaaliya kuna helaan magaca ummadda soomaaliyeed la soo aa daan puntland halkii ay kula dagaalami lahaayeen alshabaab,puntland na waaydiisan lahaayeen garab ciidan shacabka puntland ee walaalahoodana ay ka raadin lahaayen garab istaag.
shacabka galmudug waa dagaan xaafad ka mida magaalada gaalkacyo xaq ayayna u leeyihiin waana dagaanan doonaan waligood waayo waa dhulkoodii soomaalyeed laakiin maamalka galmudug waa ka mamnuuc kana xaaraan iyo nin qori u sida galmudugba magaalada gaalkacyo,sababtoo ah maamulka galmudug waa la keeney magaalada gaalkacyo markii ay alshabaab shaati ka dhigteena waanu u diidney.arintuna ma ahaaneyso waligeedna ma joogeyso in shacabka puntland dhiigooda marna alshabaab daadiso marna galmudug.
dadka puntland ee soomaaliyeed waa dad ay ka go an tahay soomaalinimadu,waxaana aad u dhaliileynaa maamulka galmudug kasoo caadeystey ku dhaqanka qabiilka,tusaale magaalada caabud waaq waxa maanta ka socda ayna ka wadaan maamulka galmudug waa wax ku saleysan dagaalkii qabiilka ahaa ee 1990 halkaan dhigey ummadda soomaaliyeed burburiyeyna dalkeena dhiiga dadkeenana isku daadiyey,
waxaan si abhin ku jirto ugu sheegeynaa maamulka galmudug iyo iney joojiyeen sheegashada magaalada gaalkacyo joojiyaan dagaalkan ay soo oogayaan ee wata dhaylo dhaanta qabiilka,
waxaan leenahay ma haboona in qabiil soomaaliyeed maanta u xeyd xeydto dagaal qabiil,waayo wixii dad soomaaliyeed loo geystey 1990 ayna qalbiga ka saareen ayaad dib ugu soo masawireysaan ilaaweysaana in madaxda galmudug ee biloowgii aas aaska maamulka galmudug ahayeen kuwii xasuuqey shacabka puntland intii xamar joogtey ee u qaxey 1990 ayna ahayeen kuwii uga daba tagey magaalada soomaaliyeed ee kismaayo,hadasharaf waa u dhalashee isla shacabkii puntland ay madaxdii aas aaseysey maamulka galmudug kusoo dhaweeyeen magaalada gaalkacyo ayagoo hantidoodii wali xamar lagu haysto ayadoo wali dadkii laga looga laayey xamar xataa aan soo xabaalin aadina karin.ayay waxay ka door bideen in la raadiyaan shacabka soomaaliyeed ee galmudug maamul matala waase nasiib xumo iney kiishas kusoo qaadan qalfoofkii dagaalkii qabiil ee dadkeena iyo dalkeena mugdiga ka gashey adduunka.
war iyo gabbo gabo waxaan shacabka walaalaha nahay ee galmudug ugu baaeynaa iney gartaan arkaana soomaalinimada uu maamulka matalaa iska indho tirayo,waxaan maamulka galmudug u sheegeynaa in arintu ku haboon tahay in dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka galmudug banaan tahay in laga xoreeyo alshabaab dagaalka ay maanta kuwadaana puntland khalad yahay ayna damqineyso boogihii dfagaalkii sokeeye ee dalkeena kalana diley qalbiyada ummadda soomaaliyeed wixii ka yimaadana ay ayagu masuul kayihiin 26 sanoo ayaan isku daaweyneyney isna ogoleysiineyney ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah waxayse galmudug dooratey iney maalin barkeed iyo qori caaradiis dib ugu kala dhisho isu dirto isagana hor keento.
waxaa puntland ku muqadis ah kuna waajib ah iney isfifaacdo xataa hadii loo daadinayo dhiig soomaaliyeed waa hadii lasoo weeraro.yaanu is arkin anagu ee aanu aragno alshabaab.iskana dalkeenana gebi ahaan ka xoreyno.taasaa ah dagaalka maanta ummadda soomaaliyeed ku waajibka ahe.
hadii kale dadka soomaaliyeed ee puntland waxay mudo dhaweyd qodeen xabaaleena alshabaab maantana waa waxaan ka xumahay inaan galmudug xabaalno.
waxaase wali jira kuwo kale oo garan waayey qiimaha iyo walaalnimada soomaalinimda,waana maamulka waqooyi galbeed ee kaba indho beeley midnimada soomaaliyeed kana doortey soomaalinimo diidnimo xoogana ku haysta magaalooyin puntland ah.
waxaan maamulka galmudug leenahay waxaan raadineynaa soomaalino ee hanaga mashuulinana,iyadaa weyne,iyadaana noo wada dane.soomaalinimo ayaa jiritaankayaga guud ku sugan yahay ee ARKA OO AQBALA.
gaalkacyo waa magaalo puntland soomaali xukun u hoostagta kana  tirsan gebi ahaanba .waana qeyb kamid ah dhulka soomaaliyeed.ee ummadda soomaaliyeed.

No comments:

Post a Comment