PUNTLAND waxaa laga soo weerarey xamar si dadkii hogaanka ummadda soomaaliyeed boobey gacantooda uga bixin.
dadka soomaaliyeed ee puntland waa kuwii ugu hor istaagey ummadda soomaaliyeed raadiyeyna isbadalka dadka soomaaliyeed maanta ka dhex dhawaaqaya maankooda qaarkoodna uba gasheen shaatiga qabiil,
dadka soomaaliyeed uu puntland 1978 ayay bilaabeen horkaca isbadal dan u ah ummadda soomaaliyeed,waana dagaal yahanii hogaanka u ahaa horukaca isbadal xabad ku saleysan,iyo milateri.
baraarujin iyo kicin dheer ka dib waxaa hurdadii kasoo kacey ummaddii soomaaliyeed kuwaasoo isbadlkii dadka puntland tuseen kuba waashey dalkeeniina madaxaba u rogey waxaan raadineyney wuxuu ahaa horumar cadaalad, nabbad waarta iyo soomaalinimo mase aheyn mid ku saleysan anaa leh magaalo madaxdii ee caayriya inta kale mana aheyn anagaa muslim ah ee laaya inta kale walibana ma aheyn mid ku saleysan iyo anaguna waxaan nahay dal gooni ah idinkuna waxaad tihiin dal kale,waxa maanta socda waa iyadoo la garan waayey qiimaha soomaalinimo,waa iyadoo qaranimadii laga doortey jeeb buuxis,iyo qabiil.
iyadoo la boobey hogaankii ummadda soomaaliyeed hoosna loogu kala fastey qabiil xidideystey waxaan qireynaa maanta oo dalkeena ka socdaan xumaad badalis iney arkiba waayeeen wadadii farta loogu fiiqay 1978 maanta maantana puntland oo hurada ka kicisey kula soo noqdaan soona maleegaan dagaal wajiyo badan leh,si hogaank adalkeenu ugu sii jiri gacanta daneystayaasha,
waxaa punland xamar looga soo maleegey dagaal dhinacyo badan ah,waxaa soo weerarey soomaaliland waxaa soo weerarey galmudug,waxaa soo weerarey alshabaab,ugu danbey waxaa soo weerarey dowladii federaalka soomaaliya dadkii ay gacanta ugu jirtey una badaley dowlad qabiil,waana dowladii ay wadda la hayeen beelaha soomaaliyeed oo dhan xataa kuwa ku nool DHULALKA SOOMAALIYEED EE KU JIRA GACANTA CADOWGA soomaali galbeed iyo NFD,
waxaa cadeyn kuu ah iney dowladii ummadda soomaaliyeed noqotey mid qabiil,waxaa maanta magaca ciidanka qaranka soomaaliyeed wata waa hal qabiil, waxkasta oo qalab ama agab ciidan ah ku hela waa hal qabiil,
waxaa gurmad noogu yimid dalalka adduunka badankooda oo waxkasta oo nasiiyeyna badan dakhli ugana deeqay ummadda soomaaliyeed laakiinse wuxuu gacantooda galey waa hal qabiil,
waxaa jirtey in magaca dowlada federaalka soomaaliya lagu matalay hal beel lacagna u qaadeen beesha soomaaliyeed ee degta gobolada waqooyi kuwaaso sameystey maamul kuna andacoonaya waanba go ney ayagoo la dul marey sool sanaag iyo cayn ah kuwii ku qaylinayey wali waxaan ka mid nahay ummadda soomaaliyeed waa markii abaaraha xuni ka dheeceen gobolada waqooyi ee dalkeena.
waxaa jirta in galmudug noqotey wiilkii dowlada federaalka soomaaliya la siiyana waxksat oo wadda leeyihin ummadda soomaaliyeed ,waxkasta oo agab ciidan ah ee gacantooda galana kula soo dagaalamaan puntland.
waxaa dhacdey in dowlada federaalka soomaaliya ay adeer u noqotey alshabaab kuna dhex milantey dowlada federaalka soomaaliya alsbaabna dilaan cidkasta oo u mataleysa puntland ee xamar taga,ummadda soomaaliyeed waxaa u kala so keeya alshabaab.
waxaa dhacdey in dowlada federaalku ku guul dareysatey unkida ciidan qaran nasiib darose ciidanka maanta hubka ku wata magaalo madaxda dalkeenma noqdo halkii beel ee uu hogaanka ummadda soomaaliyeed gacanta u galey lana marey waddadii qodxaha laheyd,
waa muhiin in ummadda soomaaliyeed mar labaad miiska soo wadda fariisato kana wadda xaajooto waxa lakala tabanayo,waa muhiim in soomaaliddiidnimada meel looga wada soo jeesto,waa muhiim in soomaaliya oo mida lawada raadiyo.waana muhiim in hasha soomaaliyeed caanaheeda si is le eg loo wadda dhamo,ratiga soomaaliyeedna si is le eg loogu guuro,
waxaa dhacdey in soomaalidiidka maamulka ah ee waqooyi galbeed looga eexdey dadka daga sool sanaag iyo cayn afkana laga xirteylayskana indho tirey ,waxaana markhaati ma doonto ah ayagoo dhahaya waxaan noqoneynaa maamul in layska dhago tirey wada xaajoodkiina raad loo raaco la waayey,si soomaaliland usii durugto isuna maleyso dowlad haysata dad is raacsan meeshana uga baxdo dad soomaaliyeed ayaa lagu haystaa maanta qori caaradiis.waa markiiye magaalooyin badan oo ka mid ah maamulka puntland ay galeen maamulka waqooyi galbeed ee soomaalidiidka ah,sool saang iyo cayn.
waxaa deg deg lagu sameeyey maamulka hiirshabeele ayadoo arintu tahay xukun ku raadin qabiil iyo baarlamaanka ayaan cudud ku leenahay,mana aha mid aan ka xunahay sameyntiisa ee waa mid aanu u hambalyeyneyno,waayo waxaa wali maankayaga ku qufulan soomaalinimo iyo raadinta soomaaliya oo mida,laakiin waxaan loo dulqaadaneyn waa in hal beel boobto hogaankii ummadda soomaaliyeed markii la damcey in laga badalana ayba bilaabeen qas dagaal iyo waali qabiileysan oo hor leh,
puntland ayaa sameysay dowlada federaalka soomaaliya,puntland ayaa intaas lagu dulminayay,puntland ayaa maanta wax lagu yeealayaa dowlada federaalka soomaaliya ayadoo wadata shaati alshabaab ah shaati galmudug ah shaati soomaalialand ah mana aqabaleyno in hal beel maqaarsaar loo tuso ummadda inteeda kale lagu rinjiyeeyo dowlada federaalka soomaaliya waana beesha waxka sameysatey maamulka galmudug hadana laftoodii waxlagu yeelayo.waana beesha soomaaliyeed ee inta NISA la qorey ciidan hadana laga hor keeney puntland si ay usoo weeraraan ugu danbeyna shirar badan ka dib magaalada caabudwaaq ka cadeeyay kagana dhawaaqey RAALI KAMA IHIN WAXA SOCDA.
waxa socda maanta waa soo celintii 1990 mana aha wax u qalma jiritaanka ummadda soomaaliyeed,waxkastana waxaa ka weyn soomaalinimada hadii beealaha soomaaliyeed taas qaarkood arki waayey PUNTLAND WAXAA KU MUQADIS AH IS DAAFICAD IYO INEY U DAGAALTO JIRITAANKEEDA.
WAXAA HABOON HADII AANU NAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED INAAN GACTA DIB U SAARNO WADDII AANU KUWADA TASHANEY EE AHEYD AANU AHAANO SOOMAALI NADIIF AH WALAALO AH SUGNANA JIRITAANKAYAGA ADDUUNKAN MAANTA.
waxaad aragteen puntland oo lagu soo duuley laakiin waxaad arki doontaan puntland oo weerar ah khasabna ku tuseysa cidii arki weyda wanaaga soomaalinimo.haysana hogaanka ummadda soomaaliyeed.waayo jiritaanka ummadda soomaaliyeed wuxuxu ku jiraa in puntland horkacdo maadama lala kufey lana kufsadey lana qabiileeyay hogaankii ummadda soomaaliyeed.
WIXII INTAAS KA HOREEAYA ISU SOO KAASHADA PUNTLAND WAA IDIN SUGEYSAA WAR AYAA XIGIYE.
No comments:
Post a Comment